Maxay tahay sababta aysan qeylada iyo wax burburintu u qaboojin xanaaqa?

Xanaaqa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waad xanaaqeysaa, dhiiggaagu wuu karayaa, jirkaaga oo dhan ayaa ciriiri galaya waxaadna dooneysaa inaad wax walba oo agagaarkaaga ah burburiso, adiga oo isla markaana ku qeylinaya erayo xun oo lagu soo baray inaadan dhihin.

Waana marka aadan awoodin inaad qaabbisho qof walba amaba wax walba oo agtaada yimaada.

Inaad waxaas oo dhan liqdo ma noqon karto wax wanaagsan…..sow maaha?

Waxaa fiican inaad iska bixiso carada…waa wax qalbiga kuu dejinaya….xitaa waa si fiican.

Waxaad ogaaneysaa inaysan arrintu saas ahayn.

“Waxaa jirta arrin la wada aaminsan yahay oo ah in iska saaridda carada ay tahay hab wax ku ool ah oo loola tacaalo,” ayay tiri Dr Sophie Kjærvik, oo ah hormuudka ilaa 154 daraasad carada laga sameeyay oo ay ku lug lahaayeen in ka badan 10 baareyaal.

Daraasaddan, ayay ku sharraxday wareysi ay siisay barta Ohio State News, inay ku dhiirrigelisay arrimaha soo kordhaya ee carada wax la jejebinayo sida dhalooyinka, suxuunta iyo qalabka korontada si qofku uu isku illowsiiyo xanaaqa.

“Inaad sheegto waxa aad ka careysan tahay xilligaas waa wax fiican, balse muddo kadib way kaasii careysiineysaa oo waxay kaa dhigeysaa qof aad u macangag ah,” ayay u sheegtay BBC.

Fekerka caro iska saaridda

Xanaaq

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kjærvik iyo qofka la sameeyay daraasadda Brad J. Bushman, labadooduba waxay ka tirsan yihiin Ohio State University (USA), waxayna baaritaan qoto-dheer ku sameeyeen sababaha iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta xanaaqa daran ee bani’aadamka.

Sida ay ku xuseen daraasaddooda, "in caradu ay yeelan karo cawaaqib xumo badan darteed, waxaa si weyn loogu tiriyaa inay tahay dhibaato iyo dareen u baahan in wax laga beddelo."

Si shakhsi ahaan, waa isha diiqadda, marka waa inaan iska saarnaa, balse mar walba ma lihin habab wax ku ool ah oo dareennadaas lagu xakameeyo.

“Waxaa sidaa darteed jirta baahi weyn oo ah in lagu ogaado istaraatiijiyado wax ku ool ah oo lagu yareyn karo laguna xakameyn karo carada,” ayay yiraahdeen qorayaasha, oo dhowaan natjiidadooda ku daabacay joornaalka Clinical Psychology Review.

Tan ugu mudanna waa tan soo afjartay in fekerka ah inaad qaraxdo ay tahay wax fiican.

“Waxaan filayaa inay aad muhiim u tahay in meesha laga saaro fekerka ah inaad qaraxdo haddii aad careysan tahay,” ayuu Bushman ku yiri wareysi uu siiyay Ohio State News.

“Inaad muujiso carada wax fiican bey noqon kartaa, balse wax caddeyn sayniseed looma hayo fekerka caro iska saaridda.”

Waxaa intaa dheer, waxay ogaadeen in carada oo aad si qaab daran isaga saarto si aad u nafisto ay aalaaba ahayn mid miro-dhal ah, oo ay tahay mid sii xoojineysa oo siina dheereyneysa.

Waxayna ku talinayaan in tallaabadan aysan ahayn mid caafimaad leh oo dareenka lagu muujiyo.

Ma waxaad rabtaa inaad cararto?

Xanaaq

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iyagoo khubarrada soo xiganaya, waxay qorayaashu sheegeen in "carada ay dadku ka dhigto kuwo awood badan oo aadna u doonaya inay dagaallamaan amaba ay weeraraan waxa sababay carada."

Isla markaana “caradaas ay kordheyso kuna siineyso tamara ad u sarreysa, dhaqdhaqaada jirkaagana kordhineysa, dhiigna ku shubeysa murqahaaga si ay jirka ugu diyaariso inuu ficil sameeyo.”

Waxay u muuqataa feker fiican inaad feedh la dhacdo derbiga amaba aad cararto si aad tamarta xun isaga saarto, sax?

Hagaag, taasi maaha arrinta.

Xaqiiqdii, caddeymo yar unbaa loo hayaa inaad xirato gacmo-gadhiga feedhka amaba aad cararto inay yihiin kuwo wax ku ool ah.

Xaqiiqdii, xaaladda wayba kasii dari karaan.

Waxa dhacaya, sida ay sharxeyso Kjærvi, waa in “caradu ay tahay dareen la xiriira kicin xooggan oo nafsiyeed.”

“Tan waxay la micno tahay in garaaca wadnahaagu uu kordhayo, cadaadiska dhiiggaagu xoogeysanayo, ayna neefsashadaadu kordheyso.

“Haddii aad sameyso ficillo isla saameyntaas ku leh jirkaaga, waxaad dab kusii shideysaa carada.

“Shidaal ayaad ku dareysaa dabka,” ayuu yiri khabiirka cilmu-nafsiga ka dhiga Virginia Commonwealth University.

Maxaad marka sameyneysaa?

Xanaaqa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haddii hadalka la jilciyo, farsamooyinka dejinta ayaa ah kuwa ugu wanaagsan.

Wax walba oo yareynaya kicinta nafsiyadeed ayaa mudan in la isku dayo, haddii ay tahay inaad keliyowdo, fekerto, amaba xitaa aad neef qaadato ilaa 10 jeer.

Waxaa intaa dheer, dhammaanba ficillada jireed maaha kuwo isku saameyn leh.

“Dhammaanba noocyada ficil jireed ma aha kuwo xun marka ay timaaddo carada,” ayay tiri Kjærvi.

“Sida aan ku ogaannay daraasaddeedda, kubadda gacanta iyo fasallada waxbarashada jireed waa kuwo dhab ahaantii faa’iido u leh yareynta carada.

“Waxaan u maleyneynaa in tan ay sabab u tahay inay keenaan feker cayaareed, dareemo togan, sida farxad.”