Sidee bay qoyskan labaataneeyada qof ka kooban ugu sumoobeen hilib-geel ay cuneen

Hilib geel

Xigashada Sawirka, X

Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dad tiradoodu gaadhayso kow iyo labaatan qof oo isku qoys ah ku sumoobay hilib geel ay cunteen maalintii sabtidii, ka dib markii neef geel ah oo ay qasheen ay kala kulmeen dhibaato caafimaad.

Dadkan ku sumoobay hilibka neefkaas geela, ayaa ku nool deegaanka Ximan oo hoos tagta Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil dhinaca bari kaga 40 KM, xaaladda dadkan ayaa qaarkood lagula tacaalayaa isbitaalka Magaalada Burco, sida uu BBC-da u sheegay Dr. Ismaaciil Xuseen Cabdilaahi oo ah Maamulaha Wasaaradda Caafimaadka ee Degmada Sheekh.

Sidoo kale Aabaha iyo Hooyada qoyskan ayaa ka mid ah dadka weli jiifa sunta ka soo gaadhay hilibka ay cuneen.

Neefka geela ah ee ay qasheen qoyskan oo qaalin ahayd, waxay timid qaliinkiisu ka dib markii xaaladda caafimaad darro oo soo wajahday ay isku dayeen qoyskan in ay badbaadiyaan, balse dawada oo xidid khaldan laga siiyey uu sababay in neefku xaaladdiisu ka darto, ka dibna la qalo, si hilibkiisa u cunaan.

Geel

Xigashada Sawirka, X

Qaabkee bay u sumoobeen qoyskan

Maamulaha Wasaaradda Caafimaadka ee Degmada Sheekh Dr. Ismaaciil Xuseen cabdilaahi oo ka mid ahaa dadkii u gurmaday qoyskan, ayaa u sheegay BBC-da in qoyskan neefka geela lahaa sida dhaqanku yahay ay qasheen neefkii geela ahaa inta aanu dhiman, si ay hilibkiisa uga faa'iidaystaan, taasina ay keentay in qoyskaas hilibkii ay cunteen ku sumoobaan.

"Arrintan waxay u dhacday qoyskan neef geel ah oo ka xanuunsaday ayey dawo siiyaan, markii ay arkeen in xaaladdiisu aanay soo hagaagay ayey sidii dhaqanka Soomaalida ahaa ayey neefkii qasheen si ay hilibkiisa u cunaan" ayuu yidhi Maamulaha Wasaaradda Caafimaadka ee Degmada Sheekh.

Maamulaha Wasaaradda Caafimaadka ee Degmada Sheekh Dr. Ismaaciil Xuseen Cabdilaahi, waxa uu sheegay in markii ay goobta tageen in ay gurmad de deg ah u fidiyeen dadkii xaaladdoodu cuslayd, halka kuwii u baahnaa gurmad dheeraad ah u direen dhinaca Cisbitaalka Burco. "Markii aanu goobta gaadhnay waxaanu ku aragnay dadkii hilibka cunay oo dhamaantood uu saameeyey xanuunku, tiradoodu waxay ahayd 21 qof".

Kuwa xaaladdoodu adkayd ayuu sheegay in ay ahaayeen kuwii cunay beerka neefka geela ah, waxaanu yidhi "Waxa beerka geela cunay xaaladdoodu way ka duwanayd kuwii hilibka kale cunay, waayo dawadii xidid khaldan ayey ka siiyeen, waxaanay dawadu toos u tagtay beerka, waana sababta keentay in xaaladdu cuslaato dadka beerka cunay".

Nuur Faarax Bulaale, oo qoyskan ka mid ah, waxa uu BBC-da u sheegay in neefka ay ku sumoobeen ahaa qaalin muddo kooban xanuunsatay, isla markaana ay dawo siiyeen in ay ka soo kabato. "Muddo ilaa saddex cisho ah ayey xanuunsatay, ka dib dawo ayaan siinay, markii aan xaaladdeed aragnay ayaanu is idhi qasha oo hilibkeeda cuna" ayuu yidhi Nuur Faarax Bulaale.

Xaaladdii u dambaysay ee dadka sumoobay

Sida uu BBC-da u sheegay Nuur Faarax Bulaale oo ka mid ah qoyskan, waxa ilaa imika xaaladdoodu liidataa oo u jiifta sunta ay ka qaadeen neefkan ay qasheen sideed qof oo ka mid ah kow iyo labaatankii qof ee qoyskiisa "Badankoodu wsy ka soo raynayaan, marka laga reebo sideed qof ay ku jiraan aabahay, Hooyaday iyo walaashay oo iyagu weli u jiifa xanuunkan na haleelay, dadka intii Burco la geeyeyna way fiican yihiin imika".

Nuur Faarax Bulaale, waxa uu sheegay in dadka dhibaatadu ka soo gaadhay hilibkan ka mid ahayd matag badan iyo shuban la soo dersay dadkii cunay, taas oo keentay in dadku awood dareeyaan.

Waxa uu intaas ku daray in ay jiraan dad iyagu hilibka cunay oo ilaa shalay xanuunku ku soo baxay oo imika u jiifa.

Maxaa u sababa dhacdooyinka noocan oo kale ah

Sida uu BBC-da u sheegay Dr. Ismaaciil Xuseen Cabdilaahi, dhacdadani maaha tii u horreysay ee ka dhacda Deegaanka Ximan, balse sannadkii 2008-dii ayey dhacdo sumow ah oo la mid ah tani ay halkaas ka dhacday, iyada oo lixdan qof ay ku sumoobeen hilib ay cuneen, waxaana ku geeriyootay wakhtigaas haweenay.

Waxa uu sheegay in dhibaatooyinka noocan oo kale ahi ay yihiin kuwo soo noqnoqda oo ay sabab u tahay aqoon la'aanta dhinaca dawooyinka ee dadka xoolo dhaqatada ah oo aan garanayn xaddiga la siiyo neefka, muddada la siin karo, iyoi wakhtiga ay jidhkiisa ku jiri karo, waxaanu xusay intaas ay keeni karto in hilibka iyo caanaha xoolahaba lagu sumoobo.

"Sababta ay ugu sumoobeen waxay ahayd in neefka ay hilibkiisa cuneen ay jidhkiisa ku jirtay dawadii ay ku mudeen, waayo waxa jira wakhti ay tahay in aan la cunin hilibka neefka, lana cabin caanihiisa haddii la siiyo dawo, wakhtigaas oo ah 30 maalmood ilaa 45 maalmood." ayuu yidhi.