Daraasad sheegtay in dadka gurran ay qaybaha kale ee jirkoodu u shaqeeyaan si ka duwan sida dadka aan gurnayn

Xigashada Sawirka, Getty Images
13-ka Agoosto waa maalinta caalamiga ah ee dadka gurran (gacanta bidix isticmaala), wali ma cadda sababta dadka gurran ay aad ugu yar yihiin kuwa midigta isticmaala.
Si kastaba ha ahaatee, daraasadda saynis ee arrintan ah gureynimada, oo ah in gurta (bidixda) ay ka mudnaan badan tahay midigta ayaa muujinaysa xaqiiqooyin xiiso leh oo ku saabsan bini'aadamka; laga bilaabo sida ay u beddeli karto habka aan u fekereyno, ilaa iyo xaqiiqda ah in ay jiraan kuwa naga mid ah oo noqon kara kuwo bidixda isticmaala, laakin markan dareenka maqalka ayaan eegeynaa, maaha gacanta.
Haddii uu qof uu gurran yahay iyo haddii kale waxaa la ogaadaa carruurnimadiisa, xilliga ugu horreeya ee uu inta qalin ama jeeso qabto isku dayo inuu wax sawiro.
Laakin maxay gacan tan kale uga horreysaa, maxayse dadka gurran u yihiin dad laga tiro badan yahay?
Qormadan waxaan isku daynay in aan baaritaan ku sameyno arrintan qaab saynis ahaaneed iyo mid taariikh ahaaneed si aan u fahamno xogta ku jirta, waxaanan xaqiiqsanay in faahfaahinta arrintan la xiriirta ay ka badan tahay inta aan moodeynay.
Tusaale ahaan hore uma aynaan ogayn in ku tiirsanaanta uu qofku gacmihiisa middood ku tiirsan yahay ay tahay mid xiriir la leh xubno kale oo jirka ah oo ay tusaale ahaan ka mid yihiin indhaha.
Qof walba wuxuu ogaan karaa inu gurran yahay iyo inkale isagoo raacaya tijaabadan.
Gacmahaaga middood fidi, suulka kor u tag, ka dibna labadaada indhood ku fiiri. Misna il kasta mar ku fiiri adigoo tankale daboolaya. Isha xoogga badan ayaa ah tan kuu soo dhaweysa suulka,
Waxaa kaloo aad tijaabin kartaa dhegtaada si aad u ogaato midda aad si toos ah u isticmaasho marka aad aad telef oonka ka jawaabayso ama aad u dhigto marka aad sheeko dhegeysanayso, ama aad xan dhegeysanayso.

Xigashada Sawirka, iStock
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si guud marka loo eego, 40% naga mid ah waxay aad u isticmaalaan dhegta bidix, 30% naga mid ahna isha bidix ayaa ka xoog badan tan midig.
Laakin arrinta yaabka leh ayaa ah in dadka gurran tiradoodu ay aad u yar tahay, bacdamaa aysan tiradoodu ka badnayn 10% tirada guud ee dadweynaha.
Haddaba maxaa qof ka dhiga mid gurran, midka kalena ka dhiga mid aan gurnayn. Tadawurka bani’aadamku soo maray marka la eego waxaa u sahlan inuu diiradda saaro mid ka mid ah gacmihiisa. Tusaale ahaan, daayeerrada hawlaha qaar gacan gooni ah ayey ku qabtaan.
Marka ay ugaarsanayaan aboorka, waxay isticmaalaan gacanta ku haboon ee ay gelin karaa godka cayayaanku ku nool yahay, oo taabashadiisa ay si fiican wax ugu dameemi karaan, kusoo guran karaan, kuna cuni karaan.
Laakinse gurnaansha saamayn ma ku yeelan karaa qof noloshiisa? Dood badan ayaa ka taagnayd in gurnaanshaha uu saamayn ku leeyahay maskaxda bani’aadamka. Dhinaca midig ee maskaxda waxay koontarooshaa gacanta bidix,, dhanka bidix ee maskaxdana wuxuu ku koontaroolaa gacanta midig. Sidaa darteed, gurnaanshaha saamayn aan toos ahayn ayuu ku yeelanayaa qaabka ay maskaxdu u shaqayso.

Xigashada Sawirka, Thinkstock
Chris McManus wuxuu bartay cilmu nafsiga, wuxuuna ka tirsan yahay jaamacadda University college London. Waa qoraaga Right hand, left hand. “Qaabka ay u shaqayso maskaxda qofka gurran ayaa aad u kala duwan, shaqsi ahaanna waxaan u arkaa in ay yihiin dad hibo leh” ayuu yiri. “Haddii aad dadkaas ka mid tahay, waxaad arkaysaa in maskaxdaadu ay xoogaa ka yara duwan tahay dadka kale gaar ahaan sida ay u shaqayso, taasoo ku saamaxaysa xirfado aysan dadka kale lahayn” ayuu sii raaciyey.
Dadka arrintaa ku diiddan waxaa ka mid ah Dorothy Bishop oo ka tirsan jaamacadda Oxford, baratayna horumarinta cilmu nafsiga maskaxda. Shaqsi ahaan arrintan aad ayey u danaynaysaa, wayna gurran tahay, waxayna taas dhaxalsiisay inay is weydiiso iyadoo la yaabban sababta ay dadka uga duwan tahay.
Sanadihii la soo dhaafay,waxaa aad loo sheegayey in gurnaanshuhu uu la xiriiro naafanimada sida Bishop oo hadalkeeda sii wadata ay tiri "Marka la barbardhigo, waxaa jiray xiriir lala yeesho sifooyin togan, iyadoo naqshadeeyayaasha iyo fannaaniinta la sheegay inay u badan tahay inay noqdaan gacan-bidixleyaal".
Laakiin arrimaha la sheegayo ee kale waxay u muuqdeen kuwo aysan ku qancin Bishop ka dib markay eegtay xogta iyo tirakoobka ku habboon. Waxay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah malo-awaalkan ay ka yimaadeen waxa ay ugu yeertay "eex xagga diiwaangelinta xogta ah”.
Kaliya kuma koobna xogtan sayni dadka dunida jooga, laakinse waxaa ku jira kuwa aan weli dhalan ee uurka ku jira.
Daraasaduhu waxay muujinayaan in 9 ka mid ah toban ilmood oo aan weli dhalan ay nuugaan suulka midig, taasoo la mid ah tirada dadka isticmaala isla gacantaas. Markii ay cilmi baareyaashu sii raaceen dadkaas sannado badan ka dib dhalashadooda, waxay ogaadeen in ay sii wadeen dadkaas isticmaalka gacanta midig, halka dadka nuuga suulka bidix ay iyaguna markay dhashaan sannado badan ka dib ay sii wadaan isticmaalka gacanta bidix.













