Rawda: Gabadha Soomaaliyeed ee hab labbiskeeda adduunka laga hadal hayo

Rawdo

Xigashada Sawirka, Rawdis/ Getty Images

Dadka caanka ah, fannaaniinta, iyo dadka dharka xayaysiiya dhammaantood ayaa si isku mid ah sanadkaan uga soo qayb galay munaasabadda Faransiiska ee bandhigga filimaanta ee lagu magacaabo Cannes.

Dadkan ayaa roogga cas ku soo bandhigay muuqaallo iyo hab labbis kala duwan oo warbaahinta caalamka ku baahay.

Dharka iyo muuqaalka dadkaasi xidhnaayeen ayaa dirayey farriimo iyo hab dhaqannnada kala duwan ee ay leeyihiin dadka caalamku.

Waxaana dadkaas ka mid ah gabadha Soomaali-Noorwiijiyaanka ah ee lagu magaaco Rowda Maxamed.

Rawda ayaa hab lebbiskeeda aad loogu falanqeeyey baraha bulshada iyada oo laga warrameyey “quruxda iyo gaarnimada’ dharkii ay xidhnayd ee ku xaadirtay madashaas.

Rawdo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mid ka mid ah dadka isticmaala barta lagu magacaabo X ayaa ku tilmaantay in uu ka turjumayo “xarrago iyo asturnaan”

“Muuqaalka cajiibka ah ee Rawdah Mohamed ee Bandhigga Cannes ayaa tusaale fiican u ah sida labiska asturean uu u ahaan karo xarrago iyo qurux, keliya waxa ay ku xidhan hal-abuurka qofka. Rawda Waxay si qurux badan u muujineysaa in hab labbisku yahay doorasho shakhsi ahaaneed oo la xidhiidha farxad iyo hadba waxa markaa socda” ayaa ay sheegtay gabadh lagau magacaabo Chaya Bowning.

Gabadh kale oo Soomaaliyeed oo iyana barta X isticmaasha ayaa ku bogaadisay qaab labbiskeeda sida oo kalena sii raacisay in arrintani ay Sharaf u tahay Soomaalida.

“Xusuusnow markii gabadha moodeelka ah ee Soomaaliga ah ay toddobaaadkan lahayd mid ka mid ah xilliyada moodada ugu wanaagsan bandhigga Cannes” ayaa ay tidhi Ayaan Cartan.

Halka nin kale uu ku qeexay in Afrika oo dhan ay metesho.

“Rawda waxa ay soo bandhigaa waxa Afrikaan kastaa dareemayo” ayuu yidhi Maxamed Cabdillahi.

Rawdo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waa tuma Rawda Maxamed?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Rawdah Maxamed waxay ku dhalatay Soomaaliya, waxaana lagu qasbay inay ka cararto dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, iyadoo sannado ka mid ah carruurnimadeedii ah ku qaadatay xero qaxooti oo ku taal Kenya, halkaas oo iyada iyo 11 walaalaheed ah ay ku noolaayeen teendho hal qol ka kooban ka hor inta aysan u guurin Norway iyada iyo qoyskeeda oo da' ah, xilligaas oo ay jirtay sagaal sano.

Waxay sheegtay in nacayb badan ay kala kulantay Norway sabab la xidhiidha xijaabkeeda darted.

2016-kii ayay bilawday in ay barta bulsheed ee lagu magacaabo Instagram in ay ku baahiso sawirredeeda, xilligaas oo ah wakhtigii uu ku dhashay in ay ku biirto fanka dhar xayaysiinta.

2019-kiina waxa ay heshiis la gashay mid ka mid shirkadaha dharka oo lagu magacaabo Maxmara iyo Cartiera.

Muddo ka bacdina sannadkii 2020 kii dhammaadkiisii waxa ay noqotay wargeyska faashiyoonka caanka ee lagu magacaabo Vogue tifaftiraha u qaabbilsan waddamada Scandinavian-ka ah.

Rawda ayaa dhanka kalena ku shaqayn jirtey waayihii hore caafimaadka gaar ahaan, waaxaha dersidda dabeecadaha iyo xanuunnada maanka la xidhiidha.

Bandhigyo caalmi ah oo waaweyn ayayna ka qayb gashay tan intii ay ku jirtay dhar xayaysiinta, iyada oo ka mid ah dadka heeerka sare ka gaadhay.

Rawda ayaa sida oo kale lagu xasuustaa ololihii dhanka internetka ee la odhan jiray “xijaabkayga faraha ka qaad” ama #HandsOffMyHijab ee caan baxay sannadkii 2021kii, wagaas oo adduunka, si gaar ah Yurub ay kuu baahaysay siyaasaddii faransiiska ee lagaga soo horjeeday Xijaabka.