Waa maxay awoodaha cusub ee la siiyay Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir?

Field Marshal Munir, oo ahaa Taliyaha Ciidanka Ilaa Noofambar 2022, ayaa hadda sidoo kale kormeeri doona Ciidanka Badda iyo Cirka.

Xigashada Sawirka, EPA

Wax ka bedelka cusub ee qodobka 27-aad ee dastuurka Pakistan wuxuu siiyay taliyaha ciidamada awoodo badan. Baarlamaanka Pakistan ayaa awoodahaan siiyay taliyaha ciidamada dalkaasi Field Marshal Asim Munir.

Xeerkan cusub wuxuu sidoo kale siinayaan xasaanad ka hor-istaageysa in la xiro ama la maxkamadeeyo inta ay nool yihiin. Go'aankan ayaa lagu dhaliilay in uu yahay mid horseedi kara kalitalisnimo.

Isbadalkan lagu sameeyay dastuurka Pakistan gaar ahaan qodobka 27-aad ee Dastuurka ee dhawaan la ansixiyay ayaa sidoo kale wax badan ka bedeli doona shaqada Maxkamadaha Sare ee dalka. Isbeddelladan ayaa la horgeeyay Baarlamaanka Khamiistii (13-kii November).

Taageerayaasha isbedellada ayaa sheegaya in ay keeni doonto hufnaan iyo hab-raac nidaamka ciidamada, sidoo kale waxa ay gacan ka geysan doontaa dhimista dib u dhaca dacwadaha ka jira maxkamadaha.

Milatarigu waxa uu sanado badan door weyn ku lahaa siyaasada dalka Pakistan oo ah dal ku hubaysan hubka Nukliyeerka, mararka qaar waxa ay si toos ah xukunka ula wareegeen dowladda, marna waxa ay saameyn ku yeelan jireen go'aano ka soo baxa xukuumadda.

Taariikhda Pakistan, mararka qaarkood dawladaha rayidka ah ayaa la siin jiray fursad weyn, halka mararka qaarkood ay si toos ah xukunka ula wareegaan taliyayaasha militariga sida General Pervez Musharaf iyo General Zia-ul-Haq.

Khubaradu waxay isku dhafkan awoodda rayidka iyo militariga ugu yeeraan 'maamul isku-dhafan'. Dadka qaar ayaa sheegaya in isbedelku uu astaan ​​u yahay in awooddu ay mar kale u janjeerto dhanka ciidamada.

"Aniga ahaan, wax ka beddelkaani waa mid kale oo laga yaabo inay tahay tilmaanta ugu cad ee in Pakistan ay hadda la kulmeyso 'isku-dhafka nidaam 'isku-dhafan'," ayuu yiri Michael Kugelman, maamulaha Machadka Koonfurta Aasiya ee Xarunta Wilson ee Washington.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxaan si dhab ah u eegaynaa xaalad oo hadda aad u ballaartay taasi oo ah farqiga u dhexeeya awoodda rayidka iyo militariga." ayuu intaa ku daray.

'Calaamadaha ku saabsan ku wareejinta awoodda militariga'

Isbeddelkan cusub, Munir, oo ahaa taliyaha ciidanka ilaa November 2022, ayaa hadda sidoo kale kormeeri doona Ciidanka Badda iyo Ciidanka Cirka ee Pakistan.

Darajada 'Field Marshal' iyo labiskiisa ayuu sii haysan doona inta noolashiisa ka hartay. Xitaa marka uu shaqada ka fadhiisto, waxaa la siin doonaa xilal gaar ah oo ay u dhiibi doonaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

Sidaa darteed, waxaa la filayaa inay door muhiim ah ka ciyaari doonaan noloshooda oo dhan.

Taageerayaasha hindise sharciyeedkan ayaa sheegaya in uu kala cadeyn doono qaab dhismeedka taliska ciidamada Pakistan.

Wakaaladda wararka ee Pakistan ee AP ayaa ka soo xigatay Ra'iisul Wasaare Shahbaz Sharif in is bedeladani ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo dib u habeyn ah oo ka dhigi doona nidaamka difaaca Pakistan mid ku filan oo dabooli kara baahida dagaalada casriga ah.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay dad badan qabaan, go'aankani wuxuu la mid yahay in awoodda loo gacan geliyo ciidamada.

"Ma jiro wax isku dheeli tiran oo u dhexeeya ciidamada iyo shacabka," ayay tiri Munijae Jahangir, oo ah wariye islamarkana ka tirsan guddiga xuquuqul insaanka Pakistan.

"Waxay ku soo celiyeen awooda militariga, waxaa loo baahday in lagu maareeyo militariga isla markaasna ay siiyeen awood dheeraad ah," ayay intaa ku dartay.

' Looma ogola in uu si madaxbanaan u shaqeeyo

Militariga Pakistan waxay door wayn ku leeyihiin talada dalkaasi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qaybta labaad ee is-beddelka ee muranka ka taagan yahay waa maxkamadaha iyo garsoorka.

Wax ka beddelkaani wuxuu abuuri doonaa Maxkamad Dastuuri ah oo cusub oo Federaal ah, taasoo go'aamin doonta arrimaha dastuurka. Madaxweynaha ayaa magacaabi doona Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo garsoorayaasha ka shaqeyn doona.

"Tani waxay gabi ahaanba bedeshay qaabka iyo waaxda caddaaladda," Munijae Jahangir ayay tiri.

"Dowladda hadda waxaygo'aan ka gaaraysaa sidii loo samayn lahaa garsoorayaal iyo kuraas, xaaladdan oo kale, maxay tahay rajada aan ka qabo inaan helo caddaalad marka aan la dagaallamayo kiisaska?"

Suxufiyad Arifa Nuur waxay leedahay, "Garsoorku hadda wuxuu noqday mid hoos yimaada waaxda fulinta."

"Waxa la isku raacsan yahay waa in aan la ogolaan doonin in garsoorku uu si madax-bannaan u shaqeeyo xilligan."

Kahor wax-ka-beddelkan, Maxkamadda Sare waxay dhagaysanaysay kiisas dastuuri ah. Qaar ayaa sheegay in taasi ay keentay in dib loo dhigo dacwadaha dambiyada iyo madaniga ah, maadaama garsoorayaasha ay sidoo kale dhageystaan ​​arrimaha dastuurka.

Waxaa la sheegay in kala saarista labadan ay gacan ka geysan doonto hagaajinta hannaanka maxkamadda.

Qareenada qaar ayaa ku raacsan arrintan. Si kastaba ha ahaatee, Salahuddin Ahmed, oo ah qareen ka tirsan maxkamadda sare ee Karachi, uma arko doodda mid lagu qanci karo. Waxa uu tilmaamay in inta badan kiisaska la sugayo ee Pakistan aysan ku jirin maxkamadda sare.

"Tirakoob ahaan, haddii aad runtii danayso inaad kiisaska si dhakhso ah loo dhameeyo, waxaad diiradda saari kartaa inaad horumariso kiisaskaas."

Laba garsoore oo ka tirsan maxkamadda sare ayaa shaqada ka tagay saacado gudahood markii la saxiixay sharcigan wax looga badalay dastuurka.

Garsoore Athar Minallah ayaa warqadiisa iscasilaada ku qoray, "Dastuurkii aan ku dhaartay in aan ilaalinayo ma jiro hadda".

Garsoore Mansoor Ali Shah ayaa sheegay in garsoorku uu hadda gacanta dowladda soo galay, isla markaana wax ka beddelka qodobka 27-aad uu yahay mid 'lagu kala diray maxkamadda sare'.

Gaashaanle Sare Syed Asim Muniir

Xigashada Sawirka, Reuters

Wasiirka difaaca Khawaja Asif ayaa ka hadlay iscasilaada garsoorayaasha. Wuxuu yiri "Damiirkoodu wuu baraarugay, sababtoo ah awooddoodii Maxkamadda Sare waa la dhimay, Baarlamaanku wuxuu isku dayay inuu caddeeyo sareynta Dastuurka.

Garsoorayaasha hadda waxaa loo wareejin karaa maxkamado kala duwan ogolaansho la'aan. Haddii ay diidaan ama khilaafaan, garsoorayaashaas waxay racfaan u qaadan karaan Guddiga Garsoorka. Laakiin haddii aan la aqbalin sababahooda diidmada, waxay noqon doonaan inay hawlgab noqdaan.

Taageerayaasha ayaa sheegaya in ay ogolaan doonto in garsoorayaal loo magacaabo maxkamadaha dalka, balse dadka qaar ayaa ka cabsi qaba in loo adeegsado cabsi gelinta.