Raac talooyinkan si aad u ilaaliso caafimaadka caloosha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bakteeriyada iyo kuwa kale ee ku nool gudaha xiidmahaaga waxay door ka ciyaaraan dhinacyo badan oo kamid ah caafimaadka qofka.
Bakteeriyada waxtarka leh ee ku nool caloosha ayaa jirkaaga ka caawin kartaa inuu hagaajiyo shaqada difaaca, habaynta nafaqooyinka, heerka cunta cunidda qofka iyo wanaajinta fayoobida maskaxdaada.
Haddaba xoojinta caafimaadka caloosha iyo dheefshiidka waxay ku xiran tahay in qofka uu wax ka baddalo hab nololeedkiisa, waa arrin qofka uu ku dhaqaaqi karo maalin kasta.
Arrimaha deegaanka, sida cuntada, ayaa la ogaaday inay saameyn weyn ku leeyihiin hiddo-sidaha caafimaadka dhaqdhaqaaq jireed oo joogto ah.
Tani waxay ka dhigan tahay in waxa aad cunayso aysan adiga kaliya ah nafaqo kuu aheyn, sidoo kale waxay nafaqo u yihiin oo ku tiirsan balaayiin noolaha Microbes-ka loo yaqaano ee aan isha qaban ee ku nool kuna koraya mindhicirada banii'aadanka.
Waxaa laga yaabaa inaad si dhakhso ah u beddesho bakteeriyada ku jirta mindhicirkaada, xitaa maalmo gudahood, laakiin waxay qaadan kartaa dhawr bilood iyo taageero joogto ah si loo muujiyo isbeddelada muddada dheer iyo faa'iidooyinka, ayuu yiri Dr Patel oo ah dhakhtar ku takhasusay arrimaha caafimaadka.
Haddaba sidee baad u samaynaysaa arrintaas?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cun khudaarta
Cuntooyinka sida khudaarta, miraha, digirta,lawska, iyo miraha oo dhan, waxa ku jira qolof-ta ay microbes-ka jecel yihiin.
"Waxaan ku talinayaa in toddobaad kasta la cuno 30 khudaar ah iyo miraha kala duwan," ayuu yiri Dr. Megan Rossi, oo qaabilsan caafimaadka mindhicirada.
Mindhicirka caafimaadka leh waxaa ku nool microbes kala duwan, mid kastaa wuxuu door bidaa cuntooyin kala duwan, sidaa daraadeed noocyada badan ee aad cunayso, bakteeriyada waxay ku koraan mindhicirkaaga.
Cunista miraha iyo khudaarta ayaa faa'idooyin u leh caafimaadka qofka, waxay qofka siineysaa maadooyinka phytochemicals, kuwaas oo gacan ka geysan kara kordhinta noocyada bakteeriyada ku nool xiidmaha qaarkood.
Noocyada cuntooyinka qolofta leh iyo karbohaydraytyada qaarkood ayaa si gaar ah kor ugu qaada koritaanka bakteeriyada wanaagsan ee mindhicirka. taas oo loo yaqaan cuntooyinka prebiotic. Mooska, basasha, toonta, caleenta, miraha, dhir iyo canabku waa dhammaan cuntooyinka leh prebiotics.
Cuntooyinka khamiirka leh
Cuntooyinkan waxa beddelay nooleyaal yaryar, sida bakteeriyada iyo khamiirka (Yeast), waxay xoojiyaan dhadhanka ama waxay ilaaliyaan tayada cuntada.
Cuntooyin badan oo khamiir leh ayaa nafaqo leh sababtoo ah waxay ka kooban yihiin fiitamiin, macdan, iyo nafaqooyin, sida borotiin, iyo dufan, kuwaas oo lagama maarmaan u ah caafimaadka qofka.
Cuntooyinka khamiirka leh waa raqiis waana sahlan tahay in guriga lagu diyaariyo, cuntooyinka lagu daray khalka ama kuwa laga dilay bakteeriyada , wax faa'ido ah uma lahan noolaha mindhicrada ku nool ee Microbes.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iska yarey cuntooyinka warshadeysan
Professor Tim Spector, oo ka tirsan King's College London, ayaa dadka ku taliyay in la xaddido cuntooyinka sida aad ah loo soo warshadeeyay.
Wuxuu sheegay in cuntooyinka warshadeysan ay hoos u dhigi karaan kala duwaanshaha bakteeriyada mindhicirada.
Cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ayaa sidoo kale lala xiriiriyay dhibaatooyinka lasoo dersa qofka sida shubanka, gaaska, calool xiranka.
Xilli dambe wax ha cunin
In qofka uu muddo 12 saacadood ah u kala dhexeysiiyo cashada iyo quraacda ama soonka joogtada ah waxay tallaabadaas sare u qaadeysaa caafimaadka mindhicirada qofka, waxay caawineysaa dheefshiidka, sida uu sheegay Professor Tim Spector.
Wuxuu yiri, " waxay noqon kartaa in mindhicirka laga yaabo in "u baahan yihay inuu nasto oo uu kasoo kabto qayb ka mid ah wareegga maalinlaha ah, taas oo muhiim u ah caafimaadka mindhicirka,"

Xigashada Sawirka, BBC
Badso jimicsiga
Cuntooyinka isku dheelitiran iyo dhaqdhaqaaq jireed oo joogto ah ayaa waxay qofka ka caawin karaan xoojinta caafimadka caloosha.
Cunto caafimaad leh, oo dheellitiran ayaa kaa caawin karta ka hortagga cudurrada la xiriira cuntada waxayna ku siin kartaa tamarta iyo nafaqooyinka aad u baahan tahay si aad u firfircoonaato oo aad u ilaaliso miisaanka, sida uu qabo xarunta bixiso adeegyada qaranka ee UK, NHS.














