Dahab ku da'ay garoon Ruushka ku yaalla

Xigashada Sawirka, YAKUTIAMEDIA.RU
Macdan qaali ah ayaa ku soo daadatay garoon diyaaradeed oo ku yaalla bariga fog ee dalka Ruushka, arrintaas ayaana lala fajacay.
Arrintan ayaa dhacday ka dib markii uu jabay albaabka diyaarad ay saarnaayeen dahab iyo qalin oo ka duulaysay garoonka diyaaradaha ee Yakutsk iyada oo ku sii jeeday Siberia.
Ilaa 200 cad oo midkiiba 20kg yahay ayaana ku daatay wadda ay diyaaraduhu ka duulaan.
Dhammaan dahabkii iyo qalinkii waa la helay sida uu wakaaladda wararka ee Interfax u sheegay nin Kanada u dhashay oo macdanta lahaa.

Xigashada Sawirka, yakutiamedia.ru
Booliiska ayaa billaabay baaritaan ku saabsan waxa sababay shilkan.

Xigashada Sawirka, yakutiamedia.ru






