Wax ka ogow sababta uu shaqada ugu tagay madaxii DP World ee Imaaraadka xilli cadaadis xooggan ay shirkadu wajahayso

Sultan

Xigashada Sawirka, Reuters

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Madaxa shirkadda maamusha dekedaha caalamiga ah ee DP World ayaa ka tegay shirkadda kaddib cadaadis isa soo tarayay oo la xiriiray xiriirkiisa dembiilaha galmada lagu helay, Jeffrey Epstein.

Ka tagitaanka Sultan Ahmed bin Sulayem ee jagada guddoomiyaha iyo madaxa fulinta waxa uu yimid kaddib markii faylal dhawaan la sii daayay ay muujiyeen in ganacsadaha Imaaraadka uu u muuqdo inuu boqolaal iimayl is dhaafsadeen Epstein muddo toban sano ah.

In magaciisa lagu xuso faylalkaasi ma aha caddeyn muujinaysa wax khalad ah, waxaana BBC-du la xiriirtay Sulayem si ay uga hesho faallo.

DP World ayaa Jimcihii ku dhawaaqday iscasilaaddiisa, taas oo "si degdeg ah u dhaqan gashay", waxayna booska uu baneeyey ee gudoomiye loo magacaabay Essa Kazim, halka Yuvraj Narayan loo magacaabay madaxa fulinta. Sawirkii Sulayem ayaa u muuqday in laga saaray bogga internetka ee shirkadda.

DP World, oo ah shirkad weyn oo saadka ah oo ay leedahay Dubai, isla markaana maamusha terminaallada dekedaha ku yaalla lix qaaradood kana ciyaarta door muhiim ah kaabayaasha ganacsiga caalamiga ah, ayaa maalmahan la soo dhaafay wajahaysay cadaadis isa soo taraya oo kaga imanaya ganacsiyada ay la shaqeyso.

Horaantii toddobaadkan, hay'adda horumarinta maaliyadda ee UK iyo sanduuqa labaad ee ugu weyn hawlgabka Canada, La Caisse, ayaa sheegay inay joojinayaan maalgelin cusub oo ay ku sameeyaan shirkadda.

Dukumentiyadu waxay muujinayaan waxa u muuqda inuu ahaa xiriir dhow oo ballaaran oo u dhexeeyay mid ka mid ah ganacsatada ugu saamaynta badan Khaliijka iyo Jeffrey Epstein.

Waxay tilmaamayaan in Epstein uu Sulayem iimayl ahaan ugu soo bandhigay shakhsiyaad kala duwan oo caalami ah oo ka kala socday siyaasadda iyo ganacsiga, isla markaana Sulayem uu sannadkii 2016 u fidiyay Prince William booqasho ku saabsan dekedda London Gateway ee ay maamusho DP World.

Labo xildhibaan oo Mareykan ah, Ro Khanna iyo Thomas Massie, ayaa ku eedeeyay ninkan inuu ka mid ahaa "lix nin oo awood leh" oo lala xiriiriyay maalqabeenka fadeexadda galay.

Xildhibaannadan, oo si wadajir ah u soo gudbiyay sharci ku qasbay Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka inay sii deyso faylasha Epstein sannadkii hore, waxay sheegeen in dukumentiyada si aan habboonayn loo qariyay.

Qaybaha la qariyay ee uu Massie tilmaamay 9-kii Febraayo waxaa ka mid ahaa dukumenti u muuqday iimayl uu Epstein diray 2009 oo tixraacayay "muuqaal jirdil". Qofkii helay ayaa ku jawaabay inuu safar u kala bixi doono Shiinaha iyo Maraykanka. Macnaha guud lama yaqaan.

Saraakiil Maraykan ah ayaa shaaciyay in Sulayem uu ahaa qofka helay iimaylkaas uu diray Epstein.

"Saaxiibbo la aamini karo"

DP World

Xigashada Sawirka, Reuters/US Department of Justice

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida ay muujisay falanqayn ay sameysay BBC News Arabic oo ku saabsan dukumentiyada, Emaill-du waxay u muuqdaan inay tilmaamayaan in Sulayem uu xiriir la lahaa Jeffrey Epstein tan iyo ugu jarana 2007.

Raadka iimaylladu wuxuu soo jeedinayaa in labadoodu yeesheen saaxiibtinimo dhow, iyagoo si joogto ah isu weydaarsan jiray qorshayaashooda safar, fikrado ganacsi iyo xiriirro, iyo sidoo kale maqaallo warbaahineed iyo kaftan qallafsan.

Epstein ayaa ku tilmaamay Sulayem "mid ka mid ah saaxiibbadiisa ugu kalsoonida badan" iimayl uu diray Juun 2013.

Labadu waxay ka wada hadleen fikrado ganacsi oo caalami ah, oo ay ku jirto in Dubai ay bilowdo lacag dijitaal ah oo "Islaami" ah.

Dhanka kale, dhowr Email oo sanado kala duwan oo la is dhaafsaday ayaa u muuqda in Sulayem uu talo caafimaad ka dalbanayay Epstein arrimo khuseeya naftiisa, gabadhiisa, iyo xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa iyo saaxiibbadiisa.

Waxay u muuqataa inay xiriir joogto ah lahaayeen ilaa ugu yaraan 2017, laba sano ka hor geeridii Epstein, inkastoo Epstein markii ugu horreysay lagu xukumay 2008 dembi la xiriira kicinta iyo soo helidda qof ka yar 18 sano si uu ugu adeegsado ficil galmo

Iimayllo ku saabsan haween

Imaaraatja

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iimaylladu waxay u muuqdaan inay muujinayaan in Sulayem iyo Jeffrey Epstein ay is dhaafsadeen farriimo badan oo ay kaga hadlayaan gabdho iyo haween ku xeernaa.

Macnaha guud ee qaar ka mid ah iimaylladaas mar walba ma cadda.

Email la sheegay in Sulayem uu u diray Epstein sannadkii 2013 oo ku saabsanaa imaanshaha laba haween ah, ayaa lagu dhaleeceeyay "Moldavian"-ta inaysan ka qurux badnayn sawirkeeda, halka lagu ammaanay "Ukrainian"-ta.

Afar sano kaddib, emaillada ayaa u muuqda inay muujinayaan in Sulayem uu diyaariyay in "duugis-yaqaanka gaarka ah" ee Epstein lagu tababaro "dhammaan daaweynta" lagu bixiyo hoteel ku yaalla Turkiga.

Raadka iimayllada ayaa muujinaya in haweeneydaasi ay xaqiijisay inay haysato baasaboorka Ruushka.

Email kale oo aan la xiriirin oo la diray 2015, Sulayem ayaa u sheegay Epstein inuu u arko in "Ruushku yahay ilaha dhammaan haweenka quruxda badan".

Laba email oo kala duwan, oo u muuqda inay ka yimaadeen Sulayem, ayaa muujiyay inuu lahaa gabar saaxiib ah oo Irish ah iyo mid Uzbek ah. Sannadkii 2017, wuxuu ku faanay "Tani waa Uzbek-tyda cusub oo 22 jir ah" isagoo la hadlaya Epstein. Epstein ayaa saxay, wuxuuna u muuqday inuu ka faallooday da'deeda: "Sida ku qoran baasaboorkeeda hadda waa 23 jir".

Mandelson oo sheegay " u noqo mid wanaagsan Sultan"

Peter Mandelson ayaa u muuqda in Jeffrey Epstein uu kula xiriiray isaga oo matalaya Sulayem, kaas oo doonayay inuu meel mariyo heshiis uu la galo dawladda UK si shirkaddiisu u maamusho dekedda London Gateway.

Email aan hore loo shaacin oo taariikhdiisu tahay Oktoobar 2009, Epstein ayaa u sheegay Lord Mandelson, oo xilligaas ahaa xoghayaha ganacsiga inuu "u naxariisto Sultan".

Silsilado iimayllo ah ayaa sidoo kale muujinaya in toddobaadyo ka hor la diyaariyay kulan dhex mara Sulayem iyo Lord Mandelson si loogu qanciyo dawladda UK inay taageerto heshiiska DP World.

Dukumentiyadu waxay kaloo tilmaamayaan in Epstein uu ka caawiyay Sulayem qorista warqad loo dirayo Lord Mandelson isla markaana uu la wadaagay cinwaanka iimaylka gaarka ah ee xoghayaha ganacsiga.

Ma cadda dukumentiyada in faragelinta Epstein ay wax door ah ka ciyaartay oggolaanshihii ugu dambeeyay ee mashruuca. Hase yeeshee, is-weydaarsiga fariimaha ayaa u muuqda inuu soo jeedinayo in Epstein uu u shaqeynayay sidii dhexdhexaadiye aan rasmi ahayn oo u dhexeeya Sulayem iyo masuuliyiin sare oo siyaasadeed.

Ma jiro wax soo jeedinaya in Lord Mandelson uu ku kacay wax khalad ah arrintan la xiriirta. BBC ayaa la xiriirtay si ay uga hesho faallo.

Iimayl dambe oo taariikhdiisu tahay Maarso 2016, Sulayem ayaa u sheegay Epstein inuu ku qaabilay Prince William dekedda London Gateway, isla maalinta xigtana uu ka qayb galay munaasabad uu la joogay oo ka dhacday Qasriga Buckingham. Iimaylladu waxay muujinayaan in Epstein uu ku jawaabay erayga "xiiso leh"

Hordhacyo kale

Sultan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dukumentiyadu waxay ka kooban yihiin iimayllo muujinaya in Jeffrey Epstein uu Sulayem iimayl ahaan ugu soo bandhigay shakhsiyaad caalami ah oo ka kala socday siyaasadda iyo ganacsiga, oo ay ku jiraan ra'iisul wasaarihii hore ee Israa'iil Ehud Barak iyo lataliyihii hore ee Donald Trump, Steve Bannon.

Isgaarsiino xigay ayaa muujinaya in Sulayem iyo shakhsiyaadkaas ay si toos ah iimayllo isu dhaafsadeen, iyagoo mararka qaarkood ku darayay (cc) Epstein ama u sii gudbinayay fariimaha.

Iimayl la sheegay inuu ka yimid Sulayem sannadkii 2015 ayaa sidoo kale weydiiyay in Epstein uu la hadlay Elon Musk arrin uu ku sheegay "soo jeedintiisa (proposal)". Faahfaahin dheeraad ah laguma darin.

Maalqabeenka Mareykanka ee fadeexadda galay ayaa sidoo kale soo bandhigay inuu xiriir u sameyn karo madaxda Afrika, oo ay ka mid yihiin madaxweynayaasha Kenya, Senegal, Gabon, iyo Democratic Republic of the Congo. Ma cadda dukumentiyada ay aragtay BBC in dalabkaas la aqbalay iyo in kale.

Sulayem ayaa sidoo kale la sheegay inuu talo ka dalbaday Epstein sannadkii 2017 oo ku saabsan casuumaad uu ku tagayo xafladdii caleemo-saarka Madaxweyne Trump.

Iimayl sannadkii 2013 ah, Sulayem wuxuu u sheegay Epstein in uu casuumaad ka helay Prince Andrew si uu uga qaybgalo qado uu qabanayay munaasabad uu u sameeyay madaxweynaha Imaaraadka Carabta oo booqasho rasmi ah ku joogay.

Iimayllo dhowr ah ayaa muujinaya wada-hadallo ku saabsan qorshayaal Sulayem uu ku booqanayo guriga Epstein ee New York ama jasiiraddiisa ku taalla US Virgin Islands. Sidoo kale waxay si joogto ah isu ogeysiin jireen qorshayaashooda safarro caalami ah.