Imaamka la murugoonaya 170 qof oo qaraabadiisa iyo asxaabiitisa ahaa oo ku waayay dhul-gariirkii Myanmar

Xigashada Sawirka, BBC / Neha Sharma
- Author, Zeyar Htun and Tessa Wong
- Role, BBC Burmese and BBC News
- Reporting from, Bangkok
Markii laga aadaamay jimcahii lasoo dhaafay magaalada Sagaing ee dalka Myanmar, ayaa boqolaal Muslimiin ah waxay u dareereen shanta masaajid ee ku yaala bartamaha dalka Myanmar.
Waxa ay aad ugu hamuun qabeen in ay tukadaan salaadii jimcaha ee ugu dambeysay bisha barakaysan ee Ramadaan, iyadoo maalmo qura ay ka harsantahay maalmaha ciida ee ku beegan dhamaadka bisha barakeysan.
Kadib, markay Saacdu ahayd 12:51 wakhtiga maxaliga ah , dhul gariir dhimasho badan sababay ayaa dhacay. Saddex masaajid ayaa dumay, oo uu ku jiro kan ugu weyn, Myoma, waxaana ku dhintay ku dhawaad dhammaan dadkii ku jiray masjidka.
Meel boqolaal kilomitir u jirta halkaas, imaamkii hore ee masaajidka Myoma, Soe Nay Oo, ayaa dareemay dhulgariir ka dhacay magaalada xuduudka Thailand ee Mae Sot.
Maalmihii xigay, waxa uu ogaaday in ku dhawaad 170 ka mid ah qaraabadiisii, asxaabtiisii iyo xubnihii jameecadiisii hore ay ku dhinteen, una badnaa masaajidda. Qaarkood waxay hormuud ka ahaayeen bulshada Muslimiinta ah ee isku xidhan ee magaalada.
"Waxaan ka fekerayaa dhammaan dadkii naftooda waayey, iyo carruurta dhibbanayaasha - qaarkood waa carruur yaryar," ayuu u sheegay BBC-da. "Ilinteyda ma celin karo markaan arrintan ka hadlayo."
In ka badan 2,700 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirka ka dhacay meel u dhow Sagaing iyo Mandalay oo ah magaalada labaad ee Myanmar. Dhimashada ayaa la filayaa inay kororto iyadoo samatabbixiyeyaashu ay sii wadaan soo saarista meydadka burburka.
In kastoo aaggaasi caan ku ahaa macbadyo Budhiiste ah oo qadiimi ah, haddana magaalooyinku waxay sidoo kale hoy u ahaayeen dad muslimiin ah oo aad u tiro badan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qiyaastii 500 oo Muslimiin ah ayaa ku dhintay iyaga oo ku tukanayay masaajida, sida laga soo xigtay tirooyinka uu bixiyay hogaamiyaha dalkaas, Min Aung Hlaing, Isniintii.
Goob joogayaal ku sugan magaalada Sagaing ayaa BBC-da u sheegay in wadada ay masaajida ku yaaleen ee Myoma Street ay tahay mida ugu darran ee ka dhacda magaalada. Guryo kale oo badan oo wadada ku yaalay ayaa sidoo kale dumay.
Boqolaal qof ayaa u raadsaday gabaad wadada dhinaceeda ah, sababtoo ah hadda waa hoy la'aan, ama waxay aad uga baqayaan inay dib ugu laabtaan guryahooda haddii uu dhacu dhulgariir ka danbeeya. Sahayda cuntada ayaa lagu soo waramayaa inay gabaabsi tahay.
Myoma oo kaliya, in ka badan 60 qof ayaa la sheegay in ay ku ku qudhbaxeen burburka, halka tiro kalena ay ku dhinteen masaajidada Myodaw iyo Moekya. Meydad badan ayaa weli la soo saarayay Talaadadii.
Waxaa jira calaamado muujinaya in dadkii cibaadeysanayay ay isku dayeen inay baxsadaan, sida uu sheegay Soe Nay Oo, oo warbixino badan ka helay xubno ka badbaaday beeshiisa.
Hadda waxa uu ku nool yahay magaalada Mae Sot ee dalka Thailand isaga iyo xaaskiisa iyo gabadhiisa, ka dib markii ay ka soo baxsadeen Myanmar wax yar ka dib afgambigii ka dhacay 2021-kii.
Waxaa jira meydad laga helay bannaanka hoolka weyn ee salaadda, ayuu yidhi, oo ku yaalla aagga ay ku cibaadeysanayeen. Waxa kale oo la arkay qaar ka mid ah dadka gacmaha ku haya kuwo kale gacmahood, kuwaas oo u muuqday isku dayo la doonayey in lagaga soo saaro dhismaha burburay.

Xigashada Sawirka, AS SUPPLIED TO SOE NAY OO
Dadkii badnaa ee uu jeclaa Soe Nay Oo waayey waxaa ka mid ah mid ka mid ah gabadh ilma adeer la'ah xaaskiisa. Geerideeda, ayuu yidhi, "Waxa ugu xanuunka badan ee aan ku samro" 13-kii sano ee uu imaamka ahaa.
"Waxay ahayd tii ugu badnayd ee jacaylkeeda noo muujisay," ayuu yidhi Soe Nay Oo. "Qof walba oo qoyska ka mid ah wuu jeclaa iyada, geerideedu waa mid anaga oo dhan aanaa u adkaysan karin."
Sidoo kale waxaa dhintay nin kale oo ay ilmaadeer ahaayeen xaaskiisa oo ahaa nin ganacsade ah oo si weyn loo ixtiraamo oo soo gutay waajibaadka xajka Islaamka ee Maka.
"Mar walba wuxuu iigu yeeri jiray Nyi Lay [oo 'walaal yar' u dhigan afka Burma ]...Markii aan guursaday xaaskeyga, wuxuu ii sheegay inaan hadda qoys nahay, mar walbana wuxuu iila dhaqmi jiray sidii walaalkii oo kale," ayuu yidhi Soe Nay Oo.
"Wuxuu mar walba nala joogay mar kasta oo aan isaga u baahanahay, waxaan waayay kuwa aan jeclahay sida walaalo isaga oo kale ah."
Qaar ka mid ah asxaabtii ay isku dhawaayeen ee geeriyooday waxaa ka mid ah kaaliyihii hore ee imaamkii Soe Nay Oo, kaas oo uu ku xasuusto karti shaqo iyo karti uu ku lahaa akhriska qur'aanka kariimka ah.
Maamulihii dugsiga dadweynaha ee deegaanka, oo sidoo kale ahayd haweeneyda kaliya ee mas'uulka ka ah masaajidka Myoma, ayaa sidoo kale geeriyootay. Waxuu xasuustaa Soe Nay Oo inay ahayd naf deeqsi ah oo inta badan jeebkeeda ka bixin jirtay barnaamijyada masaajidda.
Waxa uu sheegay mar kasta oo uu maqlo qof kale oo bulshada ka mid ah oo dhintay, inuu la kulmo murugo hor leh. "Waxaan dareemaa niyad-jab… had iyo jeer waxay ku soo dhacdaa maskaxdayda, xusuusta aan ku qadariyo iyaga.
"In kasta oo aanay qaraabo dhow ahayn, haddana waxay ahaayeen kuwii mar walba i soo dhawayn jiray, ducadana raaci jiray, isla markaana aan wada tukan jiray."
In ay ramadaan ku dhintaan isaga kuma kuwo tagay uun ma'aha. "Dhammaan dadkii baxay waxay ku noqdeen gurigii Alle, waxaan dhihi lahaa, waxaa lagu xasuusan doonaa shahiidnimo," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Reuters
Way ku adag tahay Soe Nay Oo inuu ka fogaado dadkii uu salaada la tukan jiree hore. Sida dad badan oo kale oo Myanmar ah oo u haajiray dibadda, wuxuu dareemayaa dambiga badbaadaha.
"Haddii aan weli imaamka ahaan lahaa, markii dhulgariirku dhacay, waan raaci lahaa - in aan si nabad ah ku aqbali kari lahaa. Haddii kale, ugu yaraan waxaan joogi karaa dhulka si aan u sameeyo wax kasta oo aan awoodo.
Hadda kuma laaban karo, waa xanuun in laga fikiro.
Soe Nay Oo wuxuu bilaabay inuu baroorto. "Dareenkan murugada leh iyo niyad-jabka ah ee aan hadda dareemaayo, weligay ma dareemin sidan oo kale nolosheyda, waxaan ahay nooca nin aan si dhib ah u ooyi karin.
Waxa uu intaa ku daray in maalmo uu seexan waayay. Welwelkiisa waxa sii waynaaday isagoon wali ka maqal xubnaha qoyska qaarkood, oo ay ku jiraan walaalihiis oo joogay Mandalay.
Soe Nay Oo waxa uu hakiyay shaqadii uu u hayay kooxda xuquuqul insaanka ee Thailand waxaana uu hadda gacan ka geysanayaa iskudubaridka dadaallada samatabbixinta ee Sagaing - waxa uu la wadaagayaa xog kasta oo uu ka heli karo dadka uu la xidhiidho ee magaalada.
Ugu yaraan 1,000 qof oo Muslimiin ah oo ku nool aagga ay dhibaatadu saameysey oo weli u baahan gargaar, ayuu ku qiyaasay.
"Waxaan dareemaa nasasho kaliya mar kasta oo qof dhulka jooga uu caawimaad weydiisto, waanan caawin karaa iyaga."













