Faa'iidooyinka la yaabka leh ee koob oranjo ahi u leeyahay jirka bini'adamka

Liin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Joogtaynta cabista galaas liin macaan ah ayaa la sheegay inuu faa'iido badan u leeyahay caafimaadkaaga.

Sida dadka qaar haddii aad jeceshhaay in subaxii quraacdaada ay ka mid ahaato koob qabow oo liin macaan ah oo la miiray, dhibaatadaadu waa in cabitaankan macaan ee liinta laga sameeyo in ay muddo ku qaadato jirka inuu la qabsado

Inkasta oo liintu ay ka buuxaan fitamiinno jirka u wanaagsan marka loo cabo qaab cabitaan ah, haddana khubarradu waxay ka digayaan in cabitaanka liinta uu keeno in si degdeg ah ay kor ugu kacdo sokorta dhiigga. Muddo ka dib, kororka sonkorta ee maalinlaha ah ay keeni karto in jirku u adkaysto insulin-ka, taas oo kordhin karta halista uu qofka ugu jiro; macaanka, cudurrada wadnaha ku dhaca iyo cayilka.

Taasi waa fakarka guud ee ay qabaan culimada caafimaadk, balse cilmi-baaris cusub ayaa muujineysa, si kasta oo ay sokorta ugu badan tahay liin macaanta, hadana haddii subax kasta laga cabo koob in ay jirka u leedahay faa'iidooyiin caafimaad oo kala duwan.

Oranjo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marka hore, daraasadaha lagu sameeyo dad kala duwan muddo dheer waxa ay muujinayaan in dadka cuna liiinta ay ku yartahay halista iney ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo istaroogga. Si kastaba ha ahaatee, inta badan daraasadaha waaweyn waxay dadka waydiiyaan inta liin ee ay cunaan, balse ma weydiiyaan inta xabo oo cabitaan ah ee ay cabbaan. Cunista liinta oo dhan waxay jirka ku yeelan kartaa saameyn aad uga duwan cabista cabitaankeeda.

"Ugu horreyn waa waqtiga ay qaadaneyso cunista," ayuu yiri Federico Amati, oo ah saynisyahan ku takhasusay nafaqada kana tirsan Jaamacadda Imperial College London ee UK. Amati waxa uu tilmaamay in haddii aad cunto laba ama saddex liin taas oo ah celcelis ahaan tirada laga sameeyo koob yar oo cabitaan liin ah ay waqti dheer kugu qaadanayso inaad calaliso oo aad liqdo/cunto,."

Wuxuu intaas ku daray, "Xaqiiqdii, dadka badankood ma jeclaan lahaayeen inay cunaan laba ama saddex liin, sababtoo ah waa tiro badan. Laakiin marka aad cabbayso koob yar oo casiir ah, dhowr ilbiriqsi gudaheed ayuu dhammaanayaa."

Noocyada miraha oo dhan, waxay hodan ku yihiin fiber, kaas oo quudiya bakteeriyada wanaagsan ee ku jirta mindhicirka, isla markaana keeneysa faa'iidooyin caafimaad sida hoos u dhaca halista cudurrada wadnaha iyo kansarka mindhicirka weyn. Fiber-ku wuxuu kaloo gaabiyaa sida sonkortu ugu qulqulayso dhiigga.

Cabitaanka liinta iyo cabitaannada kale ee dhirta waxaa lagu sameeyaa burburin iyo si daran loo shiido, taas oo ka qaadda inta badan fiber-kooda.

Si kooban cunista liinta ayaa ka halis yar cabitaanka koobka liin macaanta ah. "cabista liinta ayaa deg deg badan marka la cunayo" ayuu yiri Amati.

Caafimaadka wadnaha iyo maskaxda ay u leedahay liinta

Oranjo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kast oo ay ugu jirto sokor badan, hadan waxaa weli jir talooyin sheegaya in cabista cabitaanka liinta si joogto ah ay keeni karto faa'iidooyin caafimaad. Tusaale kowaad, meta-analysis 500ml pp cabitaan liin macaan maalintii ah wax ay keentay hoos u dhac ku yimid heerarka sonkorta dhiigga, hagaagidda shaqada insulin-ka, iyo hoos u dhaca heerarka lipoprotein-ka oo sababa ' beer sugga xun'. Dhammaan astamahaasi waa astaamo muujinaya caafimaad wanaagsan oo wadnaha ah.

Qiimeyn kale oo la sameeyey waxa ay sheegeysaa in qofka caba liinta si joogta ah dhawr todobaad waxaa yaraada halista uu ugu jiro dhiig karka, cayil degdeg ah, sidoo kalena waxaa sare u kaca cufka Lipoprotein-ka, kaas inta ku shaqada xeerta wanaagsan.

Koob cabitaan liin macaan ah waxa uu ka wanaagsan yahay cabitaannada kale ee ay sokorta ku badan tahay ee ay dadka cabaan, faa'iido ahaan waxa uu kordhiyaa sawoodda haqada maskaxda muddo gaaban.

Liinta waxaa ka buuxa fitamiinka nooca loo yaqaanno Vitamin C, kaas oo sare u qaada difaaca jirka, maadada birta ee jirka ku jirta, sidoo kale waxa ay jirka ka caawisaa inuu helo dhalaal ama iftiin dabiiici ah. xitaa waxaa la tilmamaa in ay ku jiraan liinta maadooyinka miniraalka, kaalshiyaamka iyo botaasiyaamka (Vitamin B).

Faa'iidooyiinka ay khashinka kirka uga saarto liinta

Sababta loogu maleenayo in liintu door fiican ku leedahay caafimaadka wadnaha iyo maskaxda, wa in ay ku jiraan maaddo loo yaqaan flavonoids, taas oo kamid ah maaddooyinka dhirta miraha leh ay leeyihiin, taas oo dhirta siisa midab dhalaalaya isla markaana ka caawiya inay iska difaacdo walbahaarka iyo caabuqa.

Flavonoids-ku waxay leeyihiin maaddooyin caawiya in jirka uu iska saaro sunta, taas oo micnaheedu tahay in liintu ay ka falcelin karto kiimikooyinka waxyeelleyn kara unugyada isla markaana dedejin kara gabowga, waxa sidoo kale leedahay awooddooda ka-hortagga bararka (anti-inflammatory).

Dadka da'da ah waxa ay si aad ah liintu uga caawineysaa in wareegga dhiiigga uu ahaado mid wanaagsan, difaaca jirkoodana uu iska difaaci karo weerarada kaga imaanaya bakteeriyada xun.

Caabitaanka oranjiga ee ugu wanaagsan

Dhaqaatiirta ay BBC-du la hadashay waxa ay si isku mid ah u tilmaameen dhammaan cabitaannada laga sameeyo geed miroodyada kala duwan ay faa'iido u leeyihiin bini aadamka, balse liin macaanta ay ka faybar badan tahay kuwa kale.

Si kastaba ha ahatee, waa inaad ku dedaasho cabitaanka aad cabeyso in la miiro oo aan lagu shiidin makiinad ama shey kale. Waa inaad iska ilaaliso kuwa maqaayada lagu gado ee siyaabo kala duwan loo sameeyo, marka aan la miiriin liinta waxaa ka dhimanaya macdan iyo fitamiinno badan oo aan ka heli lahayn.

"waxa ay ila tahay nolosha maalinlaha ah, waxaa wanaagsan inaad hesho laba ama sadex mar todobaadkii koob/galaas cabitaan saafi ah oo liin macaan ah, kaas oo aan lagu darin wax sokor ah.". Ayuu yiri Amat.