Hoodo Xayinimo: “Gabadha guurka uga caagtay Lotery-ga ee maansada ka tirsay

Xigashada Sawirka, Hoodo Xayinimo
Labaatan iyo afartii saac ee la soo dhaafay kummannaan Soomaali ah ayaa indhaha ku hayey shaashadaha Computarada iyo Telefoonada si ay u eegaan natiijada bakhtiyaanasiibka DV Lotery-ga Maraykanka oo sanad walba bilowga bisha May la sii daayo natiijada kuwa guulaystay iyo kuwa an nasiibka u helin in la aqbalo dalabkooda ee sanadkii ka horeeyey xaraystay.
“Tani waxay ku xiran tahay nasiibkaaga” ayey tiri Hoodo Maxamed Cabdi, muddo dheer xaraysanaysay bakhtiyaansiibka DV Loteryga Maraykanka. laakiin dad badan ayaa aaminsan inay u baahan tahay xirfad ku xiran hannaanka loo dalbo oo nasiibkuna weheliyo.
Dad badan ayaa sanado badan xaraysanayey bakhtiyaanasiibka oo an wali ku guulaysan balse an ka raja dhigin ee maalin uun isku maawilaya inay heli doonnaan.
Dadkaas muddada an ka daalin inay xaraystaan bakhtiyaanasiibka DV Lotery-ga Maraykanka waxaa ka mid ah Hoodo Maxamed Cabdi, oo ku magac dheer Hoodo Xayinimo, oo ah gabar hal abuure ah caanna ka ah baraha bulshada, waxay si dareen leh BBC-da uga warrantay waxa kala qabsaday iyada iyo bakhtiyaanasiibka DV Lotery ee Maraykanka.
“Waxaan xaraysanayey muddo lix Sanndood ah, walise kuma guulaysanin, haddase waxay u egtahay inaan is macsalaamayn doono aniga iyo Lotery” ayey tiri Hoodo
Hoodo, natiijada bakhitiyaa saniibkii ugu danbeyey ee ay xaraysatay sanadkii hore ayey xalay heshay, taa soo ahayd “ Laguma dooran”
Sanadkii 2018-kii ayey Hoodo, sheegtay inuu ahaa kii ay qabtay rajadeedii ugu weynayd maaddaamaa dad badan ee ay taqaanay ay ku guuleysteen bakhtiyaanasiibka inay hesho fursadaas balse uu ka hor istaagay go’aankii dowladdii Trump.
“Sanadihii danbe waxaan gaaray inaan dhaho dadku ha ii eegeen oo aanan anigu eegan natiijada, laakiin waxaan helayey jawabta ah ‘Ma lagu dooran,” ayey tiri Hoodo.
Weeraha afka Ingiriiska ee ay ugu neceb tahay ayey Hoodo ku sheegtay inay yihiin kuwa “HAS NOT BEEN SELECTED” ‘Laguma Dooran’ oo ah jawaabta uu helo qofka an ku guulaysan DV Lotery-ga ee xaraystay.
Maxay ku wayday muddadaas Lotery?

Xigashada Sawirka, Hoodo Xayinimo
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muddadaas dheer ee ay xaraysanaysay DV Lotery, waxay tilmaamtay inay door bidday in ay joojiso ‘haasaawaha ragga’ oo ay diirada saarto inay naawisho fursadaas ay maalin uun rajaynaysay inay ku tagto dalka Maraykanka.
“Sanadkasta oo an sugayo natiijada waxaan is lahaa kan ayaa tagaysaa, mararka qaarna boorsooyinka ayaanba sii xir xiran jiray,” ayey tiri iyadoo qosal raacisay hadalkeeda....
Hoodo Maxamed, waxay sheegtay inay raggii gayaankeeda ahaa ee soo calmada ugu jawaabi jirtay “Waan yarahay, waxbarasho ayaan ku jiraa, howlo guur uma soo jeedo iyo weero la mid ah, si an uga mashquulin rajadaas”
Laakiin Hoodo, hadda ayey sheegtay inay ka qoomamaynayso waqtigii uu ka soo lumiyey bakhtiyaansaiibka Loteryga, iyadoo xustay inay hadda dib u bilaabayso wixii kaga baaqday.
Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey Hoodo xustay in xilligan ay aragto in gabdhihii ay isku heerka ahaayeen ama saaxiibada ahaayeen oo qoysas noqday oo carruur dhalay balse iyada wayahayaas ay ku bixisay sugida rajada Maraykanka.
“Saaxiibaday oo shan ila labo inta u dhaxaysa oo carruura dhalay ayaan arkaa, taas ayaa ah tan aan dib u celiyo xasuustayda iyo waayihii uu iga lumiyey Loteryga,” ayey intaas si dareen leh u raacisay hadalkeeda.
Waxay sheegtay in hadda ay go’aansatay inay dalkeeda sii joogto oo ay ka niyad jabtay inay dib u xarayso DV Lotery-ga.
Maansadii Hoodo ka tirisay Lotery-ga Mareykanka

Xigashada Sawirka, Hoodo Xayinimo
Hoodo Maxamed Cabdi, Waa hal abuure suugaaneed, waxay curisay maanso ay ku muujiyey sida ay uga qoomamaynayso waqtigii uu ka qaaday lotery-ga ee ay danaha ka xayirtay.
Maansadan waxay kaloo Hoodo, ku cabiraysaa inay doonayso inay dalkeeda iimaansato oo ay nolol ka samaysato.
Anoo dumaro haweena
Dalkeygga anoo dhexjooga
Markii dibad aan haweystay
Markan dooqii xabaalay
Markan doorkii rageena
Xariirada aan ka diiday
Ileen doqon baan ahaaye
Intaan udulqaadanayay
Sanado baddan day dayay
Da’deydi wataa idhaaftay
Intii dumar aan wadaagnay
Dib baan uga qoomameyay
Iney danbi taan ogaaday
Haddeer anigaa dalkeyga
Daruuf iyo iimihiisa
Hadduu dhiig daadanaayo
Haddii dulmi lagu dhaqaayo
Amuu doog soo baxaayo
Intaba anigaa udoora
Dareen li’i waan dhax joogi
Walee dibad waan ka dhartay
Waxaan haddalkii ku daayay
Da’leydii gabay ku joojay
Intii dhalin iga danbeysa
Inuu lottery dantooda
Kadilin waqtigiyo libtooda.
Ugu danbayn waxay Hoodo ugu yeertay dhalinyarada dhiggeeda ah inay ay ka fogaadaan sidii iyada ku dhacday oo kale oo muddo lix sanaa ay dabranayd Lotery.
“Waxaan leeyahay isku wata, danihiina iyo sugitaanka nasiibka lotery-ga,” ayey intaas ku dartay.
















