Carruurta Qasa oo qabow u dhimanaya

Ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah

Tebin toos ah

  1. Naciimo Abwaan Qorane oo lagu xiray Hargeysa

    Naciimo Qorane
    Qoraalka sawirka, Naciimo Qorane

    Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa waxay sheegayaan in Ciidanka Sirdoonka ee Somaliland ay Madaarka Hargeysa ku xidheen Naciima Abwaan Axmed Qorane, xilli ay maanta gelinkii dambe ka degtay halkaasi.

    Ma jiro war ka soo baxay Ciidanka Ammaanka ee Somaliland oo ku saabsan xadhiga Naciima Qorane, hase yeeshee sida BBC-da ay u xaqiiyeen ilo wareedyo kala duwan, Ciidanka Sirdoonka ayaa garoonka diyaaraddaha ee Hargeysa ka kaxaysay xilli ay halkaas ka degtay iyada iyo Hooyadeed oo la sheegay in ay isbitaal dalka dibeddiisa ah ka soo celisay.

    Xukuumadda iyo Ciidanka Ammaanka ayaan weli ka hadal xadhigan Naciima Abwaan Qorane oo ah gabadh gabayda oo caan ka ah baraha bulshada. Naciima waxay ka mid ahayd taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Sannadkii 2018-kii, ayaa sidan oo kale lagu xidhay Hargeysa, iyada oo Maxkamadda Gobolka ee Hargeysa ku xukuntay saddex sano oo xadhig ah, balse markii dambe Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa cafis ku sii daayey.

  2. Nugaal oo qaadday koobka cayaaraha gobollada ee Puntland

    Koobka Kubadda cagta ee gobollada Puntland
    Qoraalka sawirka, Koobka Kubadda cagta ee gobollada Puntland

    Garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garowe ayaa lagu soo gabagabeeyey koobka kubadda cagta ee gobollada Puntland. Cayaartii kama dambaysta ahayd ayaa waxaa isaga hor yimid Nugaal iyo Bari.

    Qaybtii hore waxay ku dhamaatay 2-0 ay Nugaal hogaanka ku haysay, qaybtii labaad markii la isugu soo laabtay ayey Nugaal laba gool oo kale dhalisay.

    Hase yeeshee Bari ayaa 2 gool dhalisay intii lagu jiray wakhtiga dheeraadka ah ee lagu daro cayaarta, waxaana 4-2 ku guulaysatay kooxda gobolka Nugaal oo sidaa ku qaadday koobka cayaaraha gobollada ee Puntland.

  3. Puntland oo sheegtay in ay dishay ajaanib Daacish ka tirsan oo weerar ku soo qaaday saaka

    Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan deegaan lagu magacaabo Dharjaale oo ka tirsan gobolka Bari ay fashiliyeen weerar kooxda Daacish ee deegaannadaasi ku sugan ay ku soo qaadeen saaka.

    War ay soo saareen ciidamadu oo la baahiyay ayaa lagu sheegay in dhamaan xubnihii weerarka soo qaaday la dilay.

    Warka ka soo baxay Puntland ayaa intaasi ku daraya in kooxda weerarka soo qaadday ee la dilay ay ku jiraan xubno ajaanib ah oo sided ka badan.

    Faahfaahin badan lagama hayo weerarka iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay marka laga yimaado warka ka soo baxay ciidamada ammaanka Puntland.

  4. WHO oo sheegtay in isbitaallada Qasa ay noqdeen "goobo dagaal"

    Qasa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, WHO oo sheegtay in isbitaallada Qasa ay noqdeen "goobo dagaal"

    MadaxA Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku baaqay in la joojiyo "weerarada isbitaallada" ee Qasa.

    Mr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in isbitaallada Qasa mar kale ay noqdeen "meelo dagaal," iyo in nidaamka caafimaadka uu ku jiro "khatar weyn."

    Eedeymaha Adhanom ayaa yimid kadib markii ciidanka Israa’iil ay weerareen oo ay ka soo guuriyeen Isbitaalka Kamaal Cadwaan Jimcihii hore, kaas oo ah xarunta caafimaad ee ugu weyn ee ka shaqeynaysa Waqooyiga Qasa, inkasta oo ay weerar ku sameeyeen labada isbitaal oo ku yaal Magaalada Qasa Axaddii.

    Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in labada goobood loo isticmaalo Xamaas sidii "xarumo amni," taasoo uu dhaqan geliyay ururka, isagoo marar badan beeniyay arrintan.

    Ururada xuquuqda aadanaha ay sidoo kale cod dheer ku dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo agaasimaha Isbitaalka Kamaal Cadwaan, Dr. Hossam Abuu Safiya, oo ay ciidanka Israa’iil xireen intii uu socday weerarkii isbitaalka.

  5. Xuutiyiinta Yemen oo gantaal ku riday Israa'iil iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    M ajiro wax khasaare ah oo weerarkan ka dhashay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, M ajiro wax khasaare ah oo weerarkan ka dhashay

    Ciidanka Israa’iil ayaa shaaciyay saaka oo Talaadado ah in ay ku guuleysteen in ay qabtaan gantaal laga soo riday dhanka Yemen ka hor inta uusan gudaha u gelin Israa‘iil, taasoo keentay in la maqlo codadka nidaamyada ka hortaga gantaallada ee Israa’iil.

    Kooxda Xuuti Ansar Allah ee Yemen ayaa sheegatay mas'uuliyadda gantaalkaas loo riday dhanka Israa’iil, iyagoo xaqiijiyay in ay "sii wadayaan ku ganidda gantaallada ee Israa'iil.

    M ajiro wax khasaare ah oo weerarkan ka dhashay. Balse wararka ayaa sheegaya in cabsi badan ay dareemeen dadka Israa’iiliyiinta ah.

  6. Dad murugeysan oo tuban goobtii shilka diyaaradeed uu ka dhacay Axaddii si ay u arkaan meydadka dadkii dhintay

    Garoonka bannaankiisa waxaa tuban qoysas badan.

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Garoonka bannaankiisa waxaa tuban qoysas badan.

    Dad badan oo murugoonaya ayaa ku sugan garoonka caalamiga ah ee Muan, iyagoo ka careysan in aaney weli arkin meydadka kuwii ay jeclaayeen.

    Mas’uuliyiinta garoonka ayaa sheegaya in weli lagu jiro baaritaan si taxaddar leh loogu aqoonsanayo dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee Axaddii dhacay.

    Diyaaradda waxaa ku dhintay 179 qof, waxaana tirada dadka oo badan iyo diyaaradda oo si xun u burburtay ay keeneen in ay adkaato in durba la aqoonsado dadka.

    Garoonka bannaankiisa waxaa tuban qoysas badan oo oo sugaya in ay helaan meydadka eheladoodii shilka ku dhintay.

  7. Carruurta Qasa oo qabow dartii u dhimanaya xilli qoysas badan ay ka barakaceen guryahoodii

    Qasa
    Qoraalka sawirka, Qasa

    Wararka ka imaanaya Qasa ayaa sheegaya in carruurta halkaasi ku nool ay u dhiimanayaan qabow daran oo deegaannadaasi ka dhacaya. Dadka reer Qasa oo u badan dad ka barakacay guryahoodii ama la dumiyay ayaa bannaanada ku wajahaya dhaxan iyo qabow daran taasoo hadda keentay in carruurta yaryar ee qaarkood maalmaha jira ay u geeriyoodaan.

    Qoysas badan ayaa tobanaan jeer ka barakacay deegaannada qaar waxaana arrintaan ay sii murjinaysaa dhibaatooyinka faraha badan ee Falastiiniyiinta Qasa ay la kulmayaan.

    Laba carruur ah ayaa la xaqiijiyay in ay qabowga u dhinteen ilaa iyo hadda halka kuwa kalana looga cabsi qabo in qabowgu uu galaafto.

    Hooyooyinka ayaa iyaguna la ildaran nafaqo darro baahsan oo ka dhalatay xaaladaha xanuunka badan ee isugu jira colaadda, barakaca, cunno yarida iyo hoy la'anata dadkaasi haysata.