Nin malawadkiisa ku soo qariyay Dahab oo la qabtay

Dahabka la qabtay

Xigashada Sawirka, SRI LANKA CUSTOMS

Qoraalka sawirka, Dahabka la qabtay

Xukuumada Sri Lanka ayaa xirtay nin la sheegay in uu isku dayayay in uu Dahab dhoofiyo isaga oo ku soo qariyay Malawadka .

Saraakiiisha canshuuraadka dalkaaasi ayaa waxa ay sheegeen in Dahabka oo dhanaa 904 garam uu qiimihiisu yahay qiyaastii 29,370,oo doolar.

Ninkani u dhashay dalka Sri Lankan oo da'diisu tahay 45 jir ayaa ku sii jeeday dalka Hindiya balse lagu joojiyay garoonka caalamiga ah ee Colombo.

Waxaa horey u jiray dhacdooyiin la mid ah midan oo dhacay sanooyiinkii la soo dhaafay.

Dadka sida sharci darada u dhoofiya Dahabka ayaa waxa ay Dahabka raqiis ah ka soo iibiyaan Dubai iyo Singapore, waxa ayna ka dib geeyaan Hindiya oo ay faa'ido badan ka helaan.

Dahabka waxaa lagu soo qariyay Bac

Xigashada Sawirka, SRI LANKA CUSTOMS

Qoraalka sawirka, Dahabka waxaa lagu soo qariyay Bac

Sargaal ka tirsan waaxda canshuuraadka ayaa BBC u sheegay in ay arkeen ninkani islamarkana ay ka shakiyeen qaabkii uu u socday .

Qalabka wax lagu baaro ayaa ka dib lagu ogaaday dahabkani oo ku jiray bac uuna ku qariyay ninkaasi malawadkiisa.

Todobaadkii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii haweenay u dhalatay dalka Sri Lanka lagu qabtay Dahab dhan 314.5 garam oo ay ku soo qorisay Malawadkeed .

Dahabka ayaa qaali ka ah dalka Hindiya

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Dahabka ayaa qaali ka ah dalka Hindiya