Sidee baa loo soo xulaa gabadha ku guuleysata tartanka quruxda Soomaaliya?

Asha

Xigashada Sawirka, Shukri Mohamed Abdi

Sanadkaan waxaa mar kale Soomaaliya la shaaciyay gabadha ku guuleysatay tartanka quruxda ee Soomaaliya 2024 ta.

Tartanka ayaa waxaa qabta The Miss Somalia, oo la aasaasay sanadkii 2021 kii.

Hadaba Sidee loo soo xushay gabadha ku guuleysatay tartanka sanadkaan?

Sida ay BBC da u sheegtay aasaasaha Miss Somalia – Hani Cabdi gaas, waxaa go’aanka gaaray lix qof oo garsoorayaal ah oo soo fariistay goobta uu ka dhacayay tartanku.

Waxay sheegtay Hani in ay sideedaba adag tahay in la doorto qofka guulaystaha ah, oo ay mariyaan nidaam.

Asha

Xigashada Sawirka, Shukri Mohamed Abdi

Lixda qof ee garsoorayaasha ah oo ay ka mid ahayd Hani qudheeda, ayaa waxaa sidoo kale ku jiray qof ka socday wasaaradda dhalinyarada Soomaaliya iyo sidoo kale gabadhii tartanka ku guuleysatay sanadkii 2022 kii. Waxayna ku go’aan gaareen oo qiimeeyeen quruxda jireed ee tartamayaasha, qaab socodkooda – gaar ahaan qaabka goonida ah ee ayu socdaan gabdhaha quruxda ku tartama, labiskooda iyo sidoo kale qaabka ay hadal jeedinta uga sameeyeen bulshada horteeda.

Dhanka kale waxaa jiray codeyn laga sameynayay online ka, taas oo dadweynuhu ay u kala codeyn kareen tartamayaasha.

Codaynta dadwaynaha ee online ka ayaa waxaa ay ku xirneed in qofka codeeyaha ah uu bixiyo lacag $1 doolar ah, lacagtaas ayayna sheegeen in loo isticmaalay qarashaadka ku baxay munaasabadda oo ka dhacday magaalada Muqdisho, iyo safari ay rajeynayaan guuleystuhu in ay ku aaday dibadda, si ay uga qayb gasho tartanka quruxda ee Afrika, kan adduunka ee Miss World iyo sidoo kale kan ka sii way nee Miss Universe.

Gabadha ku guuleysatay Quruxda

Iyada oo xiran saako dheer oo dahabi ah oo leh gacmo oo hoos ridan oo farshaxan leh, ayay waxaa madaxa loo saaray biladda guusha Caa’isha Ikow oo ah 24 jir ta ku guuleysatay tartanka quruxda Soomaaliya ee sanadkaan, waxayna gurigeeda ula hoyatay $1000 doolar oo ah lacag lagu abaal mariyay.

Caa’isha waa ardayad dhigata jaamacad, farshaxaniiste marisa make-up ka waxa ayna matalaysay dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Tartamayaasha kale ayaa iyana waxa ay ka kala yimaadeen dawladda goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

“Waxaan u isticmaali doonaa guushaan fursad aan kula dagaalamo guurka dhaqsada ah iyo aan ku taageero waxbarashada gabdhaha,” sidaas waxaa Caa’isho Iikoow.

Caa’isha ayaa hadalkeeda raacisay: “Tartankaani wuxuu wayneynayaa dhaqanka Soomaaliyeed iyo quruxdaba, isaga oo mustaqbal ifaya u dhisaya haweenka Soomaaliyeed”.

Asha

Xigashada Sawirka, Shukri Mohamed Abdi

Dadka qaar waa ka soo horjeedaan tartanka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dad badan oo Soomaaliya ku nool ayaa waxay fikirka ah in qurux lagu tartamo u arkaan mid aad u xun.

Qaarkood waxayu arkaan in uu liddi ku yahay diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida. Kuwa kale waxay leeyihiin waa qaab lagu bahdilayo dumkarka, kaas oo hoos loogu dhigayo qiimaha haweenka.

“Waxaan u arkaa fikir aad u liita in gabdho da’yar ah ay ka qayb galaan tartankaan qaabka daran,” sidaas waxaa yiri Axmed Cabdi Xalane oo ah oday dhaqmeed.

“Waxyaabaha qaar waxay ka soo horjeedaan dhaqanka iyo diintayada. Hadii gabadhu ay xirato dhar ku dhan oo ay meel maxfal ah soo istaago, waxay ceeb u soo jiidaysaa qoyskeeda iyo reerka ay ka dhlatay intaba. Dumarka waxaa looga talagalay in ay gurigooda joogaan hadii ay rabtana dhar ku dhagan ku xirato.”

Dadka ka soo horjeeda tartanka quruxda ayaa waaa sidoo kale ka mid ah haween.

“Waa fiican tahay in la taageerto da’ yarta Soomaaliyeed balse ma fiicna in loo dhigo qaab diinta ka soo horjeeda,” sida waxaa tiri Sabriina oo ah ardayad, oo ah doonayn in magaceeda labaad la shaaciyo.

“Ma fiicana in gabadhu ay meel masrax ah ka soo muuqato iyada oo qoorteedu faydan tahay, waana waxa ay sameyeen tartamayaashii Miss Somalia.”

Si ka duwan qaabka ay u labistaan qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed sida maalin laha, ee ay xirtaan xijaabada iyo indhashareerka mararka qaar, ayaa tartamayaasha Miss Somalia waxay xirteen saakooyin casri ah oo loo taagalay in ay soo saaraan quruxda jirkooda.