Boqol qalliin ayaan galay waana sii wadayaa - Qalliinka isqurxinta oo ku soo badanaya Shiinaha

Shiinaha

Abby Wu waxay jirtey 14 sano markii ay gashay qalliinkii dhalan-dooriska ee ugu horreeyey.

Ka dib markii ay qaadatay daawo loogu talogalay xaalad caafimaad oo la soo deristey, waxaa muddo labo bilood gudahood ah kordhay miisaanka Abby oo noqday 62kg, halkii uu markii hore ka ahaa 42kg. isbeddelka degdeg ah eek u yimid culeyska Abby waxaa dareemay macallinkeedi jilitaanka riwaayadaha, kaas oo kula taliyey in ay miisaankeeda dhinto haddii ay rabto in ay kooxda ka sii mid ahaato.

"Macallinkeygu wuxuu igu yiri, 'waxaad ahayd xiddigteenna laakiin hadda aad ayaad u cayishey. Waa inaad dheesha joojisaa ama aad miisaanka dhintaa", ayey tiri Abby oo markaas isu diyaarineysey imtixaan dhanka jilliinka ah.

Intaas ka dib waxaa arrinta soo gashay Abby hooyadeed oo u qaadday xarun caafimaad oo dadka looga jaro xayrta foosha caloosha iyo luguha.

Abby weli way xasuusataa erayadii guubaabada ahaa ee hooyadeed ku tiri inanteeda oo markaas gashatay dharkii qalliinka, islamarkaana ka naxsan waxa ay mudan doonto. Waxaana ka mid ahaa: "Is adkee oo gal qalliinka. Waxaad ka soo bixi doontaa adoo sidan ka qurxoone".

Shiinaha

Xigashada Sawirka, Abby Wu

Qalliinku wuxuu ahaa mid uur-ku-taallo leh. Abby waxaa la siiyey suuxdin kooban oo qura, weyna miyir qabtay intii qalliinku socday oo dhan.

"Waan arki karay baruurta jirkeyga laga gurayey iyo dhiigga badan ee iga qubanayey", ayey tiri.

Abby ooh adda 35 sano jir ah, waxay martay in ka badan100 qalliin, ku waas oo ku kacay lacag gaareysan nus milyan dollar. Hadda waxay wax ku leedahay goob dadka lagu qurxiyo oo ku taal bartamaha caasimadda Shiinaha ee Beijing, waa na mid ka mid ah dadka ugu caansan ee ka shaqeeya hawlaha la isku dhalan-rogo ee dalkaas ku soo badanaya.

Laakiin qalliimadaasi waxay ugu kaceen qiime badan.

Iyadoo fadhida murayaadda aqalkeeda raaxada dhexdiisa, waxay dabacsan u salaaxeysaa dhabankeeda oo weli uu ku sii muuqdo raadka cirbado daamanka lagu saafo oo ay dhawaan isku durtay, waana hawl ay marto bishiiba mar si ay muuqeeda u bisho.

Sidaas oo ay tahayna, wax qoomamo ah kama qabto qalliimada ay jirkeeda ku sameysay, waxayna aaminsan tahay in taladii hooyadeed aysan ku qasaarin.

"Qalliinku wuu shaqeeyey. Maalinba maalinta ka dambeysana waxaan ka helaa qaneeco iyo kalsooni. Taasna waxay muujineysaa in hooyadey ay go'aan loo baahnaa qaadatay.

Qalliimada qababaalka qofka lagu dhalan-rogo oo mar ceeb ka ahaan jirey Shiinaha ayaa 20-kii sano ee u dambeeyey noqday wax lagu xarragoodo, taas oo ay ugu wacan yihiin daruufaha dhaqaale ee dadweynaha oo hagaagey iyo buunbuunin baraha bulshada ah.

Shiinaha

Xigashada Sawirka, Family handout

Sannad kasta 20 milyan oo Shiineys ah ayaa kharash ku bixiya si loo bilo naqshadda wajigooda. Dadka qalliimaha foolka lagu saafo sameeyana waxaa u badan dhallinyaro, ku waas oo 80% ay yihiin haween celcelis ahaan 25 sano jir ah.

Inkastoo muuqa qofka, gaar ahaan dumarku uu weligiis mid la muuneeyo marka dhaqanka Shiinaha la eego. Haddana haddana halbeegga quruxda lagu cabiro ayaa si degdeg ah isku beddelaya.

In door ahba dadku waxay iska doon dooni jireen muuqaalka xayeesiga ah ee iyo midabka reer galbeedka, ku waas oo laga dheegtey dhalanrog ay horsed ka ahaayeen kooxaha fanka, sida sameeyeen kooxda reer Kuuriya ee K-Pop:

Waxaana qaababka la jecel yahay ka mid ah dhabannada shuban, indhaha baararka labo-raarka ah leh, goomanka la saafan, sanka dheer iyo sanqaroorka togan. Laakiin beryahan waxaa soo badanaya dadka muuqaallo wiriwir ah eryanaya si ay rumeeyaan riyooyin dhalanteed u badan oo badankood aan la mahdin.