Dadka reer Gaalkacyo hilibkii geela ma waxay ku baddasheen Kalluun?

Xigashada Sawirka, ABDALLA ALI
Soomaalidu maadaama oo ay xoolo dhaqato u badan tahay waxa lagu yaqaannay waa cunista hilibka, hase yeeshee beryahan dambe markii dunidu furfurantay ee xidhiidhka internet-ku fududeeyey waxyaabo badan ayaa waxa haatan Soomaalidii fahamtay faa'iido badan oo uu leeyahay hilibka kalluunka iyo digaaggu oo la isku yidhaa hilibka cad.
Xanaanaynta digaagga ma aha dhaqan Soomaalida lagu garanayo, balse baahida hilibka iyo ukunta digaagga oo soo kordheysa owgeed ayaa ganacsata ku dhiirigelineysa in ay isticmaalaan nidaamkan.
Dhinaca kale Soomaalida gudaheed, aad bay u yartahay in la arko meelo ama beero lagu xanaaneeyo digaagga. Waxaad arki kartaa qof dhowr xabo haysta iyo suuqyo yar oo lagu iibiyo.
Caalamka, cunidda hilibka digaagga waa qayb ka mid ah nolol maalmeedka, waxayna shacabka dalalka qaar ee horumaray cunaan hilibka cad oo keli ah.
Hilibka digaaggu wuxuu ka mid noqday dalabaadka caadiga ah ee maqaayadaha si la mid ah hilibka kale ee ariga iyo geela.
Dadaalada ay sameeyeen dadka ka ganacsada ama iibiya hilibka cad ayaa ku dhiiragelisay in dad horraan aan u jaclayn kalluunka ay noqdaan kuwa fahma oo la qabsada,"marka aad si wanaagsan u samaysid qiimaha waxa uu noqon karaa mid qanciya dadka"
Cabdalla Cali oo ah ganacsade iibka hilibka digaagga ka shaqeeya oo degan magaalada Gaalkacyo oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in Soomaalidu ay ku yartahay dhaqashada ama ka ganacsiga digaagga.

Xigashada Sawirka, ABDALLA ALI
''Haataan waxaa nagu soo batay digaagga laga soo dhoofiyo waddamada Turkiga iyo Imaaraadka kuwaasi oo ka soo daga dekedaha Boosaaso iyo Barbara'',
''Dadka ayaa digaagta ku xushay caafimaad ahaan, qiimihii oo ka jaban kan xoolaha iyo dhakhaatiirta oo dadka kula talisay iney cunaan hilibka cad taasi ayaana keentay in gobolka uu ku soo badato isticmaalka hilibka digaagta.'', ayuu yiri Cabdalla Cali.
Cabdalla Cali ayaa sheegay in arrintan sidoo kale lagu sababeynayo ilbaxnimada iyo xadaaradda ku soo korodhay dadka gobolka.
''Hilibka digaagta waxaan geeynaa magaalooyinka kala duwan ee gobolka sida Dhuusamareeb, Cabuudwaaq, iyo Guriceel aad ayaan loo iibsadaa sabatoo ah dadku waxay fahmeen muhiimadda uu leeyahay hilibka cad''.
Meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, ayaa waayadii hore dadka aanay kalluunka cuni jirin, oo la sheegaaba in ay sanka ka qabsan jireen. Waxaana ka mid ahayd magaalada Gaalkacyo oo haatan ay dadku la qabsadeen cunista kalluunka iyo digaagta oo aad uu ugu batay.










