Muxuu yahay dahabka laga helay buuraha ku dhaw magaalada Boorama ee ay dadku ku yaaceen?

Xigashada Sawirka, RNC MINERALS
Waxa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay soo baxayey warar sheegaya in dahab laga helay buuraha ku dhaw magaalada Boorama ee jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.
Waxaa la sheegay in halkaas ay markiiba dumar iyo dhalin yaro badani ku qamaameen oo ay ilaa haatan dahab ka baadhayaan buuraha ku dhaw dooxa Camuud.
Hadaba maxaa ka jira in dahab aaggaa laga helay, maxayse maamulka degmadu ka yidhaahdeen arintaas.
Duqa magaalada Boorama, Maxamed Axmed Warsame, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in mudda ahba inuu jiray tuhunka ah inuu dahab ku jiro buuraha ku dhaw dooxa Camuud.
"In mudda ahba waa jiray tuhunka ah in gobolka Awdal uu dahab ku jiro balse laba toddobaad ka hor waxaa bilaabantay in degmada baki laga helay macdanta dahabka, waxaa fududeeyay dad la yimid qalabka lagu ogaado dahabka, dadkii wax ka helayna laga iibsaday ayaa waxay dowladda go'aan ku gaartay markii meelwalba la isaga yimid in howshaasi dib loo dhigo dadkina waa laga soo saaray."
Markii dadka laga soo saaray halkaasi ayay dadkii saacadaha sitay waxay meel bariga boorama ah oo 5 kilomitir u jirta oo dooxada camuudeed ah, Jaamacadda Camuudna ku taalla iyadana laga helay dahab ayay dhigteen saacadahooda sidaasi ayayna dadka ku ogaadeen oo ay ugu yaaceen goobtaasi, wax waa laga helay laakin ma ahayn dahab sidaa u badan," ayuu yiri guddoomiye Maxamed Axmed Warsame.
Duqa magaalada ayaa sheegay in halkaasi dahab uu ku jiro aysan caddeyn wasaaradda Macdanta balse ay ogaadeen dad reer Soomaaliland ah wata qalab lagu ogaan karo in waxaani ay dahab yihiin iyo inkale.
"Markaasi ka dib ayay dad fara badan ku yaaceen buuraha oo dahab raadis galeen marka dad wax soo helyana waa ay jireen dad wax soo waayayna waa ay jireen, mana badna waxa la helay oo qiyaas ahaan waa 3 garaam, afar garaam iyo shan garaam."
Maxamed Axmed Warsame oo ay BBC-da weydiisay in dadka ay sidaasi faraha uga qaadayaan ama inay ka joojinayaan ayaa sheegay in ilaa haataan ay ku mashquulsan yihiin ilaalinta amniga ee aysan jirin cid laga celiyay.

Xigashada Sawirka, RNC MINERALS
"Dadku waan u sheegnay oo aan ka waci gelinay in xoogga galaya iyo meesha waxa ka soo baxaya aysan isu dhigmin oo qofka 5ta garaam hela waxaa laga siisanayaa 250 doolar marka isuma dhigmaan sababtoo ah dadka qaar habeeno ayay u dhaxayaan laakiin Soomaalida inta badan meel lagu sheegay dahab waqti badan ayay gelinayaan oo waa ay adagtahay inay ku dhageystaan sidaas darteed ilaa haatan dadka meesha waa ay ku jireen kuwa kalana waa ay ku sii qulqulayaan."
"Wax tallaabo ah oo inoo qorsheysan maalmaha soo socda ma jiraan oo aan dadka ku joojinayno marka qofkasta waxa uu Alle u calfo ayuu ka cunayaa."










