Cumradii khiyaanada laysaga bixiyey iyo falkii argagaxa lahaa ee ka dhashay

Cumarada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maalintaas Booqashada Biibi iyo Anwar Biibi waxay ahayd mid farxadeed. Waxay ahayd Sebtember 30, 2024, waxayna labadan haween ee da'da ah doonayeen inay baxaan si ay u soo gutaan Cumrada.

Haweenkan oo ka yimaadeen tuulo ku taalla deegaanka Jaranwala ee degmada Faisalabad ee Punjab, ayaa waxaa la socday qaraabadooda waxay ka soo kicitimeen Niyar Cabbaas iyaga oo ku wajahnaa tuulo kale oo u dhow, halkaas oo imaamka masaajidka, Muxammad Riaz, uu ku wehelin lahaa safarka isaga iyo xaaskiisa.

Waxa la sheegay in qabanqaabada Cumrada ee shantan qof uu lahaa mulkiilaha deegaanka, Saddaam Xuseen, kaas oo aanu bixin kharashkii Cumrada oo keliya, balse uu shanta qofba u diray gegida Diyaaradaha ee Islamabad oo uu isagu jeebkiisa ka bixiyey.

Balse todobaad uun ka dib markii ay ka tageen Pakistan, qoysaska shanta qof ayaa aad uga naxay markii ay ogaadeen in lagu xiray Sacuudiga. Cabsidooda ayaa sii xoogeysatay markii, ku dhawaad shan bilood ka dib, Febraayo 17, 2025, maxkamad ku taalla Sacuudiga ay ku xukuntay 25 sano oo xarig ah shanta nin oo ay ku jiraan saddexda dumar ah ee lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada.

Arrintani maxay tahay? Wiilka Ziarat Bibi ee la yiraahdo Abrar Hussain ayaa arrintan kala hadlay BBC-ga, sidoo kale faahfaahin ayaa laga helay hay'adaha ammaanka ee ku saabsan kiiskan. Faahfaahintaas waxay muujinayaan sida dad aan waxba ka ogeyn loogu khiyaaneeyay inay Cumro gutaan, isla markaana wax yar ka hor bixitaankooda laga qabsaday boorsooyinkoodii si khasab ah, kuwaas oo lagu qariyey daroogo.

Laakiin sidee ayay tani u dhacday ka hor inta aysan tegin Sacuudi Carabiya? Halkee ayay hadda ku sugan yihiin shanta qof, oo ay ku jiraan Ziarat Bibi iyo Anwar Bibi? Si aan u helno jawaabaha su'aalahan, waa inaan dib ugu laabannaa Jaranwala taariikhdu markay ahayd 30-kii Sebtembar 2024, xilligaas oo Abrar Hussain uu muujiyay rabitaankiisa ah inuu hooyadii geeyo garoonka diyaaradaha ee Islamabad, balse waxaa joojiyay Saddam Hussein, oo lagu eedeeyay inuu ahaa qofkii diyaariyay safarka.

"Adeegyo" iyo "hadiyado" loogu talagalay dadka u socda Cumrada

Cumaradii laysku khiyaamay

Abrar Hussain, oo ah wiilka Ziarat Bibi—haweeney tabar daran oo lagu xukumay 25 sano oo xabsi ah—ayaa doonayay inuu aado garoonka diyaaradaha ee Islamabad si uu hooyadii sagootiyo, balse wuxuu sheegay in Saddam Hussein uu ku yiri: "Maxaad adinku ugu baahantihiin inaad iska bixisaan kharashaadka safarka ee Islamabad?"

Sida laga soo xigtay isaga, Saddam Hussein wuxuu u sheegay: "Haddii aan u dirno inay soo gutaan cumrada annagoo ku tala jirna inay ajar ka helaan, ka yeeli mayno in lagu dhibaateeyo Islamabad."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida uu sheegay Abrar Hussain, maqalka erayadan qalbi-dejinta ah ayaa ka saaray welwelkii hayay. Saddam Hussain Shah wuxuu ahaa nin dhul ballaaran leh oo tuulada deggenaa, sida ay dadka deegaanka sheegeenna, sanad walba wuxuu u diri jiray afar ilaa shan qof Cumro, isagoo ugu yeeri jiray "abaalmarin."

Abrar, waxaa uu sheegay in wax yar kaddib markii loo qalbi-dejiyay, nin lagu magacaabo Israrullah uu shanta qof ku kaxeeyay gaari ayna u ambabaxeen Islamabad, halkaas oo la dejiyay hoteel.

Markii dambe, shanta qof ayaa taleefoon kula xiriiray guryahoodii, waxayna u sheegeen inay si nabad ah ku gaareen Islamabad, isla markaana ay maalinta xigta u ambabixi doonaan Jeddah.

Sida laga soo xigtay sarkaal baarayay kiiska iyo Abrar, subaxdii xigtay waxaa la kulmay nin lagu magacaabo Gul Khan, kaas oo loo sheegay inuu ka mid yahay saaxiibada Saddam Hussein.

Abrar waxa uu sheegay in Hooyadii ay maalintaas u sheegtay in Gul Khan uu sheegay in uu ilmo dhalay 20 sano ka dib, taasina ay tahay sababta uu u doonayay in uu u adeego, waxa uuna u dhiibay kabo cusub, dhar iyo hadiyado.

Sida uu sheegay Abrar, hooyadii waxay sheegtay in Gul Khan uu u sheegay dadka cumrada soo gudanaya: "Kabaha iyo dharka adinka ayaa iska leh, mid ka mid ah saaxiibadayna waxa ay ka heli doonaa diyadda garoonka Jeddah."

Abrar wuxuu sheegay in shanta qofba markii hore ay diideeninay alaabta qaaadaan, laakin Gul Khan uu ku qanciyay in ay telefoon kula hadlaan Saddam Hussein,kaas oo ku yiri "waxbadan ayaan kuu qabanaynaa, wax badan uma qaban kartid saaxiibkay". Sida ay sheegay Abrar, hooyadood ayaa u sheegtay in la gaaray wakhtigii ay bixi lahaayeen oo aanay jirin wakhti ay ku murmaan.

Subaxdii xigtay, shantan qof waxay u ambabaxeen Jeddah 6:10 subaxnimo iyagoo raacaya diyaaradda Sial Airlines PF 718.

Waxaan ku jiraa xabsiga

Abrar hooyadii

Xigashada Sawirka, Abrar Hussain

Sida uu sheegay Abrar, ka dib markii ay u gudbeen Jeddah, hooyadii markii hore lama soo xiriirin, arrintaas oo wax yar welwel galisay.

Qiyaastii toddobaad ka dib, subaxnimadii Oktoobar 6, teleefankii Abrar Hussain ayaa soo dhacay. Waxay ahayd hooyadii, Ziarat Bibi, dhanka kale. Abrar waxaa uu sheegay in hooyadii ay u sheegtay, "wiilkaygiiyow, waxaan kaala hadlayaa xabsiga, sanduuqyada hadyada ee aanu wadnay waxa ku jiray daroogo waxaana na looga dhigay kabo hadiyad ahaana basle waxaa ku jiray daroogooyin.

Abrar waxa uu sheegay in markii uu hadalkaas maqlay uu aad u murugooday oo dhulkiiba ula muuqday inuu hoostiisa isugu soo ururay.

Sida laga soo xigtay isaga, hooyadiis, Ziyarat Bibi, ayaa u sheegtay, iyada oo ooynaysa, in markii ay yimaadeen garoonka diyaaradaha ee Jeddah, la baaray boorsooyinkooda, iyadooo laga helay 5.5 kiiloogaraam oo methamphetamine alaabtii shanta qof. Kadib waxaa lagu xiray isla garoonka diyaaradaha.

Ziarat Bibiw maxay sidoo kale ku wargelisay wiilkeeda in maamulka xabsiga Sacuudiga ay la soo xiriireen si ay u ogeysiiyaan.

Abrar Hussain ayaa u sheegay BBC Urdu: "Telefoonkaas wuxuu igu ahaa sidii bam, shan daqiiqo ka dib, ma garanayo waxaan sameeyo, inaan ooyo iyo in kale, waxaan u malaynaynay in hooyadayo ay ku tukanayso masaajidka oo ay booqan doonto xaramka Nabiga, laakiin waxay ku jirtay xabsiga."

Su'aalo weydiinta hay'adaha sirdoonka iyo hay'adaha shirqoolka

cumaradii Khiyaada ahayd

Xigashada Sawirka, Getty Images

Abrar ayaa yiri, "Biyo ayaan cabay, miyirkiina waa ii soo noqday, wax yar ka dib, waxaan bilaabay inaan si waali ah u waco qoyskayga iyo qaraabada kale."

"Qof walba wuxuu ku soo ururay gurigayaga, markaa waxaan go'aansannay inaan si degdeg ah u tagno guriga Saddam Hussein oo aan su'aalo waydiino."

"Markii aan nimid xerada Saddam Hussein Shaah, si cad ayuu u xanaaqay ka dib markii uu maqlay tafaasiishan, wuxuuna yiri, 'Sidee ku dhici kartaa tani, waa inaad qalad samaysay."

Sida uu sheegay Abrar, Saddam Hussein wuu u qalbi qaboojiyey, isagoo leh, "ha werwerin, waxaan qabanqaabin doonaa dhammaan shantaba in la sii daayo.

Laakin Abrar ayaa sheegay in markii uu baxay uu Saddam Xuseen isna laga waayay xerada oo uu qoyskiisa geeyay meel aan la garanayn.

Waxa uu yiri, "Maalmo yar uun baa ka soo wareegtay markii ay tuulada imanayeen saraakiil ka tirsan hay'adda nabad-sugidda, way na waydiiyeen oo xataa waxay aadeen saldhigga booliska, wayna hubiyeen xogtayada.

Maxkamad ku taal Sacuudiga ayaa 25-sano oo xarig ah ku xukuntay shanta qof ee lagu xiray Sacuudiga 1-dii October, 2024-kii, iyagoo lagu eedeeyay tahriibin daroogo.

Sidoo kale, laba xubnood oo kooxdan ka tirsan oo la rabay in ay qaataan maandooriyahan oo ah baakado hadyad ah, ayey xabsiga u taxaabeen ciidamada ammaanka Sucuudiga.

Dhanka kale, Hay'adda Dembi-baadhista Federalka Pakistan (FIA) ayaa bilawday baaritaan rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan November 6, 2024.

Kooxda baarista ayaa ku taliyey in tallaabo sharci ah laga qaado saddex qof oo ku jira warbixinta baarta, ka dibna, kiis ayaa laga diiwaan galiyay Saddam Hussain Shah, Israrullah, iyo Gul Nawaz Khan ee Saldhigga Booliska ee FIA's Faisalabad January 20, 2025

Maxay dowladdu tiri?

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Talal Chaudhry ayaa BBC Urdu u sheegay in dowladda Pakistan ay ku dadaaleyso sidii loo sii deyn lahaa shanta qof ee u dhashay Faisalabad.

Haddii la qabto dambiilayaasha dhabta ah, waa in la sii daayaa kuwa aan waxba galabsan.

Talal Chaudhry ayaa sheegay in dowladda Pakistan ay diiwaannada khuseeya u dirtay iyada oo loo marayo safaaradda Sacuudiga, isla markaana ay sheegtay in eedeysayaasha kooxda daroogada la xiray gudaha Pakistan, si dadka aan waxba galabsan ee xabsiga ku jira Sacuudiga loogu sii daayo sababo bini'aadantinimo awgood.

Waxa uu sheegay in uu sidoo kale codsiyo u diray Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, isaga oo ka codsanaya "naxariis iyadoo la tixgelinayo bini'aadantinimo."