"Geedka aad labaatan jir ku beerato lixdan jirkaaga ayaad harsataa"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laga bilaabo socod degdeg ah oo 15-daqiiqo ah ilaa helidda hurdo joogto ah, sameynta waxyaabahan markaad gaarto da'da 30-meeyada waxa ay kaa caawin kartaa in caafimaadkaadu wanaagsanaado xitaa marka aad gaarto da'ada70-meeyada.
Marka aad gaarto 80 sano noloshaada, waxaa suurta gal ah inaad dareento tabar darro iyo mararka qaar xusuusta oo yaraato marka loo eego dhalinyaranimadaada. Habkaaga huradada ayaa laga yaabaa inuu is beddello, taas oo ka dhigaysa inaad habeenkii aad daal dareento oo aad aroorta horena soo kacdo.
Waxa ugu walaaca badan waa, iyadoo la raacayo celceliska dadka, waxa suurta gal ah inaad la tacaaleyso ugu yaraan hal xaalad caafimaad oo joogto ah.
Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaashu, hadda waxay aaminsan yihiin in tani aysan ahayn mid lama huraan ah. "Marka lagu saleeyo waxa aan hadda ognahay, dad badan waxay filan karaan inay caafimaad wanaagsan ku noolaadaan ilaa 90 ama xitaa 95 sano haddii ay doonayaan in ay hagaajiyaan noloshooda," ayuu yiri Eric Verdin, madaxweynaha iyo madaxa fulinta ee Machadka Cilmi baarista ee Da'ada ee Buck ee California. "Taasi aad bay uga fog tahay halka aan joogno, halkaas oo dad badan ay ku nool yihiin ilaa 65 ama 70 iyagoo caafimaad qaba, ka dibna ay xanuunsadaan oo ay la kulmaan dhammaan xaaladaha da'da weyn."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkasta oo Verdin uu leeyahay taasi ma aha wax aan la sameyn karin si loo hagaajiyo caafimaadkaaga da' kasta iyadoo la samaynayo isbeddelada nolosha ee togan, ha ahaato jimicsi badan, cunto wanaagsan ama yaraynta khamriga, waxa ugu wanaagsanna ay tahay haddii aad u bilowdo sida ugu dhaqsiyaha badan.
Gaar ahaan, cilmi-baarayaashu waxay muujinayaan soddon jirkaaga inuu yahay da'ada muhiimka ah ee nidaamka jirka, ha noqoto murqaha iyo xooggooda, cufnaanta lafaha ama xakameynta dheef-shiid kiimikada, ay bilaabaan inay muujiyaan isbeddelada yar-yar ee la xiriira da'da.
Si loo fahmo waxyaabaha suuragalka ah, cilmi-baarayaashu eedaraasaadka habka gabowga waxay jecel yihiin inay diiradda saaraan kooxo dad ah oo sameeya isbeddellada caadiga ah. Tusaale mid waa ciyaartoyda heerka sare, shaqsiyaadka ka weyn 35 sano oo weli si joogto ah ugu tartama ciyaaraha, ha ahaato orod, baaskiil ama cayaaraha kale, badanaa ilaa da'da 60 iyo wixii ka dambeeya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Paul Morgan, bare sare oo ku takhasusay nafaqada iyo dheef-shiid jaamacadda Manchester Metropolitan, wuxuu xusay in ciyaartoy badan ay muujiyaan qaab gabow oo aad uga duwan kan dadka kale, oo lagu garto koror sare oo ku yimaada shaqada wadnaha iyo xoogga iyo shaqada murqaha, ka dibna hoos u dhaca gabowga. Natiijo ahaan, wuxuu sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay ku guuleystaan inay ka fogaadaan in ay kari waayaan dhaqdhaqaaqa iyo madax-bannaanida muddo dheer ee nolosha dambe. "Waxay leeyihiin kayd dheeri ah oo u shaqeeya sidii xeyndaab difaac inta lagu jiro marxaladaha dhexe ee nolosha," ayuu yiri Morgan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mid ka mid ah khatarta ugu waa weyn qof kasta oo ka weyn 70 sano awood darro ku dhacdo, taas oo la xiriirta inay awoodi waayan firfircoonida iyo hoos u dhaca xaddiga dhaqdhaqaaqa ee kala-goysyada. "Mar walba waxa aan arkaa xubnaha murqaha ee lugaha hoose ee mas'uulka ka ah socodka inay leeyihiin doorka ugu weyn ee ilaalinta madax-bannaanida, iyo, caafimaadka wanaagsan ee nolosha dambe," ayuu yiri Morgan. "Sidaas darteed waa muhiim in si gaar ah diiradda loo saaro."
Ciyaaraha sportiska sida tennis-ka ama badminton-ka ayaa xiriir joogto ah la leh cimri dheerida, halka daraasad Japanese ah oo la sameeyay 2025 ay iftiimisay faa'iidooyinka baaskiil wadista, iyadoo dadka waaweyn ee si joogto ah u wada baaskiilka ay u badan tahay inay yaraato in ay u baahdaan daryeel caafimaad muddada-dheer ama inay u dhintaan si degdeg ah.
Ordka wax ka badan 75 daqiiqo toddobaadkii ayaa sidoo kale la ogaaday inuu hoos u dhigo qaar ka mid ah astaamaha gabowga, laakiin waxaa laga yaabaa inaad dib uga fakarto marka ay timaado orodka maaradoonka.
Cabidda khamriga waxaa lala xiriiriyaa isbeddelada muujinta hidda-sidaha ee jirka kuwaas oo dardargeliya gabowga. Khamrigu sidoo kale waa carqalad weyn oo ku timaadda hurdada, waxaana Verdin uu iftiiminayaa in hab-socodka hurdada oo joogto ah uu muhiim u yahay ka hortagga gabwoga maskaxda iyo yaraynta khatarta xsuusta oo lunta sanadaha soo socda.
Tan waxaa ka mid ah hubinta inaad seexato oo aad kacdo waqti isku mid ah maalin kasta, taas oo loo yaqaan joogtaynta hurdada. Hurdadu ma aha oo kaliya inay jirka u ogolaato inuu diiradda saaro dayactirka unugyada, waxay sidoo kale dadka siisaa tamar iyo dhiirigelin ay ku raacaan qaab nololeed caafimaad qaba.
"Xitaa haddii aad hurdo la'aan tahay hal habeen, dheefshiidkaagu ayaa isbeddelaya, iyo awooddaada maskaxeed iayadoo awoodda aad ku samayn lahayd dhammaan waxyaabaha caafimaad qabkaku siinaya ay tagayaan," ayuu yiri.
Sababta oo ah muhiimadda ay leedahay ilaalinta nidaamka hurdada joogtada ah, Verdin wuxuu sheegay in habeen kasta uu isticmaalo saacad digniin (alarm clock )– ma aha inuu ku kaco, laakiin si uu ugu xasuusto inuu seexdo.
Ugu dambeyntii, da'daada 30 jirka waxaa laga yaabaa inay tahay waqti fiican oo aad si dhab ah uga bilaabi karto arrimaha isku dheeli tirka cuntada. Verdin wuxuu leeyahay mid ka mid ah waxyaabaha ugu fiican ee aan samayn karno waa inaan jirka siino waqti dheeraad ah maalintii marka aynan wax cunin, tusaale ahaan iyadoo la samaynayo soon gaaban oo aan toos ahayn.













