'Kala bar saaxiibbaday ayaa la dilay' gabdhihii ku soo noqday iskuul uu dagaalku ku qabsaday

Labada mataano ee Makarem iyo Ikram waxay ku sugnaayeen fasallo kala duwan markii duqeyntu bilaabay
Qoraalka sawirka, Labada mataano ee Makarem iyo Ikram waxay ku sugnaayeen fasallo kala duwan markii duqeyntu bilaabay

Waxay ahayd maalin caadi ah ee matanaahan 18 jirka ah Makarem iyo Ikram, markii iskuulkooda uu dagaalku qabsaday.

Makarem waxay ku jirtay fasalka suugaanta Ingiriisiga, Ikraana waxay ku jirtay cashar saynis ah markii ay maqleen "dhawaq aan caadi ahayn" oo kasoo baxaya dibadda iskuulka ku yaal dalka Sudan.

Markaas ayey duqeyntu bilaabatay.

Makarem waxay sheegtay in garabkeedu 'uu jabay' markii ay wax ku dhaceen. Iyadoo qeylinaysa, asxaabteedii ayaa dhulka ku dhacay si ay uga baxsadaan duqeynta una helaaan meel ay ku gabadaan.

"Waxaan ku gabbanay derbiga agtiisa gabadhii iga horreysay ayaa gacanteeda saartay garabkayga waxayna tiri, 'Garabkaaga wuu dhiigayaa.'"

Jahwareerka dhexdiisa, labada walaalaha ah oo kala joogay fasallo kala duwan, waxa ay isku dayeen inay is helaan laakiin ma aysan u suurtoobin. Markii danbe, Ikraan waxay raadisay walaasheed, iyadoo aan ogeyn in loo qaaday isbitaal.

Sida kuwa kale ee dhaawacmay, Makarem waxaa isbitaalka geeyay dad degaanka ah oo dhaawacyada ku qaaday gaari iyo gaari dareemo, maadaama aanay jirin adeeg ambalaas ah magaalada uu iskuulku ku yaallo ee el-Obeid.

Ugu dambeyntii, macallimiinteeda iyo ardadii fasalka ay wada dhiganayeen ayaa ka dhaadhiciyay Ikraan inay iska dhaafto raadinta oo ay gurigeeda aado.

Waxa ahayd kaliya markii Makarem ay ka soo noqotay isbitaalka maalintaas goor dambe oo ay qoyskeedu ogaadeen inay wali nooshahay.

"Waxaan ka sugayay albaabka hore ee banaanka, markii aan arkay iyada oo imaanaysa a dhammaanteen waan ooynay," ayey tiri Ikraan, oo ku sugneyd qayb ka mid ah iskuulka oo aanay duqeyntu wax-yeelleyn, sidaas darteed aanay u dhaawacmin.

Duqeyntu waxay ku reebtay Makarem qayb yar oo firir ah madaxeeda. Waxaa ay halkaas ku sii jirtaa in ka badan sanad kaddib.
Qoraalka sawirka, Duqeyntu waxay ku reebtay Makarem qayb yar oo firir ah madaxeeda. Waxaa ay halkaas ku sii jirtaa in ka badan sanad kaddib.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Macallinkii Ingiriiska ee Makarem iyo Ikraan iyo 13 arday oo kale ayaa lagu dilay dagaalka ka dhacay iskulka gabdhaha Abu Sitta, ee ku yaal el-Obeid, gobolka Kordofan ee Waqooyi, bishii Agoosto 2024, iyadoo tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen. Iskuulka guud ahaan waxaa dhiganeyey ku dhawaad 300 arday.

Maamulka gobolka ayaa ku eedeeyay kooxda sida milateriga u tababaran ee Rapid Support Forces (RSF) - oo dagaal kula jirta ciidanka Sudan inay duqeynta fuliyeen.

RSF weligeed kama hadlin dhacdadan mana ka jawaabin codsiga BBC ee in ay ay jawaab ka bixiso. Lama hubo haddii duqeynta iskuulka lagu garaacay ay mid ula kac ah ahayd.

Makarem waxay sheegtay in kala bar saaxiibadeeda iskuulka lagu dilay halka kala bar kale ay ku dhaawacmeen.

Iyada oo ka dhaawacantay garabka, sidoo kale waxa uu dhaawac kasoo gaaray madaxa, laakiin isbitaalka ayaa lagasoo saaray iyadoo la siiyay daaweyn aasaasi ah.

Laakiin dhowr maalmood kadib, markii madax xanuun daran uu soo ifbaxay, waxaa lagu sameeyay CT-scan taas oo muujisay in qayb yar oo firir ah uu madaxeeda ku jiro.

" Aad ayey ii xanuuntaa, waxa aan qaatay dawooyin badan oo xanuun baabi'iyo ah," ayay tiri.

Khariidada Suudaan, oo ay ku jirto magaalada uu qaraxu ka dhacay, el-Obeid
Qoraalka sawirka, Khariidada Suudaan, oo ay ku jirto magaalada uu qaraxu ka dhacay, el-Obeid

Dagaalkii sokeeye ee Suudaan wuxuu bilaabmay bishii Abriil 2023 wuxuuna sababay dhimashada in ka badan 150,000 qof iyo barakicinta malaayiin qof.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dalka uu hadda wajahayo dhibaata bani'aadamnimo tii ugu xumeyd adduunka.

Qiyaastii 13 milyan oo ka mid ah 17 milyan oo carruur ah oo da'da iskuulka ku jira Suudaan ayaa iskuuladaka maqan, sida laga soo xigtay QM.

Iskuulka Abu Sitta ayaa la xiray muddo saddex bilood ah ka dib weerarka intii lagu guda jiray dayactirka.

Makarem iyo Ikraan waxay markii hore sheegeen inaysan qiyaasi karin inay ku laabtaan halkii saaxiibadood iyo macallinkoodii lagu dilay.

Laakiin markii aan arkay saaxiibadayda oo soo laabanaya oo ii sheegaya in wax walba hagaagsanyihiin, ayaan go'aansaday inaan soo laabto," ayey tiri Ikraan.

Si kastaba ha ahaatee, ku soo noqoshada iskuulka waxay dib u soo celisay xasuuso xanuun leh.

"Mar walba ayaan indhaha isku qabtaa marka aan marayo waddada fasalka si aanan u eegin meesha duqeyntu ka dhacday," ayey tiri Ikraan.

Arday badan ayaa helay taageero maskaxeed markay ku soo laabteen dugsiga, ayuu yiri maamulaha dugsiga Iman Axmed.

Sariiraha iyo kalkaaliyayaashaba aya ala diyaariyay si ardayda dhaawacan ay imtixaankooda ugu qaadan karaan si raaxo leh.

In kasta oo El-Obeid weli lagu weerarayo weerar drone ah oo soo noqnoqda, ardayda iskuulka waxay ku ciyaarayeen oo ku qoslayeen fagaaraha markii BBC ay booqatay bishii Diseembar.

Ikram waxay sheegtay inay caadi ahaan indhaha isku qabato marka ay waddada fasalka ku sii socoto si aysan u eegin meesha duqeyntu ka dhacday
Qoraalka sawirka, Ikram waxay sheegtay inay caadi ahaan indhaha isku qabato marka ay waddada fasalka ku sii socoto si aysan u eegin meesha duqeyntu ka dhacday

Maamulaha dugsiga wuxuu ku sifeynayaa go'aanka gabdhaha ee ay ku sii wataan waxbarashadooda, wax kasta oo ku dhacay, "inay tahay qaab muujinaysa adkeysi iyo daacadnimo kuwii ka dhintay."

Laakiin xaaladda carruurta isku dayaysa inay wax bartaan ee ku sugan El-Obeid weli waxa haysta caqabad.

Magaaladu waxay ku jirtay go'doon ay saareen RSF in ka badan hal sano iyo bar, ilaa ciidamada Sudan ay dib u qabsadeen maamulkeeda bishii Febraayo 2025.

Inkastoo hadda ay jirto deganaan guud, dugsiyo badan ayaa loo bedelay hoy loogu talagalay dadka dagaalka ka cararaya.

El-Obeid waxay martigelisaa ku dhawaad hal milyan oo qaxooti ah oo ku kala sugan meelo kala duwan oo hoy ah, sida uu sheegay madaxa gargaarka bini'aadminimo ee dalka.

Ibtisam Ali, oo ah arday dugsi sare oo la beddelay, waxay sheegtay inaysan ka bixi karin fasalkeeda ilaa dhammaadka maalinta iskuulka sababtoo ah goobaha waxaa ka buuxa dad barakacay.

"Xitaa musqusha in aan aado waxay nagu noqotay dhibaato," ayay tiri.

Walid Mohamed Al-Hassan, wasiirka waxbarashada ee gobolka Kordofan ee Waqooyi, wuxuu sheegay in joogitaanka qoysaska barakacay ee dugsiyada uu sababay dhibaatooyin ay ku jiraan nadaafadda - laakiin kuwaasi waa "xaaladaha dagaalka iyo dhibaatada dagaalka".

Dugsiga Abu Sitta waxaa la xiray muddo saddex bilood ah intii dib-u-habayn lagu sameynayay. si ka duwan qaar ka mid ah dugsiyada kale ee magaalada, looma bedelin hoy dadka ku barakacay dagaalka sokeeye ee Suudaan
Qoraalka sawirka, Dugsiga Abu Sitta waxaa la xiray muddo saddex bilood ah intii dib-u-habayn lagu sameynayay. si ka duwan qaar ka mid ah dugsiyada kale ee magaalada, looma bedelin hoy dadka ku barakacay dagaalka sokeeye ee Suudaan

'Rajo ayaan qabaa'

Inkasta oo dagaalka iyo waxyaabahaasi dhaceen Makarem iyo Ikraan, oo hadda jira 19 sano, waxay ku raja wanaagsanyihiin mustaqbalkooda.

Ikraan waxay dhammaysatay waxbarashadeeda iskuulka waxayna hadda Ingiriiska ka dhigataa jaamacadda el-Obeid.

Waxa dhiirrigeliyay macallimadeeda Ingiriisiga, Fathiya Khalil Ibrahiem, oo lagu dilay weerarka.

Geerida saaxiibbadeed la dilay ayaa ka dhigay inay sii go'aansato inay dhammaystirto waxbarashadeeda, ayay tiri.

"Mar walba waxaan is xasuusinayay sii wadida hamiggooda si aan u gaaro waxa ay iyagu awoodi waayeen."

Makarem, dhanka kale, waxay rabtaa inay noqoto dhakhtar sida kuwii daweeyay kadib dhaawaca.

Waxay ka gudubtay imtixaanaadka dugsiga sare laakiin ma aysan gaarin dhibcaha loo baahnaa si ay u barato culuunta caafimaadka ee jaamacadda.

Makarem waxay sheegtay in firirka madaxeeda ku jiray, oo aan qaliin lagu saari karin, ay markii hore ku adkaatay inay wax barato.

Inkasta oo dagaalka iyo waxyaabahaasi dhaceen Makarem iyo Ikraan, oo hadda jira 19 sano, waxay ku raja wanaagsanyihiin mustaqbalkooda.

Ikraan waxay dhammaysatay waxbarashadeeda iskuulk, waxayna hadda Ingiriisi ka dhigataa jaamacadda el-Obeid.

Waxa dhiirrigeliyay macallimadeeda Ingiriisiga, Fathiya Khalil Ibrahiem, oo lagu dilay weerarka.

Geerida saaxiibadeed la dilay ayaa ka dhigtay inay sii go'aansato inay dhammaystirto waxbarashadeeda, ayay tiri.

"Mar walba waxaan is xasuusinayay sii wadida hamiggooda si aan u gaaro waxa ay iyagu awoodi waayeen."

Makarem, dhanka kale, waxay rabtaa inay noqoto dhakhtar sida kuwii daweeyay kadib dhaawaca.

Waxay ka gudubtay imtixaanaadka dugsiga sare laakiin ma aysan gaarin dhibcaha loo baahnaa si ay u barato caafimaadka jaamacadda.

Makarem waxay sheegtay in firirka madaxeeda ku jiray, oo aan qaliin lagu saari karin, ay markii hore ku adkaatay inay wax barato.

"Kaliya waxaan awooday inaan wax barto saacad kadibna aan nasto saacad kale. Aad ayey iigu adkaatay."

Dr Tarek Zobier, oo ah dhakhtar neerfaha oo ku sugan Suudaan, ayaa sheegay in saamaynta caafimaad ee firirka madaxa gala ay ku kala duwan tahay qofka.

Qaar ka mid ah dadka lama kulmaan wax calaamado ah waxayna noolaan karaan iyaga oo aan u baahnayn daweyn caafimaad.

Laakiin haddii calaamado daran, sida murqaha oo xanuun la dareemo, waxaa laga yaabaa in qaliin loo baahdo.

Makarem, xanuunku hadda ma aha mid joogto ah, inkasta oo uu sii xumaado xilliga qaboobaha. Waxay ku tiirsan tahay daawooyinka xanuunka marka loo baahdo. Waxay go'aansatay inay sanad dugsiyeedkeeda ku celiso si ay imtixaankeeda mar kale u gasho.

"Waxaan aaminsanahay inaan gaari doono dhibcaha aan hiigsanayo." "Mustaqbalka waan rajaynayaa," ayay tiri.