Saameynta hakinta shaqada USAID ee Afrika iyo halka ay Soomaaliya kaga jirto dalalka taageerada ka hela hay'adda

Xigashada Sawirka, Reuters
Mustaqbalka hay'ada horumarinta caalamiga ee Maraykanka (USAID) ayaan weli caddeyn ilaa iyo wixii bisha Abril ka dambeeya.
Afrika ayaa ka mid ah meelaha ay saameysay amarada shaqa joojinta iyo soo saarista ogaysiinta la siiyay shaqaalaha tooska ee la ceyriyay, kuwa shaqa wadaaga la ah iyo qandaraasleyda ayaa mar horeba carqaladeeyay barnaamijyada caafimaadka ee nolol-badbaadinta ahaa si gaar ah daweynta HIV iyo dadaaladii kahor taga, oo ah kuwa si gaar ah ugu tiirsan maalgalinta deeqaha.
Xataa ay ku jireen heshiisyada ogolaanshaha dib u cosboonaysiinta kaalmada bini'aadantinimo, maqnaashiyaha shaqaalaha muhiimka ayaa tilmaamaysa in xaalku sidii hore ku soo laabto aysan lahayn damaanad.
Khuburada caafimaadka ayaa ka cabsi qaba xilliga dowladaha Afrikaanka ay ka jawaabayaan joojinta lama filaanka ee gargaarka Maraykan, waxyeeladu ay tahay mid aan laga soo laaban karin.
Joojinta maalgelinta Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ayaa carqaladaysay dagaalka ka dhanka ah xanuunno ay ka mid yihiin HIV, Ebola iyo Mpox.
Waxa ay saamaysay la socodka cudurrada iyo qaadista muunadaha mpox.
Uganda, hakinta saddexda bilood ah ayaa keentay in ay shaqa la'aan ku dhacdo kooxaha ka jawaabaya Ebola ee mas'uul ka ah raadinta iyo baaritaanka. Shaqaalihii caafimaadka ee ay maalgalisay USAID waa la ruqseeyay ama loo sheegay inay shaqada joojiyaan.
Tan iyo 30kii Janaayo, Uganda waxay soo werisay sagaal xaaladood oo la xaqiijiyay oo ah Fayraska Ebola Suudaan (SVD).
Bukaankii ugu horreeyay oo ahaa nin kalkaaliye caafimaad ahaa, ayaa dhintay ka dib shan maalmood oo uu la kulmay qandho aad u sareysa, laab xanuun, neefsashada oo ku adkaatay, iyo dhiig-bax aan la garanayn.
Siddeed kale ayaa weli ku jira isbitaalka, oo ay ku jiraan shan shaqaale caafimaad ah. Maamulka ayaa aqoonsaday in ka badan 260 qof oo lala xiriiriyay, kuwaas oo hadda lala socdo xaaladooda.
Wasaaradda caafimaadka ee Uganda ayaa sheegtay in ay xaaladda gacanta ku hayso, iyada oo taageero ka helaysa hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO, Afrika CDC, hay'adaha aan faa'iido doonka ahayn, iyo Maraykanka.
"Khatarta Ebola inuu ku faafo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC) waa mid dhab ah," Dr. Ngongo Ngashi, oo ah maamulaha Afrika CDC, ayaa ku sheegay warbixin toddobaadle ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Nicholas Kristof oo maqaalkiisa ku daabacay wargeyska New York Times waxa uu kaga hadlay wax uu ugu yeeray qaska ay Hay'adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah ee USAID la kulmeyso, isaga oo iftiimiyay saamaynta bini'aadantinimo ee ka dhalan karta siyaasadaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Ganacsade Elon Musk ee la xiriira deeqaha caalamiga ah.
Qoraagu waxa uu caddeeyey in carruurta ku nool Sokoto, Nigeria, ay gaajo u dhimanayaan sababta oo ah waxa hakad galay sahaydii daawaynta ee ay taageerto USAID.
Kristof ayaa xusay in cudurka Ebola uu ka dilaacay dalka Uganda, balse fowdada ka jirta hay'adda Mareykanka awgeed, ay dowladda Uganda ugu baaqday shaqaalaha caafimaadka ee la shaqeeya hay'adda inay sii wadaan shaqada mushaar la'aan, iyagoo ka duulaya waddaniyad.
Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in maqnaanshaha shaqada hay'adda ay la macno tahay khatarta sii kordheysa ee faafitaanka Ebola ee adduunka oo dhan, lagana yaabo inuu gaaro Mareykanka, taas oo caddaynaysa in hay'addu aysan u adeegin oo kaliya qiimaha bani'aadamnimada, laakiin ay tahay safka koowaad ee difaaca cudurrada faafa ee khatarta ku ah amniga qaranka Mareykanka.
Halkee ayay Soomaaliya kaga jirto dalalka Africa ee dhaqaalaha ka hela USAID, maxayse uga dhigantahay hakinta?

Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay 10-ka ee dhaqaalaha ugu badan ka hela hay'adda USAID. Tobankaas dal Soomaaliya waxay kaga jirtaa kaalintaa labaad keliya waxaa ka horreeya Itoobiya oo kaalinta kowaad kaga jirta liiska.
Soomaaliya maadama muddo burbursaneed isla markaana dadkeedu inta badan ku tiirsanyihiin gargaarka dibadda waxaa la rumeysanyahay in USAID ay tahay hay'adda ugu weyn ee gacan siin jirtay.
"USAID waxay ahayd hay'adda ugu weyn ama hay'adaha gargaarka oo dhan ay ku tiirsanyihiin oo kuwa Qaramada Midoobey ay ka mid yihiin, dowladda Soomaaliya ay ku tiirsaneed, ganacsatada yaryar, beeraleyda iyo xoola dhaqatadana ay mashaariic u sameysay," ayuu yiri Abuukar Sheekh Axmed Al-Badri oo ah suxufi kana soo shaqeyay arrimaha horumarinta hay'adaha gargaarka.
Wuxuu intaa ku daray in deegaannada dowladda Soomaaliya ay ka qabsatay al-Shabaab ee laga sameeeyo barnaamijka xasilinta ay USAID tahay hay'adda qaybta ugu weyn ku leh howshaas.
Abuukar ayaa muujiyay in haddii aan la helin wax u badala deeqihii dadka Soomaaliyeed ay ka heli jireen hay'addan, la filan karo culeys khatar ah oo ku yimaada dadka Soomaaliyeed.
"Deeqaha ay meesha ka bixiyeen ilaaa la helo wax u badala dadkii ku tiirsanaa ee Soomaaliyeed ee gargaraka u baahnaa, xaalad khatar ah ayaan filan karnaa," ayuu yiri Abuukar AL-Badri.
Wuxuu intaa raaciyay in dowladihii kala dambeyay ee soo maray dalka Soomaaliya, ay ka gaabiyeen in ay u diyaar garoobaan haddii ay ha'ddaani meesha ka baxdo waxa u badeli kara maadaama dad badan oo Soomaali ah ay siyaabo kala duwan ugu tiirsanyihiin.
Kharash intee le'eg ayay dowladda Mareykanku ku bixisaa USAID?

Marka loo eego xogta dowladda, Mareykanka wuxuu hay;adan ku bixiyay 68 bilyan oo doolar oo gargaar caalami ah marka loo eego sannadkii 2023.
Inta badan lacagtaas waxaa lagu bixiyaa Aasiya, Afrikada Saxaraha ka hooseeya iyo Yurub waxaana inta badan loo adeegsaday arrimaha bani'aadamnimada ee Ukraine.
Maraykanka ayaa ah dalka kharashka ugu badan ku bixiya horumarinta caalamiga ah.
Si loo fahmo macnaha, UK waa wadanka afraad ee ugu badan bixiya gargaarka adduunka. Sanadkii 2023, waxay ku bixisay £15.3 bilyan oo giniga istarliinka ah qiyaastii rubuc ka mid ah waxaa bixiyay Maraykanka.
Wax badan ka ogow hay'adda USAID?

Xigashada Sawirka, Reuters
Hay'adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah (USAID) waxa la aasaasay horraantii 1960-meeyadii si ay u maamusho barnaijyada amgargaarka bini'aadantinimo iyada oo dawladda Maraykanka wakiil uga ah caalamka.
Waxay ka hawlgala 10,000 oo qof, saddex-meelood laba meel oo ka mid ah shaqaalahaasi waxay ka shaqeeyaan dibadda.
Waxay saldhigyo ku leedahay in ka badan 60 waddan waxayna ka shaqeysaa tobaneeyo dal oo kale. Si kastaba ha ahaatee, shaqada ugu badan ee waxaa fuliya hay'ado kale oo qandaraasleyaal ah oo ay maalgeliso USAID.
Hawlaha kala duwan ee ay qabato waa mid aad u ballaaran. Tusaale ahaan, USAID kuma koobna oo kaliya in ay cunto ku bixiso waddammada ay dadkoodu gaajaysan yihiin, waxa ay sidoo kale ka shaqaysaa nidaamka ogaanshaha heerka macluusha ee adduunka iyagoo saadaalinaya halka ay cunto yaradu ka jirto.
USAID waxa ay soo ifbaxday ka dib markii Congress-ku meel mariyay Xeerka Kaalmada Dibadda 1961. Sharcigaas ayaa amraya in hay'ad dawladeed la dhiso oo loo xilsaaro maaraynta kharashaadka dibadda.
Wax yar ka dib, madaxweynihii xilligaas John F Kennedy wuxuu asaasay USAID isagoo isticmaalaya amar fulin. Sharci kale ayaa la soo saaray 1998-kii kaas oo xaqiijiyay in USAID ay tahay hay'ad fulineed iyada oo madax-bannaan.
Marka la soo koobo, taasi waxay la macno tahay in Trump uusan si fudud u baabi'in karin USAID isagoo saxiixaya amar fulineed, isku day kasta oo lagu sameeyana waxaa hubaal ah inuu la kulmi doono caqabado xooggan oo dhanka maxkamadaha iyo Congresska ah.
Xiritaanka guud ee USAID waxay u badan tahay inay u baahan tahay tallaabo Congress-ka ah - halkaas oo xisbiga Jamhuuriga ee Trump uu haysto aqlabiyadda aan sii buurnayn ee labada aqal.
Mid ka mid ah xulashooyinka la sheegay in uu tixgeliyey maamulka Trump ayaa ah in uu USAID ka dhigo laan ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyaga oo ka soo horjeedda in ay noqoto hay'ad dowladeed oo iyadu iskeed u shaqeysa.
Isbeddel kasta oo lagu sameeyo sida loo isticmaalo lacagta USAID waxaa shaki la'aan ah in laga dareemi doonaa adduunka oo dhan.













