"Naafanimadaada wiilkeenna ha u gudbin" Gabadh Soomaali ah oo dhibbane u noqotay tacaddiyada jinsiga

- Author, Fardowsa Osman Hashi
- Role, BBC News
Faadumo, oo magaceeda iyo codkeeda aanu u baddelnay si aanu qarinno aqoonsigeeda, toddoba sano oo keliya ayay jirtay markii cirbad si khaldan loogu duray ay sababtay in qaarka dambe ay naafo ka noqoto. Markaas ayay tiri, waxay calaamad u ahayd billowga nolosha halganka ah.
"Wiil baan jeclaaday, waanu isjeclaannay muddo kadib markii aan go'aansannay in aanu isguursanno, markii uu warkaas la wadaagay qoyskiisa, waxa ay ka codsadeen in uu u keeno gabadha uu guursanayo, markii ay naafonimadayda arkeenna waxa ay noo diideen in aanu guursanno.
"Qoyskiisa ayaa amar ku bixiyay inay raadsadaan gabadh kale oo uu guursado, taasi waxay nagu noqotay caqabad weyn ka dib dadaal badan oo aan si guul leh isu guursannay."
"Kadib markii aan is guursannay, waxaan u soo guurnay guriga qoyska ninkeyga, hooyadiis habeen walba waxay imaan jirtay qolkayaga, waxayna geyn jirtay wiilkeeda qol kale iyadoo leh gabadhan curyaanka ah waxaa laga yaabaa inay kuu soo wareejiso naafada adiga {ninka}, dadku waxay sidoo kale sheegi jireen sababta uu u guursanayo"

"Halgankii ugu weynaa ee aan sameeyay wuxuu ahaa inaan waqti la qaadan karin ninka aan jeclahay, isaguna wuu i jeclaa, laakiin qoyskiisu waxay si joogto ah ii dhibayeen mar aan fursad u helno, aniguna aan uur u qaaday ilmahiisa, qoysku waxay nagu cadaadiyeen inaan kl tagno aniga oo weli uur leh, naafonimada iyo uur-ku-jirka waxay ahayd caqabad aan la filayn."
"Dadaal dheer ka dib waxaan dhalay gabar, waxay {qoyska ninkii hore} u maleeyeen in inantayda ay noqon doonto naafo sidayda oo kale ah, waxay rumaysnaayeen in aad naafo tahay darteed aad dhali doonto ilmo naafo ah." Ayay tiri Faadumo.
Tobankii qof ee qaangaarka ah ee Soomaaliya ku nool in ka badan hal ayaa naafo ah - badankoodna waa haween. Kuwii aan la hadlay waxay ii sheegeen inay dareemayaan 'inaysan ka dhex muuqan bulshada oo aaminsan dhaqan qoto dheer iyo fikrado khaldan oo ka dhigaya inay u nuglaadaan dhaleeceynta, go'doominta, iyo rabshadaha ku saleysan jinsiga.
Tobannaan sano, dadka naafada ah ee Soomaaliya waxay u halgamayeen aqoonsi dhanka sharciga ah. Kuwa safka hore kaga jira [dagaalkan?] waxaa ka mid ah Maxamed Diiriye oo aragga naafo ka ah oo hoggaamiya urur aan faa'iido doon ahayn oo caawiya dadka naafada ah si ay u dhexgalaan bulshada. Waxa uu si hagar la'aan ah ugu ololeeyay Sharciga iIaalinta Naafada Qaranka, kaasoo ugu dambeyntii uu Madaxweyne Xasan Sheekh saxiixay bishii December 2024-kii.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Marka ugu horreyso oo aad guriga ka soo baxdid waxaad arkeysaa in waddooyinkii ay raf yihiin, in waddooyinkii wasakh yihiin oo biyo yaallaan, waxaas ayaa waxey igu noqdaan kuwa dhib ku ah mar walbo dareenkeyga. Aad iyo aad waxaan ugu faraxsanahay muddo dheer ka dib oo toddoba sano ah in Soomaaliya maanta ay leedahay sharciga ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah sharcigaas oo runtii fursad noo siin doono in dadka naafada ah laga hor qaado dhibaatooyinka, in uu ka ilaaliyo haweenka iyo carruurta tacaddiyaadka ku dhaco oo ay la kulmaan inta ay noloshooda wataan.
"Rajada aan ka qabno sharcigaan in dowladda ay dhaqan-galiso runtii aad iyo aad ayey u yar tahay, maaddaama dhaqan ahaan lagu yaqaanno in shuruucda la qoro meel la dhigo laakiin annaga haddii aan nahay hoggaamiyeyaasha dadka naafada ah, waxaan u taagannahay in sharcigeenna uusan noqonin shuruucdaas oo kale, in aan ku riixno dowladda in ay dhaqan-geliso sharciga," ayuu intaa raaciyay.
"Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan sharciga waa qodobka 7*, kaas oo dammaanad qaadaya matalaadda siyaasadeed ee dadka naafada ah. Dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa sidoo kale looga baahan doonaa inay hubiyaan in ugu yaraan 5% shaqaalahooda ay ka kooban yihiin dadka naafada ah.
"Horta xaqiiqda markaan ka hadalno, hay'adda naafada qaranka kaligeed ma hirgelin karto sharcigaan, in sharcigaan la hirgeliyo waa mas'uuliyad aad u weyn waxeyna ku hagaagi kartaa kuna hirgeli kartaa in la iska kaashado dhammaan shacabka Soomaaliyeed, qeybaha bulshada, ururrada bulshada ganacsatada, hay'adaha dowladda, xafiiska madaxweynaha, xafiiska ra'iisulwsaaraha, maamul goboleedyada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed in ay horta kow fahanto oo ay xaqiisato"." Waxaa sidaa yiri Maxamed Cabdul Jaamac, oo ah guddoomiyaha hay'adda naafada qaranka.

Iyadoo dagaalku uu hadda ka soo wareegay aqoonsigii sharciga ahaa una guuray wacyigelin iyo dhaqangelin, bulshaduna ay gacanteeda ku qabsanayso. Waxaa ka mid ah[Hal qof oo isku dayaya inuu isbeddel sameeyo] waa Xafsa, oo ah xiddigad dhanka TikTok ah oo soo koraysa taasoo baraha bulshada u adeegsanaysa si ay kumannaan qof wax u barto oo ay u baddesho fikradahooda.
"Markey arkeen in aan wiljeerka saaranahay, waxey i dhaheen Xafso naafo maad eheyd, Xafso saan maad eheyd yacni su'aalo ayaa iiga yimid, awal aniga waan isqarin jiray ma ohoo oo bulshada caadi ayey ii barteen, laakiin markaan isa soo bandhigay saan maad eheyd, kan maad eheyd, maxaad dareemee, saan ma ku dhalatay iyo su'aalo badanaa kaaga imaanaayo, marka su'aalaha jawaabtoodana waan siin jiray.
"Hadda wey isbadaleen oo maanta oo dhan haddaan ku jiro su'aalo iyo maxaad saan ku noqotay badanaa la ima dhaho.
"TikTok-ga waxaan u joogaa in aan wax ku wacyi-geliyo oo dadka waxaa jirto bulsho wali guryaha joogo wax baranin kana niyad jabsan oo aaminsan in aysan waxbaran karin, dadkaas waan ku wacyi geliyaa anoo xataa iskuulka isku diyaarinaua ayaan soo dhigaa."
Xafsa iyo Maxamed waxay ogyihiin in uusan fududeyn safarka ah in sharciga si buuxda loo maareeyo iyo ciribtirka dhibaatada dhaqanka qotoda dheer aysan fududeyn. Laakiin sharciga hadda la meel mariyay, waxay aaminsan yihiin inay haystaan fursad ay ku dagaallami karaan.













