Sida gabadhan maqalka naafada ka ah ugu guuleysatay tartanka quruxda dal ay Soomaali ku badan yihiin

Mia

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mia le Roux

Mia le Roux ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee maqalka naafo ka ah oo loo caleemo saaro Miss South Africa ka dib wareegii kama danbeysta ahaa oo ay ku soo baxday, inkastoo tartanka lagu kala qeybsanaa.

Khudbada aqbalaadeeda, Ms Le Roux waxay ku sheegtay inay rajaynayso in guusheeda ay ka caawin doonto dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee laga takooray bulshada kuwaas oo qaarkood riyooyinkooda u rumeyn waayay sababo kala duwan.

Waxa ay sheegtay in ay dooneyso caawinta kuwa "aanan awoodin ka qeyb-galka tartamada iyo kuwa ay dhaqaaluhu u saamixi waayeen".

Gabadhaan lagu magacaabo Adetshina ayaa ku dhalatay Koonfur Afrika, waxaana iska dhalay aabe Nayjeeriyaan ah iyo hooyo asal ahaan ka soo jeeda Mozambique.

Tan iyo markii ay guuleysatay waxa ay qabsatay baraha bulshada, iyadoo hadal heyn balaaran ka dhalisay dalka Koonfur Afrika, dad badan oo caan ka ah dalkaas oo ay ka mid yihiin wasiiro ayaa arrinkeeda ka hadlay waxa ayna tilmaameen in ay xaq u leedahay in ay dalka matasho halka dadka qaarna ay su’aalo ka keeneen sababaha tartanka muranka galiyay.

Waxa ay sheegtay in ay dhibbane u noqotay midabkeeda kadib markii ay dhowr jeer la kulantay dad madowgeeda ku caayaya, taasina waxa ay muujineysaa culeyska gaarka ah ee nacaybka ajaanibta kaas oo loo yaqaan "afrophobia", waana mid lagu bartilmaameedsado dadka ka yimaada dalalka kale ee Afrika.

Haweeneydaan 28-jirka ah ayaa maqalka beeshay markii ay jirtay hal sano, waxaana xiligaas wixii ka danbeeyay ay isticmaaleysay qalabka ‘cochlear’ si uu uga caawiyo in uu codka soo gaaro.

Waxa ay sheegtay in ay daawooyin qaadaneysay labo sano ka hor inta aysan awoodin ku dhawaaqista erayadeedii ugu horeeyay.

Kadib markii ay ku guuleysatay in ay hadasho, maamulaha iyo suuqgeeyaha ayaa yiri: "Waan bogaadinayaa haweeney dhagool ah oo Koonfur Afrikaan ah oo Sharaf leh, waana garanayaa waxa ay dareemeyso weyna gaareysaa.

"Waxa aan ogahay in adduunka la ii keenay in aan xaduudaha jabiyo waana jabiyay."

Dhowaan ayay ahayd markii Chidimma Adetshina - oo iyadana u tartameysay tartankan quruxda - ay isaga hartay kadib markii ay soo shaac baxday dood dhanka dhalashada ah.

Gabadhan ayaa barteeda Instagram ku shaacisay inay isaga hartay tartanka, maalin kadib markii baaritaan horudhac ah oo ay sameysay waaxda arrimaha gudaha dalkaas lagu ogaaday in hooyadeed ay ku kacday "xatooyo dhalasho" si ay u noqoto muwaadinad Koofur Afrikaan ah.

Muxuu ahaa muranka ka dhashay tartankaan?

tartanka quruxda

Xigashada Sawirka, Miss SA Organisation

Qoraalka sawirka, Chidimma Adetshina waa 23-jir barata sharciga

Ms Adetshina oo ah 23-jir ah waa ardayad sharciga barata waxa ayna sheegtay inay ku dhalatay Soweto, oo ah magaalo deris la ah Johannesburg, ayna ku barbaartay Cape Town.

Wareysi ay warbaahinta siisay ayay ku sharraxday in aabbaheed uu ahaa Nayjeeriyaan halka hooyadeedna ay tahay Koofur Afrikaan asalkeeda ka soo jeedda Mozambique.

Muddo toddobaadyo ahba asalka halka ay kasoo jeeddo ayaa udub-dhexaad u ahaa xiisadda ka taagneyd baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ee Koofur Afrika ay su’aal gelinayeen in gabadhan ay Koofur Afrikaan tahay iyo in kale.

Iyadoo dooddu ay sii kululaatay, qabanqaabiyaha tartanka ayaa ka codsaday waaxda arrimaha gudaha inay sameeyaan baaritaan ka hor tartanka oo qabsoomay Sabtidii.

Warbixin ay Arbacadii soo saareen, ayay waaxdu ku sheegtay in ilaa iyo haatan ay ogaadeen in laga yaabo in dhalashada hooyo aan waxba ogeyn oo Koofur Afrikaan ah ay xadday hooyada Ms Adetshina.