Booliska kenya oo xiray nin la sheegay inuu dilay in ka badan afartan haween ah oo xaaskiisii ay ku jirtay

Kenya

Xigashada Sawirka, AFP

Booliiska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin ay ku sheegeen inuu yahay gacan kuu dhiigle looga shakiyay inuu mas’uul ka ahaa dilal fool xun oo loo geystay sagaal haween ah oo meydkooda laga helay goob hog ah oo loo isticmaalo qashinka.

Booliska ayaa sheegay in Jomaisi Khalisia, oo 33 jir ah, uu qirtay in uu dilay 42 dumar ah tan iyo 2022-kii, oo ay ku jirto haweeney xaaskiisa ahayd.

Tuhmanaha ayaa laga soo qabtay maqaayad uu xalay ku daawanayay ciyaartii finalka ahayd ee Euro 2024.

Agaasimaha waaxda dembi baarista Kenya Maxamed Amin ayaa sheegay in ninkaan lagu qabtay howlgal ay si wada jir ah u smaeeyeen ciidamada dembi barista iyo booliska.

“Saakay waxaan xirnay tuhmanihii ugu weynaa kaas oo lagu magacaabo Collins Juma oo 33 jir ah. Tuhmanaha waxaa lagu qabtay Soweto oo ka tirsan deegaanka Kayoole kadib hawgal wadajir ay u sameeyeen saraakiil ka socotay waaxda dambi baarista iyo booliska qaranka. Waxaa la xiray isaga oo ku sugan bannaanka baar lagu caweeyo oo uu ku daawanayay ciyaartii kama dambeyta ahayd ee tartankii Yurub 2024,” ayuu yiri Maxamed Amiin,.

Jawaano ay meydad ku jiraan ayaa la helay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wuxuu sheegay in qabashadiisu ay timid kadib xog laga helay baaritaan lagu sameeyay teleefoonka qof ka mid ah dadka dhibanaha u ah ficillada ninkaan.

“Qabashadiisa ayaa timid ka dib baaritaan dheer oo lagu sameeyay telefoonka gacanta ee qof ka mid ah dhibanayaasha oo la yirahdo Josfin Mulongo Owino. Ka dib markii la xiray tuhmanaha waxa uu saraakiisheena u jiheeyay dhanka qol uga kirey deegaanka Kware,” ayuu yiri agaasimaha dambi baarista kenya.

Naxdin iyo caro ayaa ka taagan dalka Kenya tan iyo markii meydadkii ugu horreeyay Jimcihii laga helay magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Wuxuu qirtay inuu soo jiiday, dilay oo ku daadiyay meydadka 42 haween ah meel qashin ah. Dhammaantood waxaa la dilay intii u dhaxaysay 2022 iyo Khamiistii hore," ayuu yiri Maxamed Amiin, madaxa Waaxda Dembi-baarista (DCI).

Waxa uu sheegay in guriga eedaysanaha ay ka heleen cadeymo muhiim ah oo ay ka mid yihiin 10 taleefoon, Computero, mindiyo, kaararka aqoonsiga iyo dharka dumarka.

Soo qabashada ninkaan ayaa imaaneysa iyadoo madaxweynaha Kenya William Ruto uu sheegay in dowladdiisu ay la xisaabtami doonto kuwii ka dambeeyay dilalka haweenka maydadkooda laga helay meel u dhow magaalada Nairob.

Wuxuu ku adkeeyay booliska in ay sameeyaan baaritaan degdeg ah isla markaana gacanta ay ku soo dhigaan ciddii ka dambeysay falkaan.

Dadka kenyaanka ah ee baraha bulshada isticmaala iyo warbaahinta gudaha ayaa aad u hadal hayay saacadihii la soo dhaafay meydadka laga helay goobaha qashin-qubka ah, iyadoo dadku ay muujinayeen naxdin uguna baaqayay dowladda in arrintaan ay tallaabo ka qaaddo.

Meydadka la helay ayaa ahaa xubnaha qofka oo la jarjaray kadibna jawaan lagu shubay oo weliba lagu xiray.

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujiyay goobta meydadka laga helay oo dad badan isugu soo baxeen kuwaas oo aad uga xumaaday falkaan lagu beegsaday haweenka.