Xaaladda waqooyiga Magaalada Qasa oo laga deyrinayo

Tebin toos ah

  1. Sawirro muujinaya xaaladda Qaza oo maanta la qaaday

    Israel ayaa maanta oo dhan howlgallo ka waday Gaza. Ugu yaraan 22 qof ayaa la sheegay in lagu dilay duqeynta Israel iyadoo tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen

    Goobta la duqeeyay ayaa aheyd iskuul Qaramada Midoobay maamusho oo barakacyaal deganaayeen oo ku yaal waqooyiga Gaza sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka deegaanka.

    Qaar ka mid ah sawirada maanta la qaaday

    gaza

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Hawada ayaa Gaza gargaarka looga soo daadiyaa
    cunto

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Cuntada rayidka loo kariyo ee Gaza
    xamaas

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Mey loo wado isbitaalka al-Aqsa
    burbur

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Burburka guri ku yaal Khan Younis
  2. Israel ayaa sheegtay in duqeyn ay ku dishay Yaxye Sinwar

    sinwar

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Miltieriga Israel ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ka dhacday Gaza ay suuragal tahay in ay ku dileen hoggaamiyaha Xamaas, Yaxya Sinwar.

    Weerarka ayaa la sheegay in lagu dilay dad ay ku tilmaameen argagixiso iyadoo mid ka mid ah loo maleynayo hoggaamiyaha xamaas.

    Hadalka Israel ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli aan la cadeyn karin dadka saxda ah ee ay weerarka ku dileen.

    Hoggaamiyaha Xamaas ayaa la sheegay in uu ku dhuunto shabakadda gododka Xamaas iyadoo la haystayaasha ay ku hareereysan yihiin si taasi ay uga weeciso weerarada Israel.

    Yaxya Sinwar waxaa la sheegaa in uu ahaa maskaxdii ka dambeysya weerarkii 7-dii oktoobar ee koonfurta Israel.

    Dhinaca kale, wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tobaneyo, qaarkood ay carruur yihiin lagu dilay duqeynta Israel ay ku qaaday iskuul ku yaal agagaarka Jabalia ee waqooyiga Gaza.

    Dugsiga hoose ee Abu Xuseyn ayaa la sheegay in ay deganaayeen barakacayaal. Milteriga Israel waxay sheegeen in ay fuliyeen wax ay ugu yeereen weerar bartilmaameedsan oo ay ku qaadeen kulan ay lahaayeen hoggaamiyayaasha talisyada Xamaas iyo Islamig Jihad.

  3. 7 qof ayaa ku dhimatay weerar ismiidamin ah oo Muqdisho ka dhacay

    Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay 6 kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay agagaarka Dusgiga Tababarka Booliska ee Janaaraal Kaahiye ee magaaladaMuqdisho.

    Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in qof walxaha qarxa isku soo xiray uu yimid maqaayada kaddibna uu halkaas isku qarxiyay.

    Sarkaal ka tirsan booliska oo diiday in magaciisa la xigto waxa uu BBC-da u xaqiijiyay geerida 7 qof oo ay ku jiraan saraakiil iyo askar ka tirsan booliska iyo sidoo kale rayid.

    Maqaayadda shaaha laga cabo ee weerarka qaraxa lagu qaaday waxay ka horjeeda dugsiga, waxaana fariista inta badan saraakiil ka tirsan booliska.

    Gawaarida gurmadka degdegga ayaa goobta tagay si ay wax ugu qabtaan dadkii wax ku noqday weerarka. Sidoo kale waxaa la xiray wadooyinka aada Dugsiga Tababarka Booliska.

    Ilaa hadda dowladda wax war ah kama soo saarin weerarka, sidoo kale Alshabaab oo weeradan lagu yaqaan iyagana kama hadal.

  4. Dagaal xalay ka dhacay dibadda magaalada Xudur

    dagaalka Shabaab

    Dagaal culus ayaa xalay lagu qaaday dhawr saldhig oo ku yaala dibadda magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo ay fadhiyeen ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya.

    Dagaalka waxa qaaday dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la soo weriyay in uu dagaal kaasi dhaliyay.

    “Dhowr jiho ayey magaalada kas oo weerareen, saddaxdii meel ay ka soo weerareen magaalada waa looga guuleystay” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Maxamed Macalin.

    Sidoo kale guddoomiye Maxamed waxa uu sheegay in ciidankooda hal qof kaga dhintay weerarka iyagana ay dileen labo ka tirsan Al-shabaab iyo dhaawac badan.

    Dagaalka oo la sheegay in uu bilowday 11-kii habeeno ayaa socday ilaa iyo 2-dii habeenimo waxayna ciidamada dowldda sheegeen in ay gaareen dhul ka fog halkii lagu soo weeraray

  5. Bangladesh oo soo saartay amar lagu xirayo Sheekh Xasina

    Bangaldesh

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maxkamad dalka Bangladesh ayaa amartay in la soo xiro raysalwasaarihii hore Sheekh Xasiina oo Hindiya u duushay bishii Agost kaddib markii ay xukunka ka tureen dibadbaxayaal.

    Xasina waxaa doonaya maxkamadda dambiyada caalamiga ee Bangladesh, waxaana loo haystaa dambiyo ka dhan ah aadnaha kuwaas oo dhacay intii dibadbaxyda socdeen. Dibadbaxyada waxaa lagu dilay boqolaal qof.

    Xasina oo wadanka madax ka aheyd 20 sano, waxaa loo arkay xukunkeeda mid kali talis ah oo aan naxariis laheyn.

    14 qof oo kale ayey maxkamadda amartay in la soo xiro, waxaana ka mid dadkaas wasiiro ka tirsanaa dowladda oo dalka ka baxsaday.

    Dowladda cusub ee Bangladesh ayaa kala noqotay baasaboorka diblomaasiyadeed ee Xasina, waxaana labada dal ka dhaxeeyay in ay isugu soo dhiibaan dadka la doonayo.

  6. Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in loo baahan yahay in dagaalka uusan ku fudin gobolka

    Masar iyo Iran

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, oo booqasho ku tagay Masar ayaa la kulmay madaxweyne Cabdulfatax El-Sisi.

    Wakaaladda wararka Reuters oo soo xigeneysa hadalka madaxtooyada Masar ayaa sheegtay in wadahadalada diiradda lagu saaray arrimaha gobolka iyadoo Mr. El-Sisi marka kale oo dib ugu celiyay codsiga Qaahira ee ahaa in dagaalka aan lagu sii find gobolka, loona baahan yahay in la joojiyo xiisadda si looga hortaga dagaal weyn oo gobolka ka dhaca.

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran wuxuu sidoo kale xoojiyay baahida loo qabo in la sii wado dadaalada lagu horumarinayo xiriirka labada dal.

    Mr. Araghchi wuxuu sidoo kale la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelati ka hor inta uusan arag madaxweynaha.

    Waa booqashadii ugu horeysay uu wasiir arrima dibadeed oo ka socda Iran ku tago Masar 12-kii sano ee la soo dhaafay. Masar iyo Iran waxaa ka dhexeeyay xiriir aad u fiican ka hor inta uu dhalan kacaanka Islaamka Iran.

  7. Nin ka soo jeeda Maryland oo isku dayay in uu ku biiro ISIS ayaa la xiray

    Nin ka soo jeeda gobolka Maryland ee Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ah iskuday uu waxyaabo ku siinayay IS, sidaasna waxaa Arbacadii sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha Maryland.

    Michael Sam teekayer Jr oo 21 jir ah waxaa 14-kii Oktoobar lagu xiray garoonka diyaaradaha Washington.

    Dhowr jeer ayey wadahadleen Teekaye iyo sarkaal iska qariyay intii u dhexeysay March iyo April 2023-kii isagoo muujiyay sida uu u doonayo in uu ku biiro ISIS iyo in uu u safro Afrika si uu ugu dagaallamo ISIS.

    Sidoo kale wuxuu sarkaal u sheegay in hadii qorshahiisa safarka uu shaqeyn waayo uu doonayo in uu gudaha Mareykanka ka fuliyo weeraro uu ku beegsanayo shaqsiyaadka taageera Israel.

    Bilihii May iyo June wuxuu Teekaye iibsaday waqtiyo kala duwan rasaas uu ku tababaranayay. Bishii July wuxuu isku dayay in uu iibsado qori noociisu yahay Kalashnikov K-9 9mm balse waxaa loogu diiday sababo la xiriira diwaankiisa.

    Hadii lagu helo dacwadda lagu soo oogay waxa uu Taakaye wajahayaa 20 sano oo xabsi ah.

  8. Maxay wadamada Afrikaanka ah ugu kala ordayaan dirista dayaxgacmeedyada?

    .

    Xigashada Sawirka, SpaceX

    Qoraalka sawirka, .

    16 kii bisha Agoosto ayay waxaa hawada loo diray mid ka mid ah dayaxgacmeedyada dalkan Afrikaan ah, 116-ka dayax gacmeedyada ayaana saarnaa gantaalkii hawada loo diray, waxaana intooda badan lagu naqshadeeyay dalal reer galbeed ah – in kasta oo mid ka mid ah oo ka duwanaa inta kale.

    Waxa uu ahaa dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo uu sameeyo dalka Senegal.

    Walax yar oo loogu magacdaray GaindeSAT-1A, ayaa waxay bixin doontaa xog ku saabsan kormeer dhulka ay ku sameynayso iyo adeeg isgaarsiineed. Madaxweynaha Senegal ayaa ku tilmaamay tallaabo weyn oo loo qaaday dhinaca "madaxbanaanida tignoolajiyada".

    Qiimaha lagu dirayo dayax-gacmeedka ayaa aad hoos u dhacay sannadihii u dambeeyay, ayuu yiri Kwaku Sumah, aasaasaha iyo agaasimaha maamulka Spacehubs Africa, oo ah lataliye dhinaca hawada sare ah.

  9. Tirada dadka ku dhintay qaraxii Nigeria oo korodhay

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Tirada dadkii ku dhintay qarax ka dhashay booyad shidaal oo ka dhacay dalka waqooyiga dalka Nigeria ayaa gaartay ku dhowaad 160 qof, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dalkaas.

    Gaari booyad ah oo ah nooca shidaalka qaada ayaa ku qarxay gobolka Jigawa ee dalka Nigeria, sida ay booliska u sheegeen BBC-da.

    Ku dhowaad 100 qof oo kale oo ku dhaawacmay qaraxaas ayaa la geeyay isbitaallo ku yaala gobolka, kuwaas oo badankood ay xaaladooda aad u liidato.

    Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ayaa ku soo xoomay gaarigaas, si ay shidaal uga dhaansadaan kadib markii uu gaariga shil galay, sida laga so xigtay afhayeenka booliska, Lawal Shiisu Adam.

    Waxaa uu intaas ku daray inay uga digeen dadka in aanay u dhawaan gaarigaas shilka galay, balse ay ka hor tagi waayeen dadkii faraha badnaa.

  10. senetka Kenya oo maanta u codeynaya xil ka qaadista madaxweyne ku xiigeenka dalka

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, .

    Aqalka sare ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa inuu maanta u codeeyo madaxweyne ku xiigeenka dalka, Rigathi Gachagua.

    Senetka ayaa go'aanka gaari doona gelinka dambe ee maanta. Tani ayaa daba socota codeyntii todobaadkii hore ee xildhibaanada dalka, kuwaas oo u codeeyay in xilka laga qaado madaxweyne ku xiigeenka.

    Gachagua ayaa waxaa loo haystaa 11 dacwadood, oo ay kamid tahay eedo musuq maasuq, curyaaminta dowladda iyo inuu ku dhaqmayo siyaasad isir ku saleysan oo uu ku wiiqayo dowladda.

    Gachagua ayaa diiday in uu wax khalad ah sameeyay kadib markii dhawaan ay is khilaafeen madaxweyne William Ruto.

    Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu eedeeyay in uu hanti ku helay qaab musuqmaasuq ah, balse khudbad dheer oo uu dhawaan jeediyay ayu uku sheegay in hantidaan oo u badan guryo iyo dhulal uu lahaa walaalkii oo geeriyooday.

    Dhawr xildhibaan oo xulafo la ah Gachagua ayay booliisku u yeereen bishii hore, iyaga oo lagu eedeeyay inay maalgaliyeen mudaharaadyada, inkastoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

    Siyaasigaan 59-jirka ah, oo loo yaqaanno “Riggy G”, ayaa eedeymaha ka dhanka ah ku tilmaamay kuwo aad looga caroodo iyo “dacaayad qaawan.

    Doodda senetarada ayaa bilaabatay arbacadii shalay ahayd, waxaana lagu wadaa inuu maanta hor yimaado aqalka oo uu is difaaco.

    Warbixinada kale ee la xirriira qodobkan: Maxaa xiga xil ka qaadista madaxweyne ku xigeenka Kenya?

  11. Pentagon-ka oo sheegay in Mareynka uu "duqeyn sax ah" ku qaaday xarumo ay leeyihiin Xuutiyiinta Yemen

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, ayaa sheegay in Mareykanka uu fuliyay wax uu ugu yeeray "duqeyn sax ah", kaas oo uu ku qaaday xarun hubka noocyadiisa kala duwan lagu keydiyo, taas oo ku taala qeybo ka tirsan dalka Yemen oo ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta Yemen.

    Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa sheegay, in ciidamada Mareykanka ay bartilmaameedsadeen xarumo dhulka hoostiisa ah oo ay sheegeen in lagu keydiyo hubka loo adeeegsanayay weerarrada ka dhanka ah maraakiibta mara badda cas.

    Waxa uu sheegay in duqaymaha cirka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta ay Iran taageerto, ay muujinayso awoodda Maraykanku u leeyahay in la beegsado xarumaha noocaas ah ee qarsoon.

  12. Mareykanka oo hanjabaad u diray Israa'iil

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Mareykanka ayaa Israa'iil ku eedeeyay inay diidday boqolkiiba 90% gargaar la gaarsiiyo waqooyiga Qasa bishii la soo dhaafay, isagoo ku hanjabay inuu ka jarayo hubka, ilaa uu isbedel ka dhaco.

    Israa'ill dhankeeda waxay sheegtay inay walaaca Mareykanka ay si dhab ah u qaadaneyso isla markaana ay 'tix-galinayso arrinta'.

    Wariyeyaasha warbaahinta caalamiga oo BBC-du ka mid tahay, looma ogola inay si madax banaan warar uga soo tebiyaan Qasa.

    Israa’iil ayaa kordhisay duullaanka ay ku qaadayso waqooyiga, waxaana walaac laga muujiyay in ay go’doomisay deegaankaas. Sidoo kale waxaa golaha ammaanka ka hadlay safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay – Danny Danon – waxa uu diiday sheegashada ah in Israa’iil ay gargaar bini’aadantinimo ku hayso xuduudka Gaza.