Dagaalka Ukraine ee labada sano: ‘‘Dookh aan dib-u-noqosho ahayn malahi’’

‘‘Oo maxaan dib ugu noqonayaa?’’
Bishii September ee sanadkii tegay, Haifa Juma, oo ah ardayad jaamacadeed oo reer Tanzania ah ayaa su’aashan isweyddiisay marar badan. Marka laga tago cabsideeda, 23-sano-jirkaan barata caafimaadka ayaa qaadatay go’aan adag oo ay dib-ugu-noqonayso Ukraynta dagaalku ragaadiyay si ay waxbarashadeeda sare u dhammaysato.
‘Dookh ma haysan, waloow shaki aan qabay…. Waxaan warka ka aragnay in dagaalku wali socdo. Marka, ma’aana hubin waxa aan samayn doono,’’ ayay tidhi.
Kumaannaan arday ajaaniib ah ayaa ka qaxay Ukraine kadib weerarkii Ruushka. Bishana waxay ku beegantahay labo sano guuradii kasoo wareegtay gulufkii Ruushku kusoo qaaday Ukraine.
Illaa February 2022, in ka badan 30,000 oo dad rayid ah ayaa lasoo wariyay in ay ku dhinteen dagaalka sida lagasoo xigtay Hay’adda Xuquuda Aadanaha Qaramada Midoobay qaybteeda Ukraine, tirada dhimashaduna intaas wayka badan kartaa.
Colaaddan waxay barakicisay malaayiin, waxay burburisay magaalooyin iyo caasimado, waxay dukumdaakum ka dhigtay dismayaal muhiim ah. Sida arday badan oo ajaanib ah, Haifa, way argagaxday markuu dagaalku qarxay waxayna u qaxday xadka kadibna Hungary.

Bilo ayay ku qaadatay qoyskeeda in ay ka dhaadhiciso go’aankeeda ah in ay ku noqoto Ukraine.
‘‘Waxbarashadayda waxaan ku watay qaab online ah annigoo Tanzania jooga, waxaana cashiradayda ku qaadanaayay hab aragti ah. Balse si aan u qalinjabiyo, waxay noqotay in aan annigu lugahayga ku tago si’aan cashirrada hab dhab ah ugu qaato,’’ ayay tidhi. ‘ qoyskayga lacag badan bay mar hore ku bixiyeen in aan meel kale waxbarasho ka bilaabo, anniguna haddeer iska joogi karin macno la’aan anigoo sugaya dagaalku in uu dhammaaado.’’
Haifa hadda waxay ku jirtaa sanadkeedii afaraad waxbarashada, waxayna dhigataa Jaamacadda Sumy State ee ku taala waqooyiga bariga Ukraine. Waxayna tahay in ay qalinjabiso 2027 waxayna rejaynaysaa in ay noqoto dhakhtarad ku takhasustay xanuunnada dumarka.
Habka isku dhafan ee waxbarasho

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xarunta Dowladda Ukraine ee waxbarashada Caalamiga ah ayaa sheegtay in ayna haynin tirada saxan ee ardayda Afrika kasoo jeeda ee waxbarashada kuso noqotay, balse dagaalka ka how ku dhawaad 16,000 oo arday Afrikaan ah ayaa waxka baranaayay Ukraine.
Hadda, ku dhawaad 5,500 oo arday Afrika kasoo jeeda aya ka diiwaangashan jaamacadaha Ukraine, sida lagasoo xigtay Xarunta Midaysan ee Waxbarashada Ukraine. 3,950 arday ahi wax kasoo kala jeedaan Morocco iyo Nigeria halka Tanzania ay kasoo jeedaan 49 arday oo diiwaangashan.
‘‘Go’aanka kuso noqoshada Ukraine si waxbarashadu usii socoto waxaa si shaqsiyan ah u samaynaya arday walba. Jaamacadahuna waxay ku dedaalayaan in goobaha waxbarashadu ku qalabaysanyahiin meelo duqeymaha laga galo iyo in habka isku dhafan ee waxbarashada iyo qaabka fogaal aragi ah tayaysanyahay,’’ ayuu yidhi Afhayeen u hadlay Xarunta Waxbarashada Caalamiga ah ee Ukraine.
Waxaa la aaminsanyahay in ku dhowaad 10,000 oo arday ayka barakaceen Ukraine, kuwo badana ayka cagajiidayaan dib ugu noqoshada dalkaan. Inkastoo qaar kamida ardayda Afrika kasoo jeeda ay dalalkii ay asal ahaan kaso jeedeen ku noqdeen, kuwo ayaa degay Yurub sida Netherland, Portugal iyo Finland.

Qaar badan oo kamida ardayda waxka barata Ukraine ayaa u barakacay xadka Poland markuu duulaanku bilowday.
Tiro badan oo ardayda Qaaradda Afrika kasoo jeeda oo ka qaxay colaadda ayaa helay bedelo kale oo waxbarasho kuwana wayba isaga tageen waxbarashadii iyagoo shaqo ka raadsaday dalkoodii hooyo.
Walow xaaladda qaybta ay Ukraine Haifa kaga nooshahay hadda deggantahay, waxay ka cabsi qabtaa in dagalka joogtada ahi iyada iyo ardayda kale ee ay wax isla bartaanba uu barakiciyo mar labaad.
‘Waxaan tagnay Kyiv bisha February si’aan u samayno imtixaanka qaranka, qarax ayaana ka dhacay afaafka dhismahaan degganayn, In aan arko qarax waxay ahayd wax cabsi badan, balse waan is dejiyay markii danbe, waxaana rejaynayaa in wax walba dhammaadaan.’’ Ayay tidhi Haifa.













