TOOS, Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka oo u ruqaansaday xeebaha Iiraan

Maraakiibta ayaa ku sii jeeda xeebaha dalka Iran iyada oo uu hogaaminayo markabka USS Abraham Lincoln

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne hore Farmaajo oo dowladda Soomaaliya farriin u diray

    Farmaajo

    Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dagaalkii labaadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacayay deegaanka Kudhaa ee hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose.

    Dagaalka oo ku bilowday weerar al-Shabaab ku qaadeen goobo ay ku sugnaayen ciidamada Jubaland, ayaa markii dambe oo shalay ahayd mamaulka Jubaland waxey sheegeen in dagaalka ay ku jabiyeen Shabaab isla markaana ay ka sifeeyeen deegaankaasi.

    Haddaba Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa yiri: waxaan bogaadin iyo dhiirrigelin u dirayaa geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo guul muhiim ah ka keenay dagaalka sifeynta ah ee ay kula galeen argagixisada Alshabaab deegaanka Kudhaa iyo nawaaxigiisa,”.

    Madaxweyne hore Farmaajo oo bartiisa Facebook qoraal ku baahiyay ayaa intaasi ku daray “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku adkaynaynaa in ay xoojiso mudnaan-siinta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka,”.

  2. Daawo: Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo si fasiix ah luqadda Hindiga waraysi ugu bixinaya

    Rai'sul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka ee soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka yaabiyay dadka dalka Hindiya, xilli uu ka jawaabayay su'aal uu waydiiyay mid ka mid ah warbaahinta Hindiya.

    Mr Saalax ayaa waxaa su'aal afka Ingiriska ku waydiiyay wariye taasi oo la xiriirtay hadalada Trump ee ka dhanka ah Soomaalida.

    Balse markii uu jawaabta su'aasha bixinayay ayaa waxaa uu hal mar la soo booday jawaab ka yaabisay weriyaha, isaga oo ku hadlay afka Hindiga.

    Wariyihii su'aasha waydiinayay ayaa la fajacay jawaabta afka hindiga isaga oo yiri afka Hindiga ayaad ku si fiican uga hadlaysaa.

    Saalax wuxuu sheegay in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ay ka mid yihiin Soomaali badan oo wax ku soo bartay Hindiya. Hoos ka daawo waraysiga oo warbaahinta India Today ay ka qaadday isagoo jooga Davos, Switzerland.

    Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo luqadda Hindiga waraysi ugu bixinaya
  3. Trump oo warqad ogeysiis ah u qoray ra'isul wasaaraha Canada

    Trump

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ka noqday casuumaaddii uu Canada ugu fidiyay inay ku biirto waxa loogu yeero “Guddiga Nabadda”, taasoo ah dhacdadii ugu dambeysay ee muujinaysa xiisadda u dhexeysa labada dal ee deriska ah ee Waqooyiga Ameerika.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, Trump ayaa si toos ah ula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Kanada, Mark Carney, isagoo yiri: “Fadlan u tixgali warqaddan ogeysiis ahaan in Guddiga Nabadda uu ka laabtay casuumaaddii laguu fidiyay ee ku saabsan xubinnimada Canada.”

    Go’aankan ayaa yimid maalmo kaddib markii Carney uu ka digay in ay jirto “dul-duleelo” ku yimid nidaamka caalamiga ah ee uu hoggaamiyo Maraykanku.

    Ottawa ayaa muujisay rabitaankeeda ah inay ku biirto guddiga, balse waxay caddeysay in aysan bixin doonin khidmad xubinnimo oo dhan $1 bilyan, taas oo Trump sheegay in xubnaha joogtada ah looga baahan doono si loogu maalgeliyo guddiga.

  4. Madaxda Iran iyo Ukraine oo foodda is-daray, maxay isku hayaan?

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi

    Hadalladii dhawaan uu jeediyay Madaxweynaha Yukreyn, Volodymyr Zelensky, intii lagu guda jiray Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, Switzerland ayaa waxaa ka jawaabay Abbas Araghchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

    Mr. Araghchi ayaa Madaxweynaha Ukraine ku yiri barta X:“Wuxuu mariyay jeebka canshuur-bixiyeyaasha Maraykanka iyo Yurub si uu ugu shubo jeebabka janaraalada musuqmaasuqa ah ee dalkiisa, isla markaana ula dagaallamo waxa uu ugu yeero weerar sharci-darro ah oo ka hor imaanaya Dastuurka Qaramada Midoobay.”

    Wuxuu sidoo kale yiri:“Isla waqtigaas, si furan oo ceeb leh ayuu ugu baaqayaa weerar sharci-darro ah oo Maraykanka ka dhan ah Iran, isagoo jebinaya isla Dastuurka Qaramada Midoobay.”

    Mr. Araghchi wuxuu intaa ku daray in, ka duwan ciidanka Ukraine:“Annaga Iraniyiinta ahaan, waxaan ognahay sida aan iisu difaaci karno, mana u baahnin inaan ka baryno caawimaad ajnabi.”

    Madaxweynaha Ukraine ayaa shalay sheegay in banaanbaxayaasha Iran “ku hureen dhiiggooda, balse dunidu si ku filan u taageerin.”

    Khudbaddiisa Madasha Davos, Zelensky ayaa dhaleeceeyay taageerada aan ku filnayn ee banaanbaxayaasha, isagoo yiri:“Tani waa xaqiiqada. Waxay taagnaayeen gees. Yurub, waxaa jiray dabaaldegga Kirismaska iyo Sanadka Cusub. Laakiin markii siyaasiyiintu shaqada ku soo laabteen oo ay muujiyeen mowqifkooda, ayatollah-wuxuu dilay kumanaan qof.”

  5. Faransiiska oo gacanta ku dhigay markab shidaal oo looga shakisan yahay Ruushka

    Markabka Grinch ayaa kasoo shiraacday magaalada Murmansk ee waqooyiga Ruushka, sida ay sheegeen saraakiisha Faransiiska

    Xigashada Sawirka, Emmanuel Macron/X

    Qoraalka sawirka, Markabka Grinch ayaa kasoo shiraacday magaalada Murmansk ee waqooyiga Ruushka, sida ay sheegeen saraakiisha Faransiiska

    Faransiiska ayaa sheegay inuu gacanta ku dhigay markab siday shidaal oo ku sugan Badweynta Mediterranean-ka kaasi oo looga shakisan yahay inay qayb ka tahay “shidaalka cunaqabatynta ay saaran tahay” islamarkana uu Ruushka jebinayo cunaqabateynta.

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in markabka, oo lagu magacaabo Grinch, sidaalka saaran uu “hoos imaaneyo cunaqabateynta caalamiga ah isla markaana looga shakisan yahay inay calan been abuur ah uu sitay.”

    Ciidamada Badda Faransiiska, iyagoo kaashanaysa saaxiibo ay ka mid yihiin UK, ayaa fuulay markabka Khamiistii inta u dhaxeysay Spain iyo Morocco.

    Hay’adaha badda ee Faransiiska ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyay Markabka uu “shaki geliyay sax ahaanshiyaha calanka ka babanayay Markabka”.

    Safaaradda Ruushka ee Paris ayaa sheegtay in aan loo soo gudbin wax war ah oo ku saabsan qabsashada Markabka.

  6. Wadahadalada Ukraine: arrinta dhulka oo wali la isku mari'la'yahay

    Madaxwaynaha Ukraine

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha Ukraine

    Ruushka, Ukraine iyo Maraykanka ayaa maanta qorsheynaya inay yeeshaan wadahadallo nabadeed oo saddex-geesood ah oo ka dhici doona Bariga Dhexe — taasoo calaamad u noqonaysa waxa la filayo inay noqoto markii ugu horeysay ee saddexda dal ay kulan wada joogaan tan iyo markii Moscow ay bilowday duulaankii buuxa ee Yukreyn bishii Febraayo 2022.

    Kulankan ayaadaba socda ka dib kulan ku dhexmaray moscow Madaxweyne Vladimir Putin iyo wakiillada Maraykanka Steve Witkoff iyo Jared Kushner xalay magaalada Moscow.

    Kaaliye ka tirsan Kremlin, Yuri Ushakov, ayaa ku sifeeyay wadahadallada inay yihiin “kuwa muhiim ah, oo wax dhisaya, oo si daacad ah loo wadahadlay”, laakiin arrimaha dhuleed ayaa weli ah meel adag.

    Volodymyr Zelensky, Madaxweynaha Ukraine, ayaa sidoo kale ayaau sheegay wariyeyaasha Davos shalay:“Wax walba waxay ku saabsan yihiin dhulka. Tani waa arrin aan weli xal loo helin.”

  7. Wiilka ugu yar caruurta Trump oo wacay booliiska UK, hadaba muxuu u sheegay?

    Barron Trump oo ah canugga shanaad ee madaxweynaha ayaa sheegay in uu baraha bulshada kula kulmay dhibbanaha la sheegay

    Xigashada Sawirka, Pool/Getty Images

    Qoraalka sawirka, Barron Trump oo ah canugga shanaad ee madaxweynaha ayaa sheegay in uu baraha bulshada kula kulmay dhibbanaha la sheegay

    Wiilka ugu yar caruurta Donald Trump ayaa la xiriiray booliiska UK isagoo sheegay inuu arkay saaxiibkiis oo London lagu garaacayo mar ay qaab maqal iyo muuqaal ah ay wada hadlayeenwaxaa sidaasi loo sheegay maxkamad.

    Barron Trump, oo 19 jir ah, ayaa u sheegay booliiska in uu ka codsaday saaxiibbo ku sugan Maraykanka inay wacaan 999, si uu u soo sheego weerarka la sheegay ee dhacay bisha Janaayo 2025.

    Barron Trump ayaa u yeeray dhibanaha eedaysanaha 18-kii Janaayo ee sanadkii hore, sida ay maxkamaddu dhageysatay.

    "Waxaan ka soo wacayaa Mareykanka, haa waxaan hadda i soo wacay gabar, waana la garaacayaa ," ayuu yiri, sida ku cad qoraalka wicitaanka ee ay soo saartay maxkamadda.

    Matvei Rumiantsev, oo 22 jir ah, ayaa hadda la hor geeyay Maxkamadda Snaresbrook Crown Court, iyada oo lagu eedeeyay weerar, laba dacwadood oo kufsi ah, iyo eedeymo kale oo ka dhan ah qofka la sheegay inuu dhibbanaha yahay, kaas oo aan la magacaabi karin sababo sharci awgood.

    way diiday dhammaan eedeymaha, oo ay ku jiraan: weerar sababay dhaawac jireed, laba dacwadood oo kufsi ah, ceejin ula kac ah, iyo faragelin lagu sameeyay habraaca caddaaladda .

  8. Maxay kala faa'iidayaan Somaliland iyo israa'iil ?

    Madaxwaynaha Somaliland iyo rai'sul wasaaraaha Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Reuters/ Social

    Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha Somaliland iyo rai'sul wasaaraaha Israa'iil

    Tan iyo markii Ra'iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu sheegay in dalkiisa uu aqoonsaday Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, waxaa isa soo tarayay baaqyada caalamiga ah ee lagu taageerayay Dowladda Soomaaliya.

    Lifaaqa hoose ku dhufo faahfaahinta

  9. Madaxwayne Cirro oo caalamka la wadaagay ahmiyada ay Somaliland leedahay

    Madaxwayne Cirro

    Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka M JSL

    Qoraalka sawirka, Madaxwayne Cirro

    Qoraal la soo dhigay xafiiska afhayeenka madaxtooyada madaxweynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Cirro isaga oo la hadlayay mid kamid ah warbaahinta uu soo hadal qaaday muhiimadda Somaliland iyo halka ay ku taalo.

    ''Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dalka Somaliland ku tilmaamay Albaab Istiraatiiji ah oo isku xidha Afrika, Bariga Dhexe iyo Marrinada Ganacsiga Caalamka, isaga oo faahfaahiyey fursadaha ku jira khayraadka kala duwan ee dabiiciga ah ee ay leedahay Somaliland (Sida: Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Macdanaha kala duwan iyo Shidaalka'' ayaa lagu yiri qoraalka

  10. Askarta ICE ee howlgalka ka wada Minnesota oo qaaday tallaabo dad badan ka yaabisay

    wiilka ayaa la sheegay inuu 5 jir yahay

    Xigashada Sawirka, Columbia Heights Public Schools

    Qoraalka sawirka, wiilka ayaa la sheegay inuu 5 jir yahay

    Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) ayaa xirayn wiil shan jir ah intii lagu guda jiray hawlgal lay hay'du smaeysaya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dugsiyada Minnesota iyo qareenka qoyska.

    Wiilkan yar oo lagu magacaabo Liam Ramos ayaa la joogay aabbihii – kaas oo Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) magaciisa ku sheegtay Adrian Alexander Conejo Arias –halkaasi oo gurigiisa ay ugu dhaceen ayna ka soo xireen.

    War-saxaafadeed lagu daabacay barta X, ee waaxda amniga ayaa lagu yiri : “ICE ma aysan bartilmaameedsan ilmo,” balse waxay fulinaysay hawlgal ka dhan ah aabbihii, oo ay ku tilmaantay “muhaajir sharci-darro ah” kaas oo ay sheegtay waaxdu inuu “ka tagay” wiilkiisa markii saraakiishu u soo dhowaadeen.

    Zena Stenvik, kormeeraha guud ee Dugsiyada Dadweynaha ee Columbia Heights, ayaa weydiisay:“Maxaa loo xiraa ilmo shan jir ah?

    "Ma ii sheegi kartid in ilmahan loo kala saari doono dambiile rabshado wata." Qoraal ay soo dhigtay X, ICE waxay ku beeniyeen in ilmaha la xiray.

  11. Maraakiib dagaal oo Mareykanku leeyahay oo u dhaqaaqay dhanka Iran

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxwaynaha Mareykanka ayaa sheegay in marakiib dagaal ay ku sii jeedaan dhanka dalka Iran.

    "Waxaa jira maraakiib badan oo halkaasi ku sii socda," ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo la hadlay saxaafadda isagoo ka soo laabtay shirkii Davos ee Switzerland.

    "Diyaarad weyn ayaa halkaa u socota, waan arki doonnaa waxa dhaca, ciidan weyn ayaa u socda Iran, waxaan jeclaan lahaa inaan waxba dhicin .

    Trump ayaa sidoo kale sheegay "Waxaan si dhow ula soconaa iyaga, ciidan ayaan ku sii jeeda halkaasi, waan arki doonnaa."

  12. Yaa gacanta ku haya deegaanak Kudhaa?

    Kudhaa

    Xigashada Sawirka, Socail media

    Qoraalka sawirka, Kudhaa

    Maamul goboleedka Jubaland ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixisay dagaalka dhawaan ka dhacay magaala xeebeedka Kudhaa ee gobolka Jubada hoose.

    Maamulka ayaa sheegay in ay dib gacanta u dhigeen deegaanka Kudhaa oo ilaa shalay dagaal ka socday kaas oo u dhexeeyay ciidamada Jubabaland iyo Alshabaab.

    Hase yeeshee waxuu maamulka Jubaland sheegay in dagaalkaasi sababay xaalad bini’aadantimo oo daran oo ay wajahaayaan dadkii deegaanka ku noolaa.

    Wasiirka arrimaha Bini’aadantimada iyo maaraynta Musiibooyinka ee Jubaland Abdirahman Mohamed Dhiriq ayaa sheegay in dagaalka uu xaaladda uga si daray.