Sida ilmo 4 jir ah oo laga afduubtay Kenya looga helay keyn ku taalla Soomaaliya

Keyn

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wiil 4 sano jir ah ayaa laga helay meel kayn ah oo ku taalla Soomaaliya saacado kadib markii dabley hubeysan ay gaari uu la socday ku qafaasheen bariga Mandheera ee ismaamulka Mandera.

Wiilkan ayaa sida ay eheladiisa sheegeen waxaa uu la socday Gaari ay saarnaayeen isaga iyo nin adeerkii ah ka dib-na waxaa weeraray koox hubaysan oo halkaasi ku dhishay wiilka Yar adeerkii.

Booliska ayaa sheegay in dadka tuulada ay ka heleen meel qiyaastii 20 KM gudaha Soomaaliya u jirta, kadibna ay dib ugu celiyeen xadka Kenya, halkaasi oo ay ku wareejiyeen maamulka.

Agaasime ku xigeenka dhanka fulinta ee degmada Mandheera C/qaadir Baricha ayaa sheegay in Dhacdadan ay ka dhacday deegaanka Cali-biliqa ee deegaanka Kamoor.

"Nasiib darro, darawalka ayaa naftiisa ku waayey dhacdadan, waxaana gaariga markii dambe kaxeeystay dad aan la garanayn oo looga shakisan yahay Al-shabaab."

Waxa uu kula dar daarmay wadayaasha gaadiidak dowladda in ay feejignaadaan oo ay ku soo wargaliyaan wixii ay ka shakiyaan hay’adaha ku shaqada leh.

Khariiradda Mandheera

Sidee wax u dhaceen?

Ruqiya Cali Cabdi oo Ayeeyo u ah wiilka yar ayaa sheegtay in dhacdadan ay noqtay mid murugo badan ku reebtay islamarkana ay ku sidoo kale ku waysay wiilkeeda oo meesha laga dilay.

Waxa ay BBC uga warantay sida ay wax u dhaceen iyada oo sheegtay in dhacdadan ay ka dhacday meel wax yar u jirta Mandera wiilkeedana uu ku dhintay.

"Aniga magaalada ayaan joogay oo alaab ayaa gadanayay goor casirkii ah oo 10 saac ah ayaa nala dhahay Samaan waa la dilay waan soo cararay ka dib-na dad didaya ayaan arkay marka meydkiisa ayaan aniga booliiska ku kalany oo isabataalka ayaa loo qaaday," ayay tiri.

Sawir Hore

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mar aan wax ka waydiinay sida ay wiilka yar ee ay ayeeyada u tahay ku heshay ayay sheegtay in markii ay waayeen cunuga ay baadigoob galeen islamarkana ay maalin iyo bar ku qaadatay in dib loo helo.

"Wiilka waa noola keenay, Axaddii 1 saac ayaan baladxaawo aaday 7 saac markii ay ahad ayaa wiilka uu gacanteena soo galay, ayay tiri.

Ruqiya Cali Cabdi ayaa sidoo kale sheegaty in wiilkan yar markii ay kooxdii gaariga afduubtay ay galeen gudaha Soomaaliya ay uga tageen ilma yar oo xoolo la jira ka dib-na sidaasi lagu helay.

"Wiilka meel dhaxda ayaa lagu dajiyay, ilmo ari la jira ayay u dhiibeen oo waxay ku dhaheen nin odey ah u geeya oo aabhaa ku sin ayay ku dhaheen caruuurtii ay wiilka u dhiibeen," ayya tiri.

Waxa ay xustay in wiilka yar oo lagu magacaabo Cabadi Fataax Cabdi xakiin la keenay xafiiska gudoomiyaha degmada baledxaawo sidaana iyaga loogu soo wareejiyay.

"Wiilka dowladda Soomaaliya xafiiska gudoomiyaha ayaa la geeyay qoraal ayaa la soo sameeyay, dowladda way soo gudbisay dowladda Kenya ayay ku soo wareejisay, sidaa ayaan ku helnay," ayay tiri Ruqiya.

Ruqiya Cali Cabdi oo Ayeeyo u ah wiilka yar ayaa sheegtay in wiilka yar ilaa hadda maskaxiyan uu naxdin dareemayo oo uusan caadi ahayn.

"Wuu yara roon yahay cunuga laakiin caadi ma aha wuu yaraha naxsan yahay ma aqaan sababta," ayay intaa ku dartya.

Ismaamulak Mandera oo ku yaalla xudduuda Soomaaliya ayaa waxaa marra badan ka dhacay weeraro ay dad ku dhinteen oo lagu eedeeyay kooxda alshabab.