TOOS, Waddamada Yurub ooka wada hadlay tallaabooyin ay kaga aargudan karaan Maraykanka kaddib hanjabaadii Trump ee Greenland

Tani ayaa imaanaysa iyado Trump marar badan ku janjabay inuu la wareegi doono Greenland

Tebin toos ah

  1. Qaabkii Laascaanood loogu dilay Madaxweyne Cabdirashiid C. Sharmaake

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Sagaal sano kadib, xurnimadii dalka bishii Oktoober 1969 waxaa magaalada Laascaanood gaaray wafi ballaaran uu hogaaminayey madaxweynihii waqtigaaas Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ahaa madaxweynii u horreeyey oo xilka ku qabtay doorasho baarlamaan.

    Cabdirashiid ayaa dalka kasoo noqday Ra'iisul-wasaare dowladdii uu hogaaminayey Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan. Intii xiligaas uu hayey xilka Ra'iisul wasaarenimo waxa uu booqday dalal kala duwan isaga oo u muujinayey xornimada dimoqaraadiyadda ay haystaan ummadda Soomaaliyeed kagadaal gumeystihii.

    Safarradii uu tagay waxa uu ugu weynaa kii ku tagay dalka Maraykanka isaga oo casuumad ka helay madaxweynihii waqtigaas Maraykanka Xukumayey ee John F. Kennedy.

    Madaxweyne Cabdirashiid Cali Labo sano ka dib markii uu dalka Madaxweyne ka noqday ayaa askari ka tirsan ciidamadii ilaalada ka hayay ayaa toogasho ku dilay magaalada Laascaanod, isagoo booqasho ku marayey gobolada Waqooyiga Soomaaliya halkaas oo ay abaaro ka dhaceen.

    Maxamed Cali laangadhe oo ahaa maayar ku xigeenka gobolka Sool sanadkii 1969-kii ayaa sheegay inuu madaxweynaha loo sameeyey soo dhaween diiiran "waa uu soo dagay dadkii soo dhaweeney ayuu salaamay, salaantaan kala qaadanay waa soo kaxeenay, hadal jeedintii kadib ayaa waxaa la su'aalay 'maluugu yiri laascaanod baa laguugu dilayaa?' Ilaah baa wax dila laakiin saas baaa la' yiri, ayuu ku jawaabay madaxameynaha". Maxamed Laangadhe waxa uu hadalkiisa ku daray, "soo dhaweyntii kadib ayuu uu gaaray xarunta dowladda hoose ee magaalada inta uusan ka degin gaariga ayaa lagu furay rasaas".

    Lix maalmood ka dib markii dilku dhacay ayay ciidamadii dalka talada xoog kula wareegeen iyada oo wali lagu jiro baroordiiqda madaxweynahaasi la dilay.

    Waxaana 21kii Oktoobar 1969kii dalka Madaxweyne ka noqday S/Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

  2. Ugu yaraan 21 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay Spain

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta dalka Spain, waxaana dhaawacmay tobanaan kale, iyadoo mas'uuliyiintu ay ka digeen in tirada dhimashadu ay kordhi karto, shilkantareen oo ahkii ugu xumaa oo Spain ka dhaca muddo toban sano ah.

    Gaadiidka tareenka Madrid ku socday ayaa ka baxay jidka tareenka, iyaga oo ku dhacay tareen kale oo ka soo horjeeda oo marayay Adamuz, oo u dhow magaalada Córdoba.

    Afar boqol oo rakaab ah iyo shaqaale ayaa saarnaa labada tareen, sida ay sheegeen shabakadaha tareenada.

    Ugu yaraan 24 qof ayaa si xun ugu dhaawacmay, oo ay ku jiraan afar carruur ah, sida ay sheegeen adeegyada gurmadka degdegga ah ee Andalusia.

    Wasiirka Gaadiidka Spain, Óscar Puente, ayaa ku tilmaamay dhacdada "mid laga naxo" iyadoo saraakiishu ay bilaabeen baaritaan.

  3. Yuhuudka tobanaanka sano iimaamka ka ahaa masjid ee dadka tujin jiray salaadaha

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dukumenti ay Israa’iil shaacisay dhawaan oo lagu hayey arkiifiyada dawladda ayaa ka hadlaya sheekada nin Israa'iili ah oo asalkiisu Beershiyaan yahay, kaasoo muddo sanooyin ah mu’addin ka ahaa magaalada N’djamena ee xarunta dalka Chad oo loo aqoon jiray Fort Lamy.

    Dukumentiga waxaa ku jira warqad uu soo diray diblomaasi Israa’iili ah oo Africa ka soo shaqeeyey 1962kii, wuxuuna dukumentiga sheegayaa arrintaas sirta ahayd ilaa wakhti aan fogey nee la xiriirta qofka kaliya ee Israa’iiliga ah ee ku noolaa Chad.

    Aryeh Lourie oo arrimo fuliye ka ahaa mid ka mid ah safaaradaha Israa’iil ayaa warqd u soo diray 30 September 1962 waaxda bariga dhexe ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil. Warqadda wuxuu ku sheegay in uu jiro qof reer Israa’iil ah oo mu’addin ka ah N’djamena.

    “Waxaan ogaaday inuu yahay qofka kaliya ee Yuhuudka ah ee jooga Chad” ayuu warqadda ku qoray.

    Wuxuu sheegay in George Hamdani oo ah nin reer Beershiya ah, kana soo jeeda magaalada Beershiya ku taalla ee Hamdan uu yimid Fort Lamy wakhti rubuc qarni laga joogo.

    Xilligaas waxaa magaalada ku noolaa dad dhamaantood muslimiin ah, kuwaasoo markaas dhameeyey dhismaha masaajid aad u weyn , waxayna baadigoobayeen wadaad muslim ah oo dadka ugu yeera salaadaha, isla markaana salaadaha jameecooyinka tujiya.

  4. Iran oo maalintii 11-aad internet la’aan ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Maalintii 11-aad ayuu internetka ka maqan yahay dalka Iraan.

    Horey tan ookale ugama dhicin taariikhda dalkaas.

    92 Milyan oo shacab ah ayaa wajahayaa saameynta adeegga internet-ka oo ka go’an, taas oo horseeday in aanay isticmaali Karin talefoonadooda, xittaa farriimaha.

    Dowladda Iiraan ayaa adeegyada jartay 8-dii Bishan, taas oo inta badan uga gol leedahay caburinta dadka mudaaharaadaya iyo in laga hor tago hay’adaha kormeerka sameynaya.

    Dowladda ma sheegin goorta internet-ka dib loo celin doono, balse warar cusub oo la helayo ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ay qorsheynayaan ay si joogto ah u jaraan internet-ka.

    Kormeeryaasha xorriyadda internetka ee FilterWatch, waxay aaminsan yihiin in dawladdu ay si degdeg ah u hirgelinayso nidaamyo iyo xeerar cusub, si ay Iiraan uga gooyso internetka caalamiga ah.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  5. Waddamada Yurub o qaadaya tallaabo ka dhan ah Trump

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Waddamada Yurub ayaa ka wada hadlay tallaabooyin suurtogal ah oo ay kaga aargudan karaan Madaxweyne Trump, khilaafkooda ku saabsan Greenland oo sii kordhay awgeed.

    Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa qaban doona shir degdeg ah Khamiista, si ay uga wada hadlaan soo rogista canshuurahooda, haddii Mr. Trump uu ciqaabo kuwa ka soo horjeeda himiladiisa ah inuu la wareego dhulka Denmark isagoo ku soo rogaya canshuur dheeraad ah.

    Madaxweynaha Golaha Yurub, Antonio Costa, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu iska difaaco nooc kasta oo tallaabo oo qasab ah.

    Wasiirrada ka socda Denmark iyo Greenland ayaa Brussels Isniinta kula kulmi doona madaxa NATO

  6. Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta 19/01/2026