Maxaan ilaa iyo haatan ka ognahay dhulgariirka xooggan ee ku dhuftay Myanmar?

Dhulgariir

Xigashada Sawirka, BBC Burmese Service

Dhulgariir aad u wayn ayaa ku dhuftay bartamaha Myanmar.

Cabbirkiisa ayaa lagu sheegay 7.7 magnitude, waxaana laga dareemay wadamada Thailand iyo koonfur-galbeed Shiinaha.

Boqolaal ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen, Inkasta oo ay adag tahay in xog la helo.

Intaan ayaan ka ognahay ilaa iyo haatan.

Xageebuu ka dhacay dhulgariisku?

Xudunta dhulgariirka ayaa ah meel 16km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Sagaing ee dalka Myanmar, isaga oo hoos u qodan 10km sida ay sheegtay hay'adda sahaminta dhulka ee Maraykanka (USGS).

Goobta ayaa u dhow magaalada Mandalay, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Myanmar oo ay ku nool yihiin qiyaastii 1.5 milyan oo qof, waxayna qiyaastii 100km waqooyi ka xigtaa caasimadda Nay Pyi Taw.

.

Goobahee saameyntu gaartay?

Dalka Myanmar, waxaa laga soo sheegayaa in waddooyinka caasimadda ay isku xirmeen sidoo kalana burbur soo gaaray dhismayaal dalka oo dhan ah.

Gariir xooggan ayaa sidoo kale laga dareemay meelo kale, oo ay ku jiraan Thailand iyo koonfur-galbeed Shiinaha.

Sideetan iyo kow shaqaale dhisme ah ayaa la la'yahay ka dib markii dhismo dheer oo aan la dhamayn uu ku dumay meel boqolaal mayl u jirta xudunta dhulgariiska ee u dhaxaysa, caasimadda Thailand ee Bangkok.

Fiidiyow ayaa sidoo kale muujinaya barkada lagu dabaasho ooo ku taalla saqafka sare ee dhisme ku yaalla Bangkok oo hareeraha ka daadaneysa xilli dhismaha ay ku taallo uu ruxmay.

Sidee loogu dhintay?

Waxa laga yaabaa in aan horay laga ogaanin tirada rasmiga ah ee khasaaraha, balse xubin ka tirsan koox samatabbixin ah oo fadhigoodu yahay Mandalay ayaa BBC u sheegay in tirada dhimashada ee halkaa ku dhimatay ay tahay "ugu yaraan boqollaal".

"Taasi waa waxa aan hadda sheegi karno sababtoo ah gurmadka ayaa socda," ayay raaciyeen.

.

Sidee bay u dib badan tahay inla fahmo waxa ka dhacaya Myanmar?

Helitaanka macluumaadka Myanmar, oo hore loogu yaqaanay Burma, waa adag tahay.

Myanmar waxaa maamula gole militari tan iyo afgambigii 2021-kii, taasoo dhibaato ka dhigtay helista macluumaadka.

Dawladdu waxay gacanta ku haysaa ku dhawaad dhammaan raadiyaasha maxalliga ah, telefishinka, wargeysyada iyo warbaahinta intarneedka. Isticmaalka internetka ayaa sidoo kale xaddidan.

Khadadka taleefoonada ee meelaha uu dhulgariirka ka dhacay ayaa ahaa kuwo ciririi ah tan iyo markii uu dhulgariirka ku dhuftay, balse tobanaan kun oo qof ayaa sidoo kale ku nool koronto la'aan, taasoo adkeynaysa in BBC-da ay la xiriirto shaqsiyaadka goobta ku sugan.

Saxafiyiinta ajnabiga ah ayaa sidoo kale dhif iyo naadir loo ogol yahay inay si rasmi ah u soo galaan gudaha dalka xorriyadda saxafada awgeed.

Maxaa sababa dhulgariirada?

Dhulku waxa uu ka kooban yahay lakabyo kala duiwan, kuwaas oo isku guda jira.

Lakabyada hoose qaarkooda ayaa waxay inta badan isku dayaan inay dhaqaaqaan laakiin waxaa ka hortagaya is liska ay ku hayaan lakabyada kale ee gudaha.

Laakiin mararka qaarkood cadaadisku wuu dhismaa ilaa hal lakab si lama filaan ah u gariiro, taasoo keenta in uu dusha sare u dhaqaaqo.

Waxa lagu cabbiraa miisaan loo yaqaan Moment Magnitude Scale (Mw). Waxa uu bedelay cabirkii Richter ee loo yaqaanay, oo hadda loo arko in laga gudbo.

Gariirka 2.5 ama ka yar inta badan lama dareemi karo, laakiin waxaa lagu ogaan karaa qalab.

Dhulgariirkii Myanmar ka dhacay cabbirkiisuna yahay 7.7 ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid weyn, waxaana inta badan uu geysta burbur xooggan.

Wax kasta oo ka sarreeya 8.0 wuxuu keenaa burbur musiibo ah wuxuuna gebi ahaanba burburin karaa bulshooyinka xaruntiisa.

Sidee loo barbar dhigi karaa dhulgariirada kale ee ballaaran?

26kii Disembar 2004, mid ka mid ah dhulgariirkii ugu weynaa ee abid la diiwaan geliyo ayaa ku dhuftay xeebaha Indonesia, kaasoo dhaliyay tsunami kaasoo qaaday dhammaan bulshooyinka ku xeernaa badweynta Hindiya.

Dhulgariirka oo cabirkiisu ahaa 9.1 ayaa waxaa ku dhintay ilaa 228,000 oo qof.

Dhulgariir kale oo ka dhacay xeebaha Japan sanadkii 2011-kii ayaa cabbirkiisu ahaa 9 waxaana uu sababay burbur baahsan oo dhulka ah, waxaana uu sababay tsunami. Waxay keentay shil wayn oo ka dhacay warshada Nukliyeerka ee Fukushima ee ku taal xeebta.

Dhulgariirkii abid ugu waynaa ayaa la diwaan galiyay in cabbirkiisu ahaa 9.5, waxaana laga diiwaan galiyay dalka Chile 1960kii.