Maxay wadamada Afrikaanka ah ugu kala ordayaan dirista dayaxgacmeedyada?

Xigashada Sawirka, SpaceX
16 kii bisha Agoosto ayay waxaa hawada loo diray mid ka mid ah dayaxgacmeedyada dalkan Afrikaan ah, 116-ka dayax gacmeedyada ayaana saarnaa gantaalkii hawada loo diray, waxaana intooda badan lagu naqshadeeyay dalal reer galbeed ah – in kasta oo mid ka mid ah oo ka duwanaa inta kale.
Waxa uu ahaa dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo uu sameeyo dalka Senegal.
Walax yar oo loogu magacdaray GaindeSAT-1A, ayaa waxay bixin doontaa xog ku saabsan kormeer dhulka ay ku sameynayso iyo adeeg isgaarsiineed. Madaxweynaha Senegal ayaa ku tilmaamay tallaabo weyn oo loo qaaday dhinaca "madaxbanaanida tignoolajiyada".
Qiimaha lagu dirayo dayax-gacmeedka ayaa aad hoos u dhacay sannadihii u dambeeyay, ayuu yiri Kwaku Sumah, aasaasaha iyo agaasimaha maamulka Spacehubs Africa, oo ah lataliye dhinaca hawada sare ah.
"Qiimo dhismta ayaa suuqa u furtay," ayuu raaciyay hadalkiisa. "Wadamadan yaryar… hadda waxay haystaan fursad ay kaga qayb qaataan."
Ilaa hadda, wadar ahaan 17 dal oo Afrikaan ah ayaa in ka badan 60 dayax gacmeed u diray meeraha, waxaana ka mid ah Senegal, Djibouti iyo Zimbabwe. Daraasiin kale oo dayax gacmeedyo Afrikaan ah ayaa la filayaa inay dul wareegaan sanadaha soo socda.

Xigashada Sawirka, Kwaku Sumah
Sidaas oo ay tahay, qaaradda oo dhami hadda ma lahan meel banaan oo laga kiciyo dayax gacmeedyada.
Intaa waxaa dheer, dalalka awoodda leh ee adduunka ayaa si muran la galin karo waxay u sticmaalaan barnaamijyada hawada sare ee Afrika si ay u dhisaan cilaaqaad iyo una muujiyaan awooddooda juqraafiyeed ee xoogan.
Wadamo badan oo Afrikaan ma awoodi doonaan in ay si iskood ah hawada ugu diraan dayax gacmeedyo?
“Waxaa xusid mudan muhiimidda ay leedahay in wadamada Afrika ay lahaadaan dayaxgacmeedyo u gaar ah,” sidaas waxaa qaba Sumah. Waxa uu sheegay intani ay xoojineyso awoodda kontoroolka tignoolijiga iyo fursadda ay u haystaan xogaha dayaxgacmeedyada.
Xogahaas ayaa ah kuwa ka caawin doona dalalka Afrika in ay korjoogteeyaan dalagyada, ayna fahmaan qataraha ay keenaan cimilooyinka aadka u daran sida daadadka, iyo sidoo kale in ay sare u qaadaan isgarsiinta ka jirta meelaha aadka u fogfog ee baadiyaha ah.
Laakiin si guud, in la aadp hawada sare ayaa waxaa looga arkaa gudaha Afrika waxa ay sameyn karaan “oo kaliya dalalka horumaray”, sidaas waxaa qaba Jessie Ndaba, pp ah maamulaha iyo aasaasaha xarunta Astrofica Technologies, oo ah shirkadda ka shaqaysa hawada sare oo ku taalla dalka Koonfur Afrika, taas oo naqshadeysa dayaxgacmeedyada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka loo eego qatarta aadka u wayn ee isbadalka cimiladu ku keenay qaaradda Afrika, tignooljiga hawada sare ah ayaa waxaa ay tahay in loo adeegsado in lagu ogaado heer cuntada iyo meelaha laga heli karo, ayay ku Talisay. In uu bilowdo tartan u dhaxeeya dalalka Afrika kaas oo ku aadan gaarista dayaxa iyo xidigta Mars, dhanka kale marka laga eego waa mid aan faa’iido lahayn: Waa inaan eegno caqabaha haysta Afrika oo aynu ogaano sida aan u xalino karno.”
Laakiin marka loo eego Sarah Kimani oo ka tirsan Qaybta Meteorological ka, waxay leedahay dayax gacmeedku waxa uu muujiyay sida aan caadiga ahayn ee uu u caawiyay iyada iyo kooxda ay wada shaqeeyaan, kuwaas oo ku guuleystay in ay sii ogaadaan xaalado cimilo oo aad qataru leh. Waxay dib u xusuusatay mar ay isticmaaleysay xog uu dhulka ka soo aruuriyay Eumetsat, oo ah wakaalad dayaxgacmeed oo laga leeyahay Yurub, kaas oo saadaalinayay duufaan ciideed la filayay bishii Maarso. “Waxaa suuragal noo ahayd in aan ogaano jihada ay u socotay duufaan ciideedu” ayay tiri.
Dabayaaqada sanadkan, iyada iyo asxaabteeda waxay heli doonaan xog ay soo aruuriyaan jiilkii ugu dambeeyay ee dayax gacmeedyada Eumetsat , kaas oo bixin doona nidaamka ilaalinta dababka iyo biriqda. "Waxay naga caawin doontaa horumarinta nidaamyadeena digniinta dhaqsada ah," ayay raacisay hadalkeeda Kimani, iyadoo xustay in wada shaqaynta Eumetsat ay ahayd "mid aad u hufan oo waxtar leh".













