Maxay yihiin godadka dahabka laga qado ee Gabiley ee labada qof ay ku dhinteen?

GABILEY

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

Waxaa deegaanka Koron Qoojis oo dhaxeeya tuulooyinka Hadhley iyo Bus oo ah deegaan laga qado dahabka, kana tirsan degmada Gebiley ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, ku geeriyooday labo qof oo ka mid ahaa dadka ka shaqaynayey godadkaasi, sida uu BBC-da u xaqiijiyey gudsoomiyaha degmada Gebiley, Maxamed-amiin Cumar Cabdi.

Labada ruux ee ku dhintay godka ku soo dumay galinkii danbe ee shalay ayaa lagu kala magacaabaa Mowliid Cabdi iyo Nimcaan Cismaan Callow, wWaxayna ka mid ahaayeen ragga ka shaqeeya godadka laga qodo dababka ee deegaannadaasi.

Guddoomiyaha degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar ayaa BBC-da u sheegay in aan wali si rasmi ah loo ogayn waxa sababay dumista godka, laakiin ay wali ku howlan yihiin inay ogaadaan.

‘‘Baarist ayaa socoto, laakiin maaddaama uu godku ilaa 12 meter hoos u qodon yahay, waxaan is leennahay intii ay dhaafeen ayaa ku soo duntay, waxayse u egtahay arrin qaddar ah, wax dibadda kaga yimi oo sababayna ma jirto” ayuu yiri Maxamed-amiin.

Maxamed Haybe Faarax wuxuu ahaa goob jooge ku sugnaa markii godku ku dumayey labada marxuun sidoo kale wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha ka shaqaynayey godka dumay wuxuu BBC-da u sheegay in raga dhintay ay ku guda jireen howsha dahab qodista markii uu ku soo dumay qaybta sare ee godku.

‘‘Qiyaastayda waxay ahayd casarkii, aniga iyo nin kale ayaa horey ugu jirnay godka, mid ka mida labada nin ee geeriyooday waxaan isku dhaafnay godka muddo labaatan daqiiqo an ku qiyaasayo, ka dibna waxaan aragnay godka oo dumay,” ayuu yiri Maxamed Haybe.

Gurmadka loo fidinayey laba qof ee godku ku dumay ayaa bilaamay galabnimadii kaas oo socday ilaa tobankii fiidnimo ee xalay.

Gurmad ay ka qayb qateen dadka deegaanka, maamulka Gebiley iyo gawaarida cagaf cagafta oo bilaabmay galabnimadii ayaa labada ruux oo mayd ah dibadda looga soo saaray tobankii fiidnimo ee xalay.

“Ma cabbiri karo daareenkayga waanan miyir beelin uun, labada nin ee godka ku dhintay waxay ahaayeen saaxiibbaday aan wada shaqaynayey, waxaan ku tilmaami karaa inay ahaayen raggii ugu mudnaa ilaa kun ruux oo ka shaqeeya godod kala duwan oo deegaanka ku yaalla,” ayuu yiri Maxamed Haybe.

Mar BBC-du waydiisay Maxamed Haybe inay barteen climiga qodista dahabka iyo in kale ayuu yiri ‘‘Maya wax cilmi ah oo an iskool u galay ma jiro, nin walba wuxuu ka bartay wixii lagaga qodoyo isha iyo Khibrada, meelna aqoon uma tagin, mahee wixii waqtigu na baray,” ayuu intaas ku daray Haybe.

Labada marxuum ayaan wali la aasin waxayna ku jiraan talaagadda maydka ee cisbitaalka magalada Gabiley, waxaana wadahallo u socdaan shirkadihii ay u shaqaynayeen iyo ehelka ayuu BBC-da u sheegay gudoomiyaha Gabiley.

GABILEY

Xigashada Sawirka, DOWLADA HOOSE DEGMADA GABILEY

Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha degmada Gabiley, Maxamed-amiin Cumar Cabdi

Waa meel noocee ah halka dahabka laga qado?

Gebiley

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Deegaanka laga qado dahabka ayaa ku yaalla deegaanno buuraley ah, qiyaastiina dhowr iyo labaatan kilimeter dhanka waqooyi galbeed kaga beegan degmada Gebiley ee xarunta gobolka.

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Haybe oo ah dahab qode ka shaqeeya gododkaasi, waxaa bishii laga helaa qiyaastiisa ilaa 100 gram oo dahab ah, inkastoo ay ku kala duwan yihiin goobaha laga qodo dahabka.

Labo ilaa saddexdii sano ee la soo dhaafay ayay deegaannadasi ka bilaabatay howlaha qodista dahabka, waxaana lagu qiyasaa in ka badan kon godod ah oo dahabka laga soo saaro ay ku yaallaan deegaankasi.

Shirkado oggolaansho ka haysta Somaliland iyo dad u badan muruq maal ayaa ka qodota dahabka sida uu BBC-da u xaqiijiyey gudoomiyaha degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi.

‘‘Waxay u baahan tahay in shaqadii dadku wadeena ay socoto, badbaadadii dadkuna meesha taalo oo labadiiba lays waafajiyo, marka anaga oo mesha masuul ka ah iyo wasaaraddii ku shaqada lahaydba iyo haya’ddaha kale e ay qusaysaba howshaas howlgal deg dega ayaan ka samaynaynaa,” ayuu yiri Maxamed Amiin.

Deegaanno badan oo ku yaalla dhulka Soomaalida ayaa laga qodaa dahabka sida gobolka Sanaag ,halkaasna marar badan waxaa ka dhaca in dadka ka shaqeeya gododku ay ku soo dumaan.