'Kumaan kun ayaan siiyay dhakhtar been abuur ah si uu ii qurxiyo - hadda waxaan u ekaaday sida bahal'


Nin hore u ahaa kuwa sameeya Taatuuga ayaa ka dhigay haweeneey mid u eg sida bahalkii oo kjale" kadib markii uu si khaldan u daweeyay.

Xigashada Sawirka, Handout

Qoraalka sawirka, Bishii Disembar 2022, Andrea waxa ay si dirqi ah u awoodday in ay indhaha kala qaado kadib markii barar ka soo gaaray dhabannada kadib buuxinta wejiga ee rugta isqurxinta ee Hull

Nin hore u ahaa kuwa sameeya Taatuuga ayaa ka dhigay haweeneey mid e eg sida bahalkii oo kale" kadib markii uu si khaldan uga daweeyay wejiga isagaga iska dhigay dhaqtar ka shaqeeya qurxinta, baaritaan ay sameeysay BBC ayaa arintaasi daaha ka qaaday. Waxay ku soo beegantay iyadoo khubarada hormuudka ka ah arintan ay ka digeen "dhimasho iyo sharaf darro" badan iyadoo qorshayaasha lagu xakameynayo suuqa uu dib u dhac ku yimid .

Andrea waxay dabooshaa wejigeeda marka ay guriga ka baxeyso, sababtoo ah waxay ka welwelsan tahay in dadku ku qoslaan, laba sano kadib marka lagu sameeyay qaliin habka qurxinta ah.

"Waxa aan arkaa sanam la qoray... wax laga naxo, oo laga yaqyaqsado," ayay u sheegtay BBC-da.

"Waxaan ku noolahay riyo xun maalin kasta."

60-jirkan ayaa markii hore booqatay rugta la isku qurxiyo ee Reshape U ee Hull bishii Disember 2021kii si ay uga buuxiyaan naasaha.

Waxay sheegtay inay samaysay "dhammaan tallaabooyinkii saxda ahaa" si ay u hubiso sumcadda rugta caafimaadka, waxayna dareentay kalsooni dheeraad ah markii ay aqrisay boggooda internetka inay "ku guulaysteen Rugta caafimaad ee ugu wanaagsan "Clinics Aesthetics Best ee Yorkshire " sanadkii 2022 taas oo ah abaalmarinta Ganacsiga England".

Rugta caafimaadka Sean Scot, qoraalada boggaga warbaahinta bulshada ee loogu talagalay Dib-u-habeeynta wajiyada ee Sean wakhtigaas waxa loogu yeerayey Dr Sean Scott, Agaasimaha Rugta Caafimaadka. Muuqaallada lagu dhejiyay isla bartaas bilihii Janaayo iyo Abriil 2023 waxay muujinayaan boorar ku yaal albaabkiisa rugta caafimaadka oo leh Dr Sean Scott, hPhd, Agaasimaha Caafimaadka.

Si kastaba ha ahaatee, BBC waxay ogaatay in Mr Scott aanu lahayn tababar caafimaad. Waxa uu sheegay "isgaoo ka qoomamaeeyno oo ka xun in uu sheego " in uu shahaado sharafeedka la talinta dhaqtarnimada ee la talinta ganacsiga uu ka gatay khadka internetka oo uu shahaadadii ku soo bandhigay rugtiisa caafimaad.

Waxa uu sheegay in aanu isku arag in uu yahay dhakhtar caafimaad waxana uu ku andacooday in uu ku wargaliyay macaamiishii waydiisay in aanu u ahayn dhaqtar caafimaad. Waxa uu sheegay in uu joojiyay isticmaalka cinwaanka been abuurka ah kadib talo kaga timid Degmada Hull City HCC) sanadkii 2024, iyada oo maamulka uu u sheegay in arintaasi ay tahay "marin habaabin".

Marka ay Andrea dibadda u baxdo, waxay ku dabooshaa wejigeeda maaskaro sababtoo ah waxay ka welwelsan tahay dadku inay ku qoslaan.
Qoraalka sawirka, Marka ay Andrea dibadda u baxdo, waxay ku dabooshaa wejigeeda maaskaro sababtoo ah waxay ka welwelsan tahay dadku inay ku qoslaan.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Andrea ayaa ku andacoonaysa in Mr Scott uu siiyay dawooyin antibiyootik ah si ay u qaadato kadib habraacii ugu horeeyay ee qurxinta naasaha bishii Disember ee sanadkii 2021. Waxay sheegtay in uu mar labaad siiyay antibiyootik markii ay ku soo laabatay bishii xigtay habraaca labaad ee buuxixinta iyo qurxinta naasaha.

"Waan aaminay ,wax kasta oo uu igu yiri ... sababtoo ah wuxuu ogaa waxa uu ku saabsan yahay - wuxuu ahaa dhakhtar," ayeey tiri Andrea.

Kaliya xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka ee leh mudnaanta qorida ayaa qori kara antibiyootikiyo Botox.

Mr Scott ayaa BBC-da u sheegay in aanu qorin antibiyootik ama Botox, taa beddelkeedana uu isticmaalay "qore ka diiwaan gashan farmashiye idman" si uu dawada online uga helo.

Laba bilood kadib markii ay qaadaneysay dawooyinka, Andrea waxa ay sheegtay in Mr Scott uu ku dhiiri galiyay in wejiga loo qurxiyo.

Buuxinta maqaarka dabcay ayaa lagu sameeyaa cirbadaha hyaluronic acid, kuwaas oo loo isticmaalo in lagu buuxiyo laalaabyada maqaarka.

Andrea waxa ay sheegtay in Mr Scott uu u sheegay in uu u malaynayo in dhabanadeeda aysan "sineyn" uuna ka caawin karo "is waafajinta" wajigeeda.

Andrea waxaa buuxsamay dhabannaeeda, garka iyo daanka laakiin waxa ay sheegtay in wejigeeda uu bararay calaamado madowna ay ka soo muuqdeen. Waxay sheegtay in "habraacii fududaa" loo malaynayo inuu isu beddelay daawayn guuldareysatay.

Andrea waxa ay sheegtay in Mr Scott uu u sheegay in bararka ay sababeen qaniinyada xasharaadka uuna ku dhiiri in lag sameeyo daawayn dheeraad ah.

Mr Scott ayaa si adag u beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo raaciyay: "Marna ma sameynin wax daawayn ah inta ay macmiilku ka muuqdeen calaamado barar ah, nabar ama waxyeelo kale."

Waxa uu sheegay in cabashooyinka kaliya ee Andrea ay markii hore samaysay ay ahayd in aanay "ku faraxsanayn" daawaynta, taasina ay tahay sababta ay "aad ugu badneyd" ballamo dabagal ah in ay yeelato.

Sean Scott wuxuu sheegay in xaruntiisa caafimaad "laga yaabo inay khaladaad samaysay" oo ay "barteen casharro qiimo leh" tan iyo markii golaha deegaanka uu baaray

Xigashada Sawirka, Sean Scott

Qoraalka sawirka, Sean Scott waxa uu sheegay in xaruntiisa caafimaad "laga yaabo inay khaladaad samaysay" oo ay "ka barteen casharro qiimo leh" tan iyo markii golaha deegaanka uu baaray

Mr Scott waxa kale oo uu sheegay in Andrea ay booqatay xarumo kale oo lagu daawaynayay muddadaas, oo ay ku jirto mid maqaarkeeda dhaawacda iyo in xaruntiisu ay dawaysay dhaawaca. Andrea waxa ay sheegtay in ay meel kale ka heshay hal daawayn oo maqaarka ah, taas oo ay ku faraxsaneyd, saddex sano ka hor inta aanay booqan Mr Scott.

Mr Scott waxa uu ahaa kuwa sameeya farshaxanka taatuuga muddo 33 sano ah ka hor inta uusan furin rugtiisa Reshape U sanadkii 2019kii. Waxa uu sidoo kale maamulaa ganacsiga tababarka qurxinta ee Akadeemiyada Tababarka qurxinta ee Yorkshire.

Muddo 10 bilood ah, Andrea waxa ay in ka badan 30 balammood la yeelatay Mr Scott, oo ay ku jiraan qurxinta iyo buuxinta jirka. Mr Scott waxa uu sheegay in uu kaliya ku sameeyay habraacyada qaar ka mid ah ballamahaas.

Andrea waxay iibisay dahab, waxayna soo deynsatay lacag si ay ugu bixiso daawaynta, taas oo ay kusii kabtay kumaan kun oo Geni, laakiin waxa ay sheegtay in falcelinta ay ka sii dartay.

Bishii Oktoobar 2022kii, waxay sheegtay inay tagtay cisbitaal, iyadoo ay ku adkaatay inay indhaheeda kala qaado. Waraaqo ka soo baxay dhakhaatiirta qalliinka oo ay aragtay BBC, Andrea ayaa loo sheegay in dhibaatooyinkani ay ka dhasheen hababka qurxinta.

Sawirka midigta Andrea daaweynta ka hor , sawirka bidixda waa hadda , laba sano ka dib markii lagu sameeyay daawaynta. Waxay sheegtay in wejiga uu weli xanuunayo

Xigashada Sawirka, Handout

Qoraalka sawirka, Sawirka midigta Andrea daaweynta ka hor , sawirka bidixda waa hadda , laba sano ka dib markii lagu sameeyay daawaynta. Waxay sheegtay in wejiga uu weli xanuunayo

Khabiir ku takhasusay isqurxinta oo markaasi baaray Andrea ayaa sheegay in nabaradeeda ay u badan tahay in ay sababaeen caabuq, kaas oo ka iman kara hababka qurxinta laakiin ay taasi dhif iyo naadir ku tahay xarumaaha caafimaad ee farsamooyinka wanaagsan leh.

BBC-du waxay ka warqabtaa ugu yaraan saddex cabasho oo kale oo laga sameeyay Mr Scott iyo adeegsiga shahaadooyin been abuur ah.

Laba ka mid ah kuwaas ayaa laga diiwnaageliyay adeegga dhaqaatiirta ee Save Face.

Agaasime Ashton Collins ayaa sheegay in dadka soo sheegay "dhaqan xumo" uu sameeyay Mr Scott ay isaga doorteen, sababtoo ah waxay u maleeyeen inuu yahay dhakhtar.

Saraakiisha caafimaadka iyo badbaadada ee HCC ayaa booqday dhismaha Mr Scott sanadkii 2024 k dib markii walaac laga muujiyay aqoonsigiisa.

Goluhu waxa uu sheegay in ay heleen arrimo dhawr ah oo u baahan in la hagaajiyo balse ma jirto wax tallaabo ah oo rasmi ah oo la qaaday, sababtoo ah ganacsigu wuu aqbalay codsigiisa.