Doon ay tahriibayaal saarnaayeen ayaa lagu waayey meel ku dhaw badda Liibiya

Sawir gacmeed lagu matalayo Carlos iyo and Jacinta oo taleefannada ka jawaabaya

Markii uu soo wacay waxay ahayd xilli mugdi ah, oo uu waaga baryi rabo subaxnimo Axad ah. Dabeyl xoog badan ayaa daaqaadda jikada ka soo galeysay. Miiska waxaa dul saarnaa taleefanno farabadan iyo koombiyuutarro Laptob ah, fiilooyin iyo koobab.

Carlos iyo Jacinta habeenki oo dhan waxay u jawaabayeen taleefannada soo dhacayay. In xoogaa ah ayey shanqarti badneyd aamustay waxyar kaddibna waxaa markale soo dhacay taleefan.

Qofka taleefanka soo diray wuxuu ku hadlayaa af-Ingiriis jajaban.

"Waan xusuustaa codkiisa si fiican ayaan u maqlayey," ayey tiri Jacinta. Si aad ah ayuu u degganaa qofka soo wacay.

Carlos: Hello?

Qofki doonta saarnaa: Hello, seed tahay?

Carlos: Waan fcnahay, waan fiicanahay. Seed tahay? Doon dusheed miyaad iga soo waceysaa?

Qofki doonta saarnaa: Haa waan , aad baan u fcannahay. Fadlan khatar ayaan ku sugannahay.

Carlos: Waayahay

Qofki doonta saarnaa: Badda bartankeeda ayaan ku joognaa. Badda Mediterranean bartankeeda. Fadlan waxaan u baahannahay in nala badbaadiyo.

Sawir gacmeed lagu matalayo Carlos iyo and Jacinta oo taleefannada ka jawaabaya

Khadka taleefanka ayaa go'ay balse markiiba ninkii doonta saarnaa ayaa taleefanki ku soo celiyey. Ninki doonta ka soo wacay Carlos iyo Jacinta waxay wadahadalayeen saacado.

Inta uu hadlayo Jacinta waxay isku dayeysaa iney ogaato halka ay ku sugan yihiin.

"Sababtoo ah waxaan aniga si aad ah uga warwarsanaa dadka doonta saaran oo ma dooneyn iney dadkaasi noqdaan dad luma oo la waayo," ayey tiri.

"Waxaan doonayey inaan wax badan ka ogaado waxa ay yihiin dadkaasi."

Balse ninka la hadlayey magaciisa ma aysan helin.

Sawir lagu matalayo xeebaha liibiya xilli dayaxa uu muuqdo

Seddex habeen ka hor oo ku begneyd 6-da bisha Febraayo, magaalada Garabulli ee ku taalla xeebaha Liibiya, Maher wuu ka dhawaaqayey taleefanka.

"Wiilkeyga isii," ayuuna lahaa. "Isii Muzammil."

Maher wuxuu raadinayay wiilka uu adeerka u yahay. Maadaama ay muddo labo sano ah isla joogeen dalka Liibiya, wuxuu u arkayay sidii inuu yahay wiil uu dhalay.

Wuxuu ka walwalsanaa waxa dhacaya oo ma aaminsaneyn in wiilka 18 jirka "uu badda isku biimeynayo".

Ninka uu ku qaylinayo wuxuu joogaa dhul keymo ah oo loo yaqaanno "campo" oo magaalada xoogaa ka baxsan. Waana halka ay ku sugan yihiin kooxo magafayaal ah oo dadka tahriibaya qafaasha ama ka tahriibiya dhinaca badda Mediterranean-ka.

Maher wuxuu sheegay inuu doonayo in wiilka uu adeerka u yahay uu baxo, balse san hadda ahayn. Wuu ogyahay qofka wax tahriibiya ama magafaha ah inuusan isaga ku kalsoonaaneyn. Doonta ay diyaariyeenna waxay ahayd mid aad u yar, matoorkeedana uu aad u yar yahay. Doontuna ma awooddo iney sii waddo ilaa Talyaaniga oo u jira masaafe dhan 500km.

Wuxuu ninkii campo ku sugnaa ka dhadhiciyey Muzammil inuu taleefanka iigu dhiibo. "Waxaanna ku iri, Muzammil ha bixin."

Waa sair lagu matalayo wiil saaran doon bac ka sameeysan

Hammiga Muzammil wuxuu ahaa wax kasta oo ay ku qaadataba inuu Yurub tago. "Ma seexdo," ayuu yiri Maher. "Sababta oo ah saaxibbadeen oo dhan waa ay tageen balse uu dooneyn inuu isagu tago."

"Waana waxa keli uu had iyo jeer ka fakarayo.

Laba jeer oo hore ayuu isku dayay inuu badda maro laakiin ay ciidamada ilaalada badda Libiya ayaa rabitaankiisii ka hor istaageen.

Wakaaladda xuduudaha Midowga Yurub ee Frontex waxay billaabeen howlgallo dhinaca cirka ah oo ay ilaalada badda Liibiya-na ay kula wadaagaan xogaha la xiriira doomaha tahriibayaasha wada ee xeebaha Liibiya ku soo aaddan ama ku dhow.

Maher marki koowaad ee la soo qabtay waxaa lagu soo celiyey Libiya kaddibna waxaa la geeyey xaruunta Tajoura ee tahriibayaasha wacyigelinta loogu sameeyo oo ku taalla bariga caasimadda Tripoli. Muddo labo bilood ah ayuu xaruuntasi ku sugnaa. Xaruunta waxay dadka lagu hayo kala kulmaan tacaddiyo, xadgudub iyo kufsi intaba.

Marki labaad ee la qabtayna, wuxuu qorsheeyey inuu orod ku baxsado marka uu xeebta gaaro. Wuxuuna diyaar u yahay markale inuu tijaabiyo.

Sawir lagu matalayo Muzzammil oo wax iibinaya iyo isaga oo dhakhtar noqday

Muzammil wuxuu jeclaa inuu Dhakhtar noqodo. Marweliba arrintaa ayuu ka hadlaa ayuu yiri adeerkii inta uu ku dukaameysanayey gaarigiisa khaaska ah.

Asal ahaan wuxuu ka soo jeeda dalka Suudaan isaga iyo qoyskiisana waxay ku noolaayeen xerada qoxootiga ee zamzam, oo ay ku sugan yihiin dadka ku naafoobay xilligii uu socday dagaalkii Daarfuur.

Sidoo kalana wuxuu ahaa nin aad ugu fiican waxbarashada oo fahmo badan balse markii uu 15 jir ahaa ayuu waxbarashada joojiyey oo uu billaabay fikradda ku saabsan dibadaha tago.

"Ma ahayn mid ku qanacsan joogitaanka xerada zamzam," ayuu yiri adeerkiis. "Marwelibana wuxuu arkaa walaalkii ka weyn, eeddadii iyo adeerkii oo jaamacado ka qalin jabiyey oo haddana hareerahiisa fadhiya oo aan wax camal ah haynin."

"Marka uu dhakhtar noqdana wuxuu ku hamminayey inuu dalkiisa Suudaan dib ugu soo laabto oo Isbitaal halkaasi ka dhiso, gabarna uu guursado."

Wuxuu sheegi jiray haddii uu UK nabad uu ku tago inta ay da'diisu 18 sano gaarin inuu doonayo inuu waxbarasho billaabo.

Marki ay da'diisu weynaatay wuxuu dareemay iney fursaddaasi ka gubatay.

"Mar walbana wuu hammiyaa arrintaas," ayuu yiri Maher. "Waa ilma yar. Wax uu kala ogyahay malahan."

Si la mid ah dhainyarada Suudaan intooda badan oo doonaya iney Yurub tagaan wuxuu u arkaa iney fududdahay.

Balse howsha ma ah mid si fudud looga gudbi karo, oo Liibiya ayaa ah caqabad, halkaasoo ay dhibaata aysan weligood ku fikirin kala kulmayaan.

.

Cali Ibraahim, waa wiil seddex sano ku sugnaa Liibiya oo doonayey inuu ka tallaabo badda Medittranean, wuxuu u arkaa Liibiya meel ay sharci darro ba'an ka jirto.

Dalka Liibiya waxaa ka socda dagaallo sokeeya oo u dhaxeeya maleeshiyaad iska soo horjeeda iyaga oo tahriibayaasha ula dhaqma sida ugaadha.

"Meel weliba qori iyo xabbad ayaa ka dhaceysa," ayuu yiri isaga oo sharraxaya waxa uu kala kulmay Liibiya. "Waxaa laga yaabaa inuu qof kaa qaato kabaha aad gashan tahay. Kaba fiican oo Nike ama Aididas iyo wixi kale oo fcn oo aad wadatidba way kaa qaadanayaan."

Cali wuxuu ka shaqeeya suuqa alaabta, halkaas ayuu dadka ugu qaadaa isaga oo curyaan ah. Inkastoo ay dumarka mararka qaar lacag siiyaan, raggu inta badan wax lacag ah ma siiyaan marka uu u xamaalo.

Mararka qaar wuxuu qabtaa shaqooyin adag. Cali hadda wuxuu ku nool yahay Faransiiska kaddib marki uu ku guuleystay safarkii uu ku aaday Malta oo uu Yurub u sii maray. "Baddu waa sida maandooriyaha oo kale," ayuu yiri. "Sida balwadda oo kale."

03:13

Doonta dhankeeda ayuu wicitaan taleefan ka yimid.

.

Carlos: Hello?

Ninki doonta saarnaa: Haa.

Carlos: Hadda waan isku dayeynaa… waxaan isku dayeynaa inaa la xiriirno ilaalada xeebta.

Ninki doonta saarnaa: Haa dhaqsada, sababtoo ah doonta aan wadano oo dhan biya ayaa ka buuxsamay.

Carlos: Ma biyaa ka buuxa?

Ninki doonta saarnaa: Haa. Haa.

Carlos: Inta tabartannada ah waan dadaaleynaa. Ma haysataan jaakadaha badbaadada ee lagu xirto biyaha?

Ninki doonta saarnaa: Waayahay.

.

Carlos iyo Jacinta waxay go'aansadeen iney farriin u diraan shaqaalaha gurmadka ee badaha dadka doomaha saaran ka soo badbaadiya.

"Waddada aan u mareyno wey sahlantahay," ayuu yiri Carlos. "Taleefan marka uu soo dhaco, waxaan weydiinnaa halka ay joogaan, kaddibna waxaan la xiriirinnaa ilaalada xeebaha. Wax intaa dheer ma sameyn karno."

Waxay noo sheegeen 91 qof iney doontu saran yihiin 79 rag ah, 5 dumar ah iyo 7 carruur ah.

"Doonteenna hadda wey sii dageysaa, gurmad degdeg ah ayaan u baahannahay," ayuu yiri ninki doonta saarnaa ee taeefanka soo dirayey. "Fadlan gurmad degdeg ah ayaan hadda u baahannahay."

Dabagal aan kala joogsi lahayn oo la sameeyey waxaa la ogaaday doonta iney ku sugan tahay badda caalamiga ah, ayna doontu ka fog tahay badda meel ay ka gaari karaan shaqaalaha gurmadka si ay u soo badbaadiyaan. Marka waxay isku dayeen iney hay'adaha dowliga ee Liibiya la xiriraan marka hore waxay kula xiriireen E-mail kaddibna taleefan ayey kula xiriireen. Nasiib darro dhanka hay'adahii dowliga ee Liibiya ee ay la xiriireen wax jawaab ah kama helin.

Kaddib waxay waceen madaxa ilaalada badda Liibiya, Korneel Mascuud Cabdulsamad. Laakiin lambarkiisa ayaa hawada ka baxay.

"E-mailadii aan dowladda Liibiya u dirnay ayaan la wadaagnay Malta iyo Talyaaniga," ayey tiri Jacinta. "Balse nasiib darro farriimihii la diray cidna kama soo jawaabin."

.

04:13

Doonti khatarta ku jirtay wicitaankeeda ma joojinin. Qofki soo wacayey waxaa la weydiiyey bal iney wax iftiin ah arkayaan iyo xaalkooda sida uu yahay.

Ninka doonta saaran: Waa annaga oo keli ah.

Jacinta: Waayahay, halka aad ku sugan tihiin markale ma ii sheegaysa?.

Ninka doonta saaran: Waxaan u baahannahay gurmad degdeg ah, waxaan u baahannahay gurmad noo gargaaro.

Men sitting on a deflated boat

05:15

Saacaddu markay ahayd xilligaas Jacinta iyo Carlos mar kale waxay la hadleen doontii. Xilligan xilliyadi hore wuu ka duwanaa. Ninka doonta dhankeeda ka soo hadlaya wuu qaylinayaa, dad baa badda isku tuuray, qaarkood wey geeriyoodeen. Gadaashiisana waxaa laga maqlayaa qaylada dadka doonta saaran.

Markale ayuu taleefanki go'ay.

Iney markale wacaan doonti ayey isku dayeen balse taleefankooda ma shaqeeynayo.

.

Saacaddu markay ahayd 08:55 wakhtiga Liibiya, Colonel Cabdusamad ayaa wicitaanka ka jawaabay.

Korneelki wuxuu sheegay inuu ninka ka sarreeya uu la xiriirayo, si ay uga wada hadlaan iney ciidamada ilaalada Liibiya ay doontaasi gurmad u fidin karaan iyo inkale.

Markale oo la isku dayay in lala xiriiro Korneelka wuxuu sheegay labo doon oo gurmad ah in goobta shilka uu ka dhacay ay u direen balse aysan helin wax caddeyn ah.

.

BBC oo isku dayday iney hadalka Korneel Cabdulsamad ay xaqiijiso uma suuragelin oo wicitaanka BBC Korneelka kama jawaabin. Wakhti xaadirkanna taleefankiisa ma shaqeynayo.

Balse lama hubo inuu Muzammil saarnaa doonta ay Carlos iyo Jacinta la xiriirayeen.

Hay'adda socdaalka Caalamiga ah ee IOM waxay sheegtay in doomaha tahriibayaasha ee ka kicitima xeebaha Liibiya ee Yurub u socda au sii laba jibbaarmeen xaaladda amni darro ee Liibiya ka taagan awgeed.

IOM waxay diiwaan gelisay 258 qof iney dhinteen ama geeri iyo nolol aan lagu hayn oo ku lumeen badda Medittranean ilaa iyo horraanti sanadkan.

Sunrise illustration

Maher wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay wiilka uu adeerka u ahaa inuu saran yahay doonti degtay balse wuxuusan rumeysneyn inuu shilkaasi dhintay.

Sida uu dhigayo dhaqanka dalka Suudaan qofki la waayo geeri laguma tiriyo ilaa sanad laga gaarayo.

Balse wuxuu ka welwelayaa doomaha aadka u yar ee badbaadinta muhaajiriinta badda ku safra loogu tala galay iney u gurmadaan.

"Mar kasta oo aad badda mareyso, waxaad u dhaxeysaa geeri iyo nolol" ayuu yiri.

Sawirrada farshaxanka ah waxaa sameeyay Charlie Newland