Jilaagii matalay riwaayadda xildhibaanimada oo hadda doonaya in uu ka dhabeeyo

Baarlamaanka Soomaaliland

Xigashada Sawirka, Somaliland Parliament

Qoraalka sawirka, Baarlamaanka Soomaaliland

Inta badan jilaayasha leh hibooyinka ayaa riwaayadaha ay sameeyaan si aan dhab ahayn ugu jila waxyaabaha ka dhex guuxaya bulshada iyagoo si jiliina u soo bandhiga.

Bal hadda ka waran adigoo horrey si mala-awaal ah u sameeyey riwaayad aad ku matamatalaysay xildhibaan dadkuna qaarkood kugulaba kaftamaan ''Xildhibaan".. haddii in muddo ah ka dib ay kugu dhalato doonista xildhibaan oo ad sheegto inaa si ramsi ah u tartami doonti doorashada.

Hiboolahan, isku darsaday jilitaan wanaagsan iyo hab masrixiyadeed uu si quruxsan u soo bandhigo riywaadihii ayaa sidoo kale sheegay in mararka qaar dadku ku qabsadaan qeybo uu ku leeyahay riwaayadaha oo loo arko kuwa dhaba.

''Dad badan ayaa jira koley marka Filmka taxane yahay ee lagu taxan yahay sheekadii waxaa laga yaabaa in dhaba qofku ugu xirmo oo wixii dhab dhab u moodo, kii ugu dambeeyey waxaan matalayey nin dhaxal duudsiyaya ama walaalahii hablihii bahda kale duudsiya oo xaqoodii yaraysanay, marka in dad badani ka xanaqaan oo yiraahdaan ' Maxaa inanta xaqeeda u siin wayday maxaa hablaha ku haysata bal iimaan la'aanta la doonanayso eeg marka meel xun isl gaartaanba" ayuu BBC-da u sheegay Jilaagan.

Jilaaga caanka ah ee Yuusuf Cabdilaahi Muuse oo caan ku ah Yuusuf Ceegaag, ayaa muddo sanooyin laga joogo jilay riwaayad uu matalayey xildhibaan kaas oo ay wada jilayeen saaxiibkiis Cabdiqani Isku-filan basle hadda wuxuu BBC-da u xaqiijiyey inuu doonayo inuu u tartamo xildhibaan.

''Haa way jirtaa arrintaasi inaa iminka inaa matalaadooda ka mid noqdo oo sharaxanahay"ayuu yiri Ceegaag.

Falcelinta dadka markuu u sheego inuu xildhibaan u tartamayo

Jilaa Yuusuf Ceegaag

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Jilaa Yuusuf Ceegaag

Jilaa Yuusuf Ceegaag oo BBC-du waydiisay sida dadku u arkeen markii sheegay inuu doonayo inuu xildhibaan u tartamo doorashooyinka Somaliland ayuu xusay '' Maadama an matalaad ku soo samayeey in la yiraahdo war ma riwaayadii baa baad wali wadaa oo matalaysaa,"

Yuusuf Ceegaan ayaa sheegay in riwaayadaha uu sameeyey ay samayn ku yesheen bulshada.

Waayihiisa Jilaanimo

Jilaa Ceegaag ayaa sheegay in riwaayadiisii ugu horreysay uu xasuusto uu matalay isagoo dhignaay iskoolka oo halkaas ka soo bilaabay.

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Jilaa Ceegaag ayaa sheegay in riwaayadiisii ugu horreysay uu xasuusto uu matalay isagoo dhignaay iskoolka oo halkaas ka soo bilaabay.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jilaa Ceegaag ayaa sheegay in riwaayadiisii ugu horreysay uu xasuusto uu matalay isagoo dhignaay iskoolka oo halkaas ka soo bilaabay.

Isagoo ka jawaabayey in ay isaga dhalatay inuu noqdo jilaa ama inay ahayd hibo ku duugnayd ayuu sheegay in yarraantiisii uu aad u xiisayn jiray daawashada riwaayadihii hore oo aad u jeclaa.

Riwaayadaha uu jilay ayuu sheegay inay qaar ka mida isaga cajabiyaan oo dib u daawo.

Jilaa yuusuf Cabdilaahi Muuse Ceegaag, ayaa ka mid ah jilayaasha loogu jecelyahay Somaliland iyo deegaanada kale ee Soomaalida. Riwayadahiisa ayaa isku jira kuwa uu ku jilay siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Marka laga soo tago jilaanimada riwaayadaha, Ceegaag waa fanaan qaada heeso balse wuxuu BBC-da u sheegay in heesaha uusan ku badnayn oo uu ka jecelyahay.

Ceegaag ayaa sidoo kale jilaa ka noqday flim gaagaaban oo taxane ah oo ka baxay telefishinada Soomaalida kuwaas oo xilliyada Ramadaanta ay dadku aad u daawadaan. Riwaayadahaas waxaa ka mid ah kuwo uu ku jilayo dhaqanka… '' Kuwa dhaqanka ayaan aad u jeclahay" ayuu yiri Jilaa Ceegaag oo BBC-da siiyey waraysi gaara.