Nolosha saddex carruur ah oo dikumentari lagaga duubay Qasa intuu socday dagaalka

- Author, Jamie Roberts
- Role, Wax ka hagaha dikumiintariga Qasa: Sida Loogu Noolaado Furin Dagaal
Zakariya waa 11 jir wuxuuna ku nool yahay Qasa. Wuxuu qiyaasayaa inuu arkay kumanaan mayd ah tan iyo markii dagaalku bilowday. Laakiin xilli carruurtu badanaa ku sugnaan lahaayeen fasalka, Zakariya wuxuu si isxilqaan ah uga shaqeeyaa isbitaal ka mid ah kuwa yar ee ka shaqeeya Qasa - al-Aqsa.
Marka gawaarida gargaarka degdegga ah ee wadaya dadka dhibbanayaasha dagaalka ka dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas ay istaagaan bannaanka isbitaalka ku yaal magaalada dhexe ee Deir al-Balah, Zakariya wuxuu jid ka dhex banneeyaa dadka kusoo xoomay isbitaalka si bukaannada cusub ee soo gaaray ay u galaan gudaha isbitaalka si ay daaweyn u helaan.
Waxyar kadib, wuxuu orod ku maraa dariiqyada isbitaalka isagoo wata naxash, kadibna wuxuu kusoo qaadaa ilmo yar oo gudaha ugu geeya qeybta deg-degga ah.
Qaar ka mid ah asxaabtiisa iskuulka ayaa ku dhintay tan iyo markii dagaalku bilowday. Ku gaaf wareegidda isbitaalka ee Zakariya waxay ka dhigantahay inuu markasta la kulmo muuqaal naxdin leh. Wuxuu sheegay kadib duqeynta Israa'iil in uu arkay wiilyar oo hortiisa ku gubanaya dabka dartiisana ugu dhimanaya hortiisa.
"Waxaan arkay ugu yaraan 5,000 oo mayd ah. Waxaan ku arkay indhahayga," ayuu u sheegay muuqaal duubahayaga.
Zakariya waa mid ka mid ah carruurta iyo dhallinyarada aan muddo sagaal bilood ah la soconnay si aan u samayno dikumeenterigaan BBC-da ee Qasa: Sida Loogu Noolaado Furin Dagaal.
Filimkan, aniga iyo saaxiibkey Yousef Hammash waxaan ku wada hagaynay London, sababtoo ah weriyeyaasha caalamiga ah ayaa Israa'iil aysan u oggolaan inay gudaha u soo galaan Qasa iyo inay warbixin madax-bannaan ka soo saaraan tan iyo markii dagaalku bilowday 16 bilood ka hor.
Si aan u ururinno muuqaalka iyo wareysiyada, waxaan shaqaaleysiinnay laba muuqaal duube oo ku nool Qasa - Amjad Al Fayoumi iyo Ibrahim Abu Ishaiba - waxaana si joogto ah ula xidhiidhaynay iyaga iyadoo la isticmaalayo barnaamijyada fariimaha, wicitaanada internetka iyo shabakadaha taleefannada gacanta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Aniga iyo Yousef waxaan dooneynay inaan sameyno documentary-gan si aan u tusno nolol maalmeedka dadka Qasa oo isku dayaya inay ka badbaadaan naxdinta dagaalkan intii uu socday. Waxaan dhammeystirnay duubista dhowr toddobaad ka hor, maalintii xabbad-joojinta hadda jirta ay bilaabatay.
Waxaan diiradda saarnay saddex caruur ah iyo haweeney dhashay ilmo cusub maxaa yeelay waa dadka aan waxba galabsan ee dagaalkan, kaasoo istaagay 19-kii Janaayo markii heshiish sii deynta lahaystayaasha uu dhex maray Xamaas iyo Israa'iil.
In ka badan 48,200 qof ayaa ku dhintay Qasa intii ay socday weerarka Israel, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas. Ficilka millatariga ayaa raacay weeraradii ay Xamaas ku qaaday Koonfurta Israel 7-dii Oktoobar 2023, halkaasoo ku dhawaad 1,200 qof lagu dilay, 251 kalena la afduubtay.
Guud ahaan, waxaan duubnay meel ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Gaza oo ay ciidanka Israa'iil u calaamadeeyeen "Aagga Bini'aadantinimo", halkaas oo Falastiiniyiinta lagu amray inay tagaan si ay naftooda u badbaadiyaan. Inkasta oo loo aqoonsaday sidii aaggaas, haddana waxaa la duqeeyay ku dhawaad 100 jeer intii u dhaxeysay May 2024 iyo Janaayo sanadkan, sida ay sheegtay falanqeyn ay sameysay BBC Verify. Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay inay bartilmaameedsanayeen dagaalyahannada Xamaas ee ka howlgala aaggaas.

Waxaan dooneynay inaan ogaanno sida carruurtu ay u helaan cunto, halka ay go'aamiyaan meesha ay seexdaan iyo sida ay u wadaan iyaga oo isku dayay in ay noolaadaan.
Cabdullaahi, oo 13 jir ah, ayaa soo soo jeedinaya filimka. Wuxuu ku hadlaa Ingiriisi aad u fiican maadaama oo uu horey u dhigan jiray iskuulka British-ka ee Qasa ka hor dagaalka, wuxuuna sameeyaa wax walba oo uu ku sii wadi karo waxbarashadiisa.
Renad, 10, waxay ka sameysaa bandhig cunno karinta TikTok iyadoo kaashanaysa walaasheed oo weyn. Waxay sameeyaan noocyo badan oo cunto ah, inkasta oo dagaalku ay ka dhigan tahay inaanay helin maaddooyinka saxda ahaa, waxayna leeyihiin in ka badan hal milyan oo dad ah oo ku xidhan bartooda.
Sidoo kale, waxaan raacnay Rana, 24, oo dhashay gabadh yaroo dhicis ah. Saddex jeer ayaa la barakiciyay waxayna ku nooshahay agagaarka isbitaalka iyadoo la joogta labadeeda wiil iyo waalidkeed.
Qayb ka mid ah filimka ayaa sidoo kale muujinaya sida dhakhaatiirtu ula dagaallameen si ay dadka ugu badbaadaan isbitaalka al-Aqsa, oo loo sheegay bishii Janaayo 2024 in uu yahay isbitaalka kaliya ee shaqeeya bartamaha Qasa.
Halkaas ayaan ku helnay Sakariya.

Qof kasta oo ka shaqeeya isbitaalka wuu yaqaan wiilka. Wuxuu weli yahay ilmo yar, mana aha dhakhtar xirfad leh, laakiin wuxuu mar walba ku wareegayaa isbitaalka, isagoo sugaya fursad uu qof caawin karo, rajeynaya inuu helo cunto ama lacag beddelkeeda.
Mararka qaar wuxuu caawiyaa inuu qaado qalabka saxafiyiinta deegaanka, mararka kalena waxaa uu qaadaa sariiraha dadka dhaawacan ama dhimanaya.
Marka ay jirto xilli degan, wuxuu ka caawiyaa nadiifinta dhiigga iyo wasakhda baabuurta ambalaaska.
Ma jiraan iskuulo uu tago, wuxuuna yahay kaliya qofka qoyska ka tirsan ee lacag sameeya. Iyagana haddeer lama joogo maadaama oo cuntada iyo biyahuba ku yaryahiin. Waxuu sheegay in uu kaligees ku nool yahay isbitaalka wuxuuna ku seexdaa halka uu kolba heli karo. Habeenkii waxaa uu ku seexdaa qolka CT scan, mar kalena wuxuu ku seexdaa teendhada saxafiyiinta ama gadaasha ambalaaska.
Waxaa jiray habeenno badan oo uu ku seexday gaajo
Inkastoo ay isku dayayaan, shaqaalaha isbitaalka ma awoodaan inay ka fogaadiyaan ka qayb galka wiilka ee dhibaatooyinka daryeelka bukaanada.

Sakariya wuxuu jecel yahay shaqaalaha deg-degga ah ee caafimaadka wuxuuna doonayaa inuu noqdo qayb ka mid ah kooxda. Mid ka mid ah, Saacid, garabka intuu qabsado ayuu kaxeeyaa. Markasta oo uu Zakariya ula dhaqmo sida ilmihii, wuxuu yiri, wiilku wuu igu xanaaqaa.
Shaqaalaha kale ayaa arkaya daryeelka iyo fiirada gaarka ah ee Sakariya u muujiyo dadka bukaanka ah iyo kuwa kale ee isbitaalka, waxayna barayaan sida loo siiyo qof Irbadaha xididka
Si loo aqoonsado dadaalkiisa, waxay xitaa u sameeyaan dhar yar oo buluug ah oo loo isticmaalo shaqada caafimaadka – taas oo uu si weyn ugu faano.
Saacid wuxuu isku dayaa inuu hubiyo in wiilka weli helo qayb ka mid ah carruurnimada, waxaana filimka u raacaynaa safar ayku tagaan xeebta.
Iyagoo fariisanaya hoosta laanta geed, Sakariya ayaa cunaya qadada Saacidd uu soo iibsaday. Shawaarmada, ayuu yiri, waa mid qumman. Saacid wuxuu qoslayaa in ay tani tahay waqtiga kaliya ee wiilku "aamusho."
Laakiin Saacid wuxuu ka walwalsan yahay in Sakariya uu arkay dhimasho iyo burbur badan oo uu weli ku habboonaan waayo carruurta da'diisa.
Sakariya naftiisa wuxuu ka fikiraa wixii ka dambeeya carruurnimadiisa.
"Waxaan doonayaa inaan noqdo paramedic [shaqaalaha gargaarka degdega ah," ayuu yidhi. "Laakiin marka hore waxaan u baahanahay inaan ka baxo halkan." Sida uu u sheegay George Sandeman.













