Shalmiin Cali: Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee qaxootiga ahayd ee jilaaga u xuubsiibatay?

Shalmin

Xigashada Sawirka, Shalmin

    • Author, Liibaan Cabdi Warsame
    • Role, Wariye BBC Somali

Shalmiin Cali waa gabar Soomaaliyeed oo jilaa ah, islamarkaana wax xayeysiisa oo ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shalmiin waxay wax ka jishay filimo badan oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi, kuwaas oo u soo jiidey magac iyo mucaaradad labadaba.

Shaalmiin oo qoyskeedu ay ka soo qaxeen Soomaaliya iyadoo dhowr bilood jirta, waxay nolosheeda inteeda badan ku soo qaadatay dalka Kenya oo ay kala kulantay daruufo nololeed oo adag, kuwaas oo ku qasbay in ay iyadoo yar dhexda u xirato sidii ay meel isaga soo saari lahayd.

Haddaba Shaalmiin ayaa BBC uga warrantay waayaheedii Kenya ku soo maray iyo sidii ay ugu dambeyntii u mnaareysay.

Noloshii qaxootinnimada

"Anigu waxaa ku dhashay magaalada Muqdisho 1999. Waxaan Soomaaliya ka soo qaxnay anigoo lix bilood jira. Ka dibna waxaan soo galnay Kenya, halkaas oo aan kula soo koray hooyadey iyo labo hablood oo aan walaalo nahay.

Muddo yar ka dib oo ku beegneyd 2004, waxaan furdsad dib-u-dejin ka helnay dalka Australia oo markaas qaxooti qaadanayey. Aad ayaan ugu furaxsaneyn in aan dibedda u dhoofno. Laakiin nasiib darro ayaa nagu dhacday.

Markii la gaarey maalintii aan bixi lahayn ayaa waxaa hooya kallumay qaar ka mid ah waraaqihii aqoonsiga ee aan ku soconney. Ka dibna waxaa nalaga soo qabtay diyaaradda albaabkeeda. Waxaana qoyskeenni oo dhan lagu guray xabsi.

Markii aan 3 casho xirneyn ayaa inteennii carruurta ahayd la soo daayey, halka hooyo lala haray, waxayna sii xirnayd 21 cisho oo kale. Muddo ka dib ayaa waxaa gurigii aan joogney noogu yimid askar hooyo wadda, ka dibna gaari ayey nagu gureen. Waxayna naga tuureen xaduudda Dhoobley.

Sidaasna waxaa ku burburay hammigii aan nolosha ka lahayn. Waayo waxaa dib na loogu celliuyey meel aanan cid ka aqoon oo geeri go’na ah.

Muddo saddex bilood ah markii aan Dhoobley ku rafaadsaneyn ayaan dib Kenya ugu soo qaxnay. Waxayna noqotay in aan nolosha sagxadda ka soo billowno. Annagu carruur ayaan ahayn oo wax ma kala fahmi karin. Laakiin culeyska oo dhan wuxuu ku dhacayey hooyo oo keli ku hayd samataabixinta qoyska, taasina waxay ku keentay dhaawac dhan ka maskaxda ah oo aysan ka soo kaban.

Qalanjo

Xigashada Sawirka, Shalmin/Handout

Soo ifbaxii hibada jilaanimo

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sannadkii 2011 waxaan helay fursad muhiim ah oo aan is lahaa waxaad ku rumeysey mid ka mid ah riyooyinkeygi carruurnimo, ka dib markii aan wax ka jilay filim ama riwaayad la oran jirey Nasiib oo aan la dhigay koox ka dhisneyd xaafadda Islii oo la yiraahdo Eastleighwood.

Laakiin nasiibdarro waxaa toosh igu shiday qaar ka mid ah qaraabada oo hooyo igu diray. Ka dibna hooyadey ayaa igu tiri iska dhaaf filimada kuuma fiicnee. Aniguna hooyadey taladeeda ayaan qaatay waana isaga haray.

Anigoo muddo sannad ah kas ii maqan kooxdii aflaanta ayaa 2012 geeriyootey hooyadey, taas oo iiga dhigneyd in uu igu soo dumay darbi culus. Waayo anigoo markii horeba aan aabbe meel ku sheegin in haddana booskii hooyo igu bannaanaado waxay ahayd culeys aanan xamili karin.

Markii hooyo meesha ka baxday qoyskeenni wuu burburay, anigana waxaa la igu xawiley cid aan qaraabo nahay. Laakiin kama helin garabkii aan u baahnaa, taasna waxay igu kalliftay in aan go’aan qaato oo aan isku tashado. Marka si aan nolosheyda u dabbaro waxaan billabay in aan shaqo raadsado, waxaana ka billaabay wixii aan aqaannay oo ah jilitaanka. Markiiba ewaxaan nku laabtay shirkaddii Eastleighwood ee aan horay filimka ula dhigay.

Eastleighwood waxay ii noqotay kaabad aan ku dad bartay, islamarkaana aan ku bartay Kenyan badan oo iyaguna i sii baray telefishinnada Kenya oo aan durba la shaqo billaabay. Waxaan ku billaabay in aan u duubo codod la dul saaro sheekooyinka, ka dibna waxaan helay fursado aan uga qaybgalo filimo ku baxa afafka qalaad, sidoo kale kaalimo iyo xayeysiis.

Waxaa xusid in mudan filimkii aan ku soo shaacbaxay wuxuu ahaa Buufis oo ku saabsanaa xeeladaha dadka muqallisiinta ah ay ku harowsadaan dadka buufiska dhoofka qaba. Filimkaan waxaa taabbageliyey Ururka Filimada Adduunka oo aan 2018 u gudbiney fikraddiisa, ka dibna waa na laga ogolaaday waxaana dhignay 2021.

Jilaa

Xigashada Sawirka, Shalmin/Handout

Falcelinta bulshada

Filimka Buufis oo saameyn ballaaran yeeshay waxaa ka dhashay falcelin togan iyo mid taban. Tusaale ahaan dadka soo dhaweeyey waxay nagu bogaadiyeen in aan sameynay sheeko Soomaaliyeed oo Soomaali jileyso. Waayo inta badan annagu sheekooyinkeennba ma sheegno. Taasina waxay keentaa in na laga sheekeeyo, weliba qaldan. Marka waxaa la dareemay in hal-abuurka filkimada Soomaaolidu uu qaangaarayo.

Laakiin dhanka kale waxaa filimka dhaleceeyey qayb ka kale oo nagu eedeeyey in aan si xun uga turjumeyno dhaqanka dadka Soomaaliyeed oo aan sumcad xumo u soo jiideyno dadkeenna. Balse waxaan shaki ku jirin in aan ka hadalnay dhibaatooyin bulshadeenna haysta oo u baahan in algu baraarugo.

Nolosha jilaanimada

Soomaalida intooda badan khalad ayey ka fahamsan yihiin aflaanta, sababtoo ah waa bulsho xirxiran oo si laab-la-kac ah u naqdiya wixii ku cusub. Taasina waxay dabraysaa dadaalka dhallinta daneynaya in ay si laabxaaran u soo bandhigaan fikirkooda, si wacyigi bulshada loo kobciyo. Dhanka kale jilitaanku naniga waa ii xirfad aan nolosheyda ku maareeyo, waana ku qanacsanahay shaqada aan qabto.

Sidoo kale waxaan ku guubaabin lahaa dhallinyarada hibada leh in ay naftooda ku kalsoonaadaan, islamarkaana wixii maskaxdooda ka dhex guuxaya ay bannaanka keenaan."