Doontii ay wada raaceen basaasiinta kala dalka ahaa ee hadal haynta dhalisay

Xigashada Sawirka, SHUTTERSTOCK
Sheekada doon ku degtay harada Maggiore 28 May ayaa abuurtay hadalhayn badan kaddiib markii ay gashay xaalad basaasnimo ah.
Afar qof ayaa si naxdin leh ugu qarqoomay harada quruxda badan ee caanka ah ee koonfurta Switzerland Alps.
Mid ka mid ah wuxuu ahaa wakiil hore oo ka tirsan hay'adda sirdoonka Israa'iil ee Mossad, laba waxay ahaayeen saraakiisha sirdoonka Talyaaniga iyo dhibbanaha afraad oo ahayd haweeney Ruush ah.
Waxa ay ka mid ahaayeen 23 qof oo la socday doontan yar oo ka tallaabaysay haradaas.
Shaki kuma jiro in ay tahay dhacdo naxdin leh oo soo gaadhay dadkii ka badbaaday iyo qoysaskii ku waayey dadkii ay jeclaayeen, laakiin xaqiiqooyin badan oo kiiskan ku saabsan ayaa keenay hadalhayni ka dhalato waxa dhabta ah ee dhacay.
Harada Maggiore iyo xeebteeda waxay u kala qaybsan tahay laba dal, waa gobollada Talyaaniga ee Lombardy iyo Piedmont, iyo gobolka Swiss-ka ah ee Ticino.
Dhowr shirkadood oo ka shaqeeya tignoolajiyada awoodna u leh isticmaalka militariga iyo rayidka labadaba ayaa ku yaal Lombardy - Switzerland-na waxaa loo arkaa waddan ay sii maraan xubno badan oo sirdoon ah..
Inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in doonnidu ay ku jirtay safar baashaal ah oo aanay waxba galabsan, haddana dhowr wargeys oo waaweyn oo Talyaani ah ayaa ku warramaya in uu ahaa kulan shaqo oo qarsoodi ah oo dhexmaray wakiillada sirdoon ee Talyaaniga iyo Israa'iil.
Waxaana shilkii doontaasi dhaliyey muran badan, xeer ilaaliyaha guud Carlo Nocerino oo loo xilsaaray inuu ogaado waxa dhacay.
Waxa uu sheegay in 13 ka mid ah dadka doontaasi la socday ay ahaayeen sirdoon Talyaani ah halka 8 kalena ay ahaayeen sirdoon Israa’iili ah. Kaliya kabtanka, Claudio Carminati, iyo xaaskiisa Ruushka ah ayaan ku taxalluqayn wax sirdoonnimo ah.

Xigashada Sawirka, SHUTTERSTOCK
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Doonta ayaa la sheegay in qorshuhu ahaa xuska dhalashada qof ka mid ahaa rakaabkii saarnaa.
"Soddon ilbiriqsi gudahood, ayaannu garan weynay wax na haleelay," ayuu yidhi Mr Carminati oo qeexayey dhacdada, sida uu u sheegay wargeyska Talyaaniga ee il Corriere della Sera. Doonta ayaa isla markiiba gadoontay, waxaana ay ku daateen biyaha.
Mr Carminati oo ahaa darawalkii doontaas ayaa u sheegay baadhayaasha in aysan jirin cimilo xun oo la saadaalinayey, balse aanay garanayan halka wax ka haleeleen.
Waxaana hadda baadhayaasha khaaska ee Talyaanigu ku daba jiraan waxa keenay in doontaasi gaddoonto.
Xaaskiisa, Anna Bozhkova, waxay ahayd 50 jir Ruush ah oo haysata sharciga degenaanshaha ee Talyaaniga.
Dhibanayaasha kale waxay kala ahaayeen Tiziana Barnobi, 53, iyo Claudio Alonzi, 62 - labaduba waxay ka tirsanaayeen waaxda sirdoonka ee Talyaaniga.
Nin Israa’iili ah oo 50 jir ah Simoni Erez ayaa isna ka mid ahaa dadka dhintay.
Wuxuu ahaa basaas Mossad ah oo se hadda shaqada ka fadhiistay. Magaciisa ayaa lagu daabacay warbaahinta Talyaaniga, xitaa iyadoo warbaahinta Israa'iil ay sii waday inay ka gaabsato tebinta xogtiisa gaarka ah.
Dadkii kale ee la socday doonta ayaa ay u suurtagashay in ay xeebta u soo dabaashaan, halka qaarkood ay biyaha ka soo jiideen maraakiib kale oo loo soo diray si ay u caawiyaan.
Sababta dhammaan dhimashada ayaa ah in baddu liqday, inkasta oo wakaaladaha wararka ee Talyaanigu ay sheegayaan in aan wax baaritaanno ah lagu samayn waxa dhabta ee dilay ee nimankaas.
Baxsadka intii badbaadday
Dhacdada kale ee hadalhaynta abuurtay sida oo kalena qarsoodiga ah ayaa ah sida ay sheegtay warbaahinta Talyaanigu, in dadkii ka badbaaday masiibadaas ay markiiba ka yaaceen meelihii ay goobihii ay degganayaan.
Jaraa’iddada Talyaaniga ayaa ku warramaya in dadkii badbaaday ay si degdeg ah alaabtooda ugala soo baxeen qolalka hoteelkii ay degganayaan, halka sida oo kale intoodii cisbitaalka la dhigayna ay iska tageen goobtii lagu daweynayey.
Ma jiraan wax waraaqo ah oo ku saabsan dadka la daweeyey iyo cidda ay ahaayeen oo ay diwaangeliyeen cisbitaalladii, taas oo Iyana shaki hor leh sii abuurtay.
Sheekada doonta ayaa ah mid aan la hubin xogteeda saxda ah iyada oo warbaahinta Talyaaniguna soo saarayaan warar kala duwan.
BBC-da oo la xidhiidhay booliska wada baadhitaanka kiiskan, waxa ay u sheegeen in natiijadu aanay illaa iyo hadda caddayn, isla markaana ay hadda ku mashquulsan yihiin ogaanshaha cimilladii ridday doontaas.













