"Cuntada boqorrada": Waa maxay khudaarta Faraaciinta laga soo gaaray ee caanka ka ah Masar?

Xigashada Sawirka, Sarah Freeman
Waxaa loo yaqaan "cuntada boqorrada" Molokhiya oo ah maraq is jiid jiidaya oo midabkiisu cagaar yahay,. Waxaa jirtay xilli laga mamnuucay Masar sababo la xiriira inay kordhiso dareenka bani'aadamka.
"Way fududdahay in la liqo, sidaas darteed hooyooyinka Masar ayaa siiya carruurtooda ka diib marka ay naas-nuujiyaan," sida ay sheegtay Emad Farag, oo ka tirsan xarun lagu magacaabo St. Regis Cairo.
Balse cuntadan ma ahan tan carruurta ee caadiga ah. Waxaa loogu dhawaaqaa "mo-lo-h-i-y-a". Waxay mar ahayd "cuntada boqorrada" sababo la xiriira awooddeeda daaweynta.
Waxay ka timid erayga mulukiya, oo la micno ah "inay leeyihiin boqortooyada", waxaana la sheegay in maraq laga sameeyay geedka molokhia la siiyay hoggaamiye Masar soo maray qarnigii 10-aad uu ku caafimaaday.
"In muddo ahba waxay dadku cunayeen raashiinka gudaha dalkaas ka baxa. Waxa ka baxa hareeraha Nile-na waxaa loo yaqaan molokhiya," ayay tiri Michelle Berriedale-Johnson oo ah taariikhyahannad dhanka cuntada ah.

Xigashada Sawirka, Sarah Freeman
"Waxay xilliyadii Faraaciinta cunayeen fuul (maraq digir laga sameeyay) iyo molokhiya, haddana waxay cunaan fuul iyo molokhiya, sababtoo ah kuwaasi waa dalagga u baxa iyo waxa ku habboon cuntadooda iyo cmiladooda," ayay tiri Berriedale-Johnson.
"Waxaad calleentan ku arkeysaa qaar ka mid ah sawirrada lagu xardhay asnaamta," ayay intaas ku dartay.
Inkastoo ay aad uga baxdo dalkaas, haddana dadka oo dhan ma wada heli karaan molokhiya. Sida la sheegay Boqorkii Qaahira (mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii Masar ee qarnigii 10-aad) ayaa mamnuucay maraqan isagoo sababta ku sheegay inuu kordhiyo dareenka haweenka.

Xigashada Sawirka, Sarah Freeman
Hadda molokhiya si caadi ah ayaa looga helaa guri walba oo Masar ku yaalla. Iyadoo cuntada dhaqanka ee dalkaas ay tahay koshary (bariis khudaar lagu kariyay, digir, makarooni iyo misir), haddana dad badan oo Masar u dhashay ayaa molokhyia ku tilmaama inay tahay cuntada koobaad ee dalkaas.
Maraqan carafta dabiiciga ah leh waxaa la cunaa fiidkii, iyadoo lagu cuno bariis, rooti ama hilib.
Sidoo kale, carrurta iyo dadka waayeelka ah qaarkood ayaa qado ahaan u isticmaala maraqan. Waa cunto ku jirta liiska maqaayadaha masar.
Molokhiya waxaa heli kara taajirka iyo saboolkaba
"Ma ahan khudaar qaali ah," ayay tiri Farag. "Molokhiya waxaa heli kara taajirka iyo faqiirka."

Xigashada Sawirka, Sarah Freeman
Dhaqamada qoysaska iyo dhulka la joogo ayay ku xiran tahay wax lagu cunayo molokhiya. Magaalooyinka xeebaha sida Alexandria, dadka waxay ku cunaan cunto-badeedka. Halka miyiga dalkana, lagu cuno hilibka bakeylaha.
Tarek Helmy oo ku nool Qaahira wuxuu maraqa Molokhiya ku cunaa bariis, sidii uu aabihiis sameyn jirayba.
"Xitaa cunidda molokhiya way ku kala duwan tahay guryaha," ayuu yiri Helmy.

Xigashada Sawirka, Sarah Freeman
Waxaa la sheegay in Molokhiya ay ku jiraan fitimiinno ay ka mid yihiin C, E, potassium, iron iyo fibre.
"Waxaa sidoo kale ku jira maaddooyin sunta jirka ka hortaga taas oo muhiim u ah cuntadaada," ayay tiri Mai Amer oo ku takhasustay cuntada nafaqada leh.













