Tallabooyiinka ay tahay inaad qaaddo haddii wiishka kugu xirmo

Xigashada Sawirka, CINEMA.COM
In ka badan 60 sano ka hor, qoraagii weynaa ee Masaarida Naguib Mahfouz waxa uu ka sheekeeyay sida koox dad ah ay ugu xannibneen wiishka dhismooyiinka dabaqyada, sheekadii oo markii dambe isu rogtay filimkii caanka ahaa ee "Between Heaven and Earth."
Inkasta oo fikradda lafteedu ay ahayd falsafad wax lagaga qabanayo arrimaha bulshada, inkasta oo sababta keentay ay ahayd cilad oo aanay ahayn koronto la'aan, haddana geerida mid ka mid ah jilayaasha gudaha wiishka ayaa weli ah dareen cabsi gelinaya dad badan ilaa maantadan la joogo.
Koronto oo si joogta ah u go'da dalka Masar ayaa sabab u ah waxa ay dowladda Masar ugu yeertay “load shed”, shilalka wiishka ee dadka qaarkiis ay ku dhinteen ayaa soo noqnoqday, lagana yaabo in kii ugu dambeeyay uu ilaa hadda ku dhintay shaqaale ka tirsan "Al-Marg" oo ku taal Qaahira, isagoo isku dayaya inuu ka baxo wiishka u dhexeeya laba dabaq, taas oo sababtay ... in uu ka dhaawacmo madaxa iyo qoorta.
Sidaa darteed, talooyin badan ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, iyadoo la isku dayay in dadka lagu hago sida ay tahay inay u dhaqmaan haddii qof uu ku xirmo gudaha Wiishka xilliga korontadu ay baxdo.
Dhammaan talooyiinka waxay xooga saarayaan iskudayga inaad is dejiso intii suurtogal ah, uuna qofka iska ilaaliyo welwelka adoo isku dayaya inaad si qoto dheer u neefsato. Halkan waxaan ku soo uruurinay talooyinka ugu muhiimsan ee kaa caawin doona in aad si nabad ah wiishka uga baxdo:

Xigashada Sawirka, HOW TO DO IN ARABIC
Ka fogow albaabka wiishka hana isku dayin inaad booddo
Ku boodista wiishka lagama yaabo in ay keento in uu mar kale uu wiishka shaqeeyo, dhab ahaantiina waxa laga yaabaa in ay dhibaatada ka sii darto, ama ay keento in wiishku si lama filaan ah hoos ugu dhaco.
Waa inaad istaagtaa ama fadhiisataa qeybta dambe ee wiishka, ka fog albaabbada, islamarkana sug oo gargaar in uu kuu yimaado.
Ha isku dayin inaad keligaa ka baxdo saqafka wiishka!
Ha ka labalabeynin inaad istaagto ama fadhiiso, hadba kan kuu fiican, laakiin haddii aad dareento dawakhaad, waa inaad fadhiisataa , waxaadna samayn kartaa jimicsiyo kala bixin ah haddii aad dareento kabuubyo qaybo ka mid ah jirkaaga .
Haddii ay dad kula saaran yihiin Wiishka waa inaad tixgelisaa dadka kale ee wiishka saaran . Ka fogow dhaqdhaqaaq kasta oo kedis ah ama naxdin kale abuuri kara.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Isticmaal tooshka taleefankaaga gacanta si aad u aragto badhamada!
Tooshka taleefoonkaaga ayaa kaa caawinaya inaad hesho badhamada xaaladaha degdegga ah iyo go'aaminta jihada, gaar ahaan haddii aanay jirin iftiin ka imanaya saqafka ama dhinaca wiishka.
Haddii aadan haysan toosh, isticmaal iftiinka taleefankaaga ama iftiinka shaashadda si aad u qiimeyso deegaanka kugu xeeran, laakiin isku day inaadan aad u isticmaalin ka dib markaad go'aamiso waxaad rabto, si aad u ilaaliso baytarigiisa.
Haddii aadan haysan iftiin ah, ha argagixin, kaliya ka fogow albaabka wiishka ilaa gargaarku yimaado.
Ha taaban dhammaan badhamada ama ha isku dayin inaad xoog ku furto albaabka!
Ha isku dayin inaad furto albaabka wiishka adigoo riixaya badhamada isku mar, sababtoo ah taasi waxay dhaawacaysaa wiishka oo waxaa laga yaabaa inay xaalada uga sii darto. Ha isku dhibin inaad xoog gacanta uga furto albaabka!.

Xigashada Sawirka, AFP
Isku day inaad hesho badhanka gurmadka degdega ah!
Wiish kasta waxa uu ku xiran badhanka xaaladda degdega ah, kaas oo inta badan lagu calaamadeeyay casaan ama ku calaamadsan badhanka wicitaanka. Isku day inaad hesho oo riix laba ama saddex ilbiriqsi, oo ku celiceli ilaa aad ka hesho jawaab!.
La xiriir qofka guriga maamulaha u ah
Haddii aad la xiriirto milkiilaha guriga adigoo isticmaalaya badhanka degdega ah, weydii inuu marka hore ka gooyo korantada wiishka si aad uga fogaato in korontadu soo noqoto si lama filaan ah, ka dibna laga shaqeeyo qaabkii lagaaga saari lahaa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddii albaabku si lama filaan ah u furmo, ha isku dayin inaad baxdo!
Haddii wiishku kugu xirmay oo aad awood u leedahay inaad furto albaabka, ha isku dayin inaad dibadda u baxdo oo oo sug caawimaad ilaa aad la xiriirto waardiyaha guriga si aad uga saarto korontada wiishka, maadaama wiishku uu si lama filaan ah u shaqeyn karo mar kale, marka noloshaada khatar ha gelinin!.
Wac lambarka 911
Haddii badhanka xaalad degdeg ahi aanu shaqayn, ama aanad awoodin inaad la xiriirto waardiyaha guriga, isku day inaad la xiriirto xubin ka mid ah qoyskaaga, deriskaaga ama asxaabtaada, taasoo ka agdhaw dhismaha wiishka aad ku xiran tahay ! Had iyo jeer hay lambarka la waco waqtiga xaaladaha degdega ah ee magaaladaada ama dalkaaga.
Haddii taleefoonkaaga uu internet leeyahay, waxaad fariin u diri kartaa qofka kuugu dhow ee aad garanayso inuu ku caawin karo wakhtigaas.
Duub fariin cod ah oo aad gargaar ku dalbanayso
Ha qaylin! Isku day inaad wax xoogaa buuq ah samayso adigoo sacab tumaya, garaacaya gidaarka wiishka, oo aad u wacaysa caawinaad! Laakin isku day inaadan codkaaga dhawaqiisu uusan aad u sareyn si aysan caafimaadkaaga waxyeelo u gaarsiin oo waxaad qeylisaa oo kali ah markaad dareento in qof ku caawin kara uu kaa ag-dhawyahay.
Haddii aad ka baqayso in wiishku soo dhaco, dhabarka u seexo!
Xaaladaha dhifka ah, wiishku waa uu soo go'i karaa , xaaladasai oo kale waxaa wanaagsan inaad dhabar-dhabar u seexato , si la isugu dhiili tiri xoogga saameynta si siman, taas oo si fiican kaaga ilaalin doonta waxyeellada.
Caawi kuwa kugu xeeran!
Haddii ay ku jiraan dad ka badan hal qof gudaha wiishka, isdeji si aad u qaaddo tillaabooyin wax ku ool ah , iskuna day in aad caawiso qofka u baahan caawimada adiga oo dhulka fadhiisinay ama deji cabsidiisa.
Guud ahaan, waxa habboon in aad had iyo jeer hubiso in talefankaaga gacanta uu dab kuu leeyahay ka hor inta aanad ka bixin guriga ama goobta shaqada, si aad u isticmaasho wakhtiyada degdega ah.
Waxa kale oo habboon in la waydiiyo qofka waardiyeeya wakhtiga ay korontadu go'day ka hor inta aadan raaacin wiishka. Waxa kale oo aad hayn kartaa lambarka taleefoonka waardiyaha dhismaha guriga aad ku nooshahay ama nambarka mid ka mid ah deriskaaga, si aad u isticmaasho haddii aad ku dhex xayirmato wiishka.












