Magaalo Japan ku taala oo digtooni laga galay kalluun

.

Xigashada Sawirka, AFP

Magaalo Japan ku taala ayaa dadka ku nool looga digay nooc ka mid ah kalluunka oo la sheegay in uu sumeysanyahay, kaas oo magaalada soo galay.

Waxaa la sheegay in dukaan magaaladaasi ku yaala uu si kama' ah dad macaamiil ah uga iibiyay kalluunkan iyada oo aanan laga saarin beerka oo la sheegay in uu ka koobanyahay maaddo sumeysan oo ay dadka ku dhiman karaan.

Waa kalluun u baahan in aad looga taxadaro, beerkana laga saaro, iyada oo haddii uu dhoco qalad yar oo dhanka diyaarinta ah loo dhiman karo.

Sanad kasta waxaa lasoo tabiyaa dad ku sumoobay kalluunkan oo lagu magacaabo Fungu.

Qoraalka Codka, Xaggee baa laga keenaa kalluunka Berbera laga cuno?

Saraakiisha dowladda hoose ee magaalada Gamagori ee bartamaha Japan ayaa soo saaray digniintii ugu cusleys, waxayna dadka uga digeen in ay ka fogaadaan kalluunkan sumeysan iyo waxyaabaha astaamihiisa leh. Fariinta dowladda hoose ayaa lagu faafiyay cod baahiyeyaal, waxaana la maqashiiyay dadka magaalada ku nool oo dhan.

Kalluunkan Fungi loo yaqaano ayaa ah mid aad qaali u ah, aadna loo jecelyahay, waxaana xitaa lagu cunaa ceyriinka ama inta la kariyo ayaa maraqiisa la cabaa.

Beerka kalluunkan iyo haragiisaba ayaa waxa uu leeyahay sun lagu dhinto, waxaana loo baahanyahay qof leh tabobar gaar ah, islamarkaasna heysta shati uu shaqadaas ku qaban karo.

Ma jirto dawo qofka looga saari karo suntan haddii ay mar saaqdo, waxayna saamaysaa neerfaha, iyada oo marka dambe qofka ka dhigna curyaan ama dhimasho horseedda.