Kalluunka ku soo caariyay Muqdisho oo dowladda ay sheegtay in uusan sumeysnayn

Xigashada Sawirka, AFP
"Horta Kalluunkaan xeebta ku soo cariyay oo dadka qaar ay yiraahdeen 'wuu sumeysan yahay', sida aan warbixinta aan ku soo saarnayna waad aragtay, way dhacdaa marar badan in sidan oo kale ay dhacdo", ayuu yiri wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya, Cabdulahi Bidhan Warsame oo la hadlay BBC-da.
Hadalkiisan wuxuu ka dhashay ka dib markii xeebaha magaalada lagu arkay kalluun soo caariyay, iyadoo shacabka aysan fahmin sababta keentay arrintaas.
Sida hadalka wasiirka ka muuqata, dad badan ayaa aaminay in uu sumeysan yahay, taasna ay sababtay in uu soo caariyo.
Isagoo cadeynaya in aanu sumeysnayn wuxuu yiri: "Waxyaabaha aan ku aaminnay in aanu sumoobin waxaa ka mid ah in kalluunkan soo caariyay uu yahay nooc yaryar oo ceydi ah. Dhammaan waa isku nooc."
"Badda waxaa ku jiro kalluun noocyo badan. Haddii ay dhacdo in ay wax dhibaato ah gaarto, kalluunka badda kujira oo dhan ayey ku dhici lahayd," ayuu yiri wasiirka.
Haseyeeshee qaar ka mid ah kalluumeysata Muqdisho ayaa sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay arkaan kalluun ku soo caariyo xeebta badda.
Muuse Cabdilcasiis ayaa sheegay in kalluunkan "uu yimaado xeebaha soke. "kalluunkan meeshaas waan ku naqanaa oo afar sano kahor sidaan oo kale ayaan halkaas ugu aragnay."

Xigashada Sawirka, Getty Images/Anadolu Agency
Kalluunkan waxaa soo qaado mowjadaha biyaha badda, sidaas ayuuna xeebta ku yimaadaa, "mana awoodo in uu noqdo", sida ay sheegayaan kalluumeysatada oo tilmaamay in afar sano ka hor ay sidaan oo kale u arkeen.
"Intaan in kabadan ayaan horay u aragnay, Ceydi ayaana la yiraahdaa, walibana kan hadda soo caariyay jiiqlow aayuu ka sii yahay, xilligan marka ay dabeesha timaadana wuxuu yimadaa xeebta", sidaas waxaa BBC-da u sheegay.
Wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka badda ee Soomaaliya wuxuu sheegay in ay "ku qanacsan yihiin in tahay wax iska dhaca". wuxuu intaa ku daray: "Waxaa kaloo dhacda in kalluunkan mid ka waaweyn uu ka soo cararo".
"Intey isa soo kexeysteen ayey iyagoo koox ah soo carareen", ka dibna ay xeebta sidaa ku yimaadeen.
Wasiir Cabdulahi Bidhan Warsame oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in kalluunka meesha uu ku soo caariyay ay tahay xeebta jabalada leh ee u dhow garoonka Muqdisho halkaas oo biyaha xirarka ah ay kaga tageen.
Khubarada wasaaradda ee ku xeel dheer arrimaha kalluunka iyo shaqsiyaad kale oo wasaaradda ka caawiya faya-qabka kalluunka "ayaa loo bandhigay".
"Waan ku qanacsan nahay in aanu sun ahayn, laakiin marka uu baaritaanka dheeraadka ah soo dhammaado ayaan soo gudbineynaa", ayuu yiri wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Soomaaliya.












