Dhegeyso: Dhacdo naxdin iyo farxad isugu jirta oo qabsatay qoys uu saameeyay qaraxii Beledweyne
Dhibaataooyinka ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ka mid ah in qoys u haystay wiilkoodu inuu ku dhintay qaraxa ay meydkii soo qaateen si ay u aasaan, hasa yeeshee maalintii xigtay uu wiilkoodii oo dhaawac ah kasoo wacay magaalada Muqdisho.
Wiilkan ayaa isla habeennimadii xalay loo qaaday magaalada Muqdisho. Qoyska ayaa arintaasi ku sababeeyay in meydka oo gubtay ay aad u adkaatay in la garto.
Kaaho Xasan Xuseen oo habaryar u ah wiilkaasi ayaa BBC-da uga warrantay sida uu xaalkoodu noqday, waxayna u warrantay weriye Aadan Maxamed Saalimiin.










