Gabar gashay qallin ay rabtay in lagu dheerayo balse ku soo idlaay fashil iyo in ay dacweyso dhaqtarkeedii

ELAINE FOO

Xigashada Sawirka, ELAINE FOO/SUPPLIED

Elaine Fu waxaa lugaheeda ku yaalla calaamado midabkoodu xigo buluug mugdi ah, kuwaas oo ah xusuustii qalliin ay isku dheereyn leheed balse six un ku dhamaaday.

Sanadkii 2016 kii ayaa gabadhaan 49 jir ah waxay gashay ilaa shan qalliin, iyo saddex jeer oo lafaheeda la jabiyay. Dhammaan qalliimadaas oo ay lacag xoog leh ku bixisay ayaa waxay ku dambeysay in ay dacwad maxkamadeed ka gudbiso dhaqtarkii qalay iyada.

Balse kiiska dacwadda ee u dhaxeeyay iyada iyo dhatarka ayaa waxa uu is afgarasho ku soo dhamaaday bishii July.

Intii ay ku jirtay hawsha daawaynta kadib markii ay qalliinka gashay, ayaa waxaa bir af-dhuubani ka gashay lafta dheer ee luga, iyada oo sidoo kale caabuq ka galay aaggaas.

Dhaqtarkii iyada dawaynayay ayaa waxa uu marar kala duwan iska fogeeyay in uu wax dhibaato u geysanaya gabadhaas uu sank u sameyn intii uu gacanta ku hayay daawaynteeda. Isaga oo sheegay in dhibaatooyinka ku dhacay gabadha ay iyadu sabab u ahayd.

ELAINE FOO

Xigashada Sawirka, ELAINE FOO/SUPPLIED

‘Waxaan rabay in saddex enji igu darsoonto’

Elaine waxay muddo hore tagtay xarun caafimaad oo ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska, taas oo sameysa qalliimada dadka lagu dheereeyo, balse si ay wax uga ogaato shaqadooda.

Ninka goobta ka shaqaynayay oo ah kuwa dadka u juciya jirka, oo yaqaana sida xaruntu u shaqayso ayay la kulantay, waxa uuna u tilmaamay dhaqtar lagu magacaabo Guichet Nail.

Elaine ayaa waxay tiri: “Waan farxay sababtoo ah waxaan ogaaday in aniga oo jooga London la ii sameyn karo qalliinkaan. Sidoo kalana aan isla halkaan ku bogsan karo.”

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Dr. Guichet si cad ayuu iigu dharraxay waxyaabaha ka dhalan kara qalliinkaan. Waxa uu ii sheegay in ay dhaawac u gaysan karto neerfayaasha, xididada dhiigga, iyo lafaha oo is dhaafa.” ayay tiri.

“Waxaan sameeyay baaritaan farabadan, dhaqtar aad qaali u ahna wuu ahaa kan aaday. Sidaas daraadeed waxaan I gashay rajo badan. Riyadeydu waxay eheed in saddex inji uun igu darsoonto.

Waxay gashay qalliin ay uga baxday ilaa $50,000 oo doolarka Maraykanka ah, halkaas ayayna ka bilaabay riyadii dheeraanshaha Elaine.

Medical facilities for leg lengthening are relatively uncommon. But this medical

Inkasta oo aysna adduunka sidaas ugu badnayn xarumaha caafimaad ee sameeya qalliimada nuucaan ah, ayaa hadana waxaa laga helaa isbitaalada waawayn ee gaarka loo leeyahay.

Qalliinkaan ayaa ah mid la jarayo hilibka bowdada, kadibna lafta dheer ee bowdada ayaa la jabiyaa, waxaana la dhex galiyaa cad bir ah.

Muddo kadib ayaa waxaa lafi ku sameysantaa intii u dhaxeysay labada lafood ee la jabiyay oo markii horaba aad u yarayd.

Markii ay ad isku qabsadaan labada lafood, ayaa waxaa mar kale la jabiyaa bowdada, waxaana la galiyaa bir kale, si laf kale ugu kortay meesha laga jabayay laftii asalka eheed ee bowdada.

Qalliinkaan ayaa ah mid shaqo dheer qatarba wata.

Elaine waxay sheegtay in ay aad xiiso ugu qabtay qalliinka oo iyada oo aan dareeminba uu bilowday, balse waxay sheegtay in muddo 90 daqiiqo ah kadib ay dhex gashay xanuun aan caadi ahayn, maadaama qalliinkaan uu yahay mid la jaro jirka, lafahana la jabinayo.

ELAINE

Xigashada Sawirka, ELAINE FOO/SUPPLIED

‘Laf dhabarta oo qalloocatay’

Markii la joogay laba bilood, lugteeda midig waxaa ku darsoontay 7 cm. Laakiin wax badan ayaa iska badlaay sidii caadig ahayd. Labada lugood ayaa kala gaabtay, taas ayaana sababtay in laf dhabartu ay qalloocanto gabadha.

Muddo lix todobaad ah kadib ayaa waxaa la baaray lafaheeda, waxaana la ogaaday in lugta midig lafaha ku jiray aysna koraynin.

Elaine ayaa markaas waxay go’aansatay in ay gasho qalliin kale oo ay u aadeyso Talyaaniga. Bishii Aprill ee sanadkii 2017 dii, ayaa dhaqaatiirtu waxay bilaabeen qalliin, iyaga oo dhuux ku shubay gudaha lafta bowdada ee Elaine, si ay u korto laftu.

Eliane waxay maxkamad la aaday dhaqtarkii qalliinka ku sameeyay markii hore, balse isagu waxa uu sheegay in wax qalad ah oo qalliinka la xariira uusan ku sameynin Elaine ee iyadu aysan raacin dhamaan talooyinkii uu siiyay qof fidinta jirka ku taqaqusay. Warkaas oo ay Elaine been ku tilmaantay.

Balse ugu dambeyntii bishii July ayaa kiiska gabadhaani waxa uu ku soo dhamaaday in dhaqtarku uu siiyo Elaine lacag badan.