Dr Maxamed: Dhakhtarka UK uga yimid si uu qeyb uga noqdo dhakhaatiirta daaweeya askarta ku soo dhaawacma dagaalka Daacish ee Puntland

Xigashada Sawirka, Dr. Maxamed
Buuraha Cal-miskaaad ee Puntland waxaa ka socda dagaal lagula jiro kooxda la baxday dowladda Islaamka. Soomaali iyo ajaaniib ayaa u dagaallamaya kooxda. Ciidamada Puntland ee dagaalka ku jira waxaa intooda badan lagu daaweeyaa isbitaalada gudaha.
Dr. Maxamed Cabdullahi Xasan waa dhakhtar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee isbitaallada UK. Dhawaan ayuu aaday magaalda Boosaaso si uu qeyb uga noqdo dhakhaatiirta gudaha ee daaweeya askarta dagaalka ku soo dhaawacma.
Dr. Maxamed ayaa BBC-da u sheegay in isaga uu go'aansaday in uu dalka yimaado si u gacan uga geysto baahida caafimaad ee jirta.
Dhakhatarka ayaan weydiinay heerka uu gaarsiisan yahay daryeelka caafimaad ee ay helaan askarta dagaalka ku soo dhawacma iyo tayada qalabka isbitaallada.
"Isbitaallada, daawada, baarista, cuntada intuba waa bilaash. Qofka marka u soo dhaawacmo taakuleyn ayaa loo sii diyaariyay balse waxaa nagu adag qalliinada maskaxda iyo kuwa laf-dhabarka," ayuu yiri Dr. Maxamed oo sharaxayay waxyaabaha gudaha dalka aan wax looga qaban karin.
Inta badan dadka hore uma laheyn dhakhaatiir xogtooda haysa ama xarumo caafimaad ay ka diwaangashnaayeen, taasina waxay adkeysay in aan la heyn xogta caafimaad ee qofka soo dhaawacmay. Dr. Maxamed oo arrintaas ka hadlay wuxuu sheegay in taasi ay tahay culeyska ugu weyn ee jira.
"Dhibaatada ugu weyn waa xogta qofka oo aan la heyn, Soomaalida waa reer guuraa, qofka in uu qabay dhiigkar ama ay jiraan cuduro kale xogta ku saabsan in la helo way adag tahay," ayuu yiri Dr. Maxamed oo intaas ku daray "Qofka waxa uu noo sheegi karaa, waa dhaawac markaas ku yaal, laakiin waxaa suuragal ah in ay jiraan cudurro kale, waxaa laga yaabaa in qofka ay xanuuno kale u qarsoon yihiin". Dr. Maxamed ayaa ku sheegay markale in dhaawaca oo xogtiisa la haayo ay wax weyn ka tareyso daaweyntiisa.
Marka laga hadlayo tayada dhakhaatiirta iyo qalabka waxa uu Dr. Maxamed sheegay in dhakhaatiirta ay dadaalayaan balse wuxuu sheegay in ay jirto dhibaato dhinaca qalabka ah.
"Isbitaaladeena qalabka, tayada iyo kaabayaasha ayey dhibaatadu ka jirtaa," ayuu yiri Dr. maxamed oo intaas ku daray in dhakhaatiirta ay dadaalayaan, aqoontooduna ay fiican tahay balse kaabayaasha shaqada fududeyn lahaa iyo nidaamkii lagu hubin lahaa ayuu dhibka ka jiraa.
"Dadka Soomaaliyeed waa in ay aaminaan dhakhaatiirtooda wadanka, dowladdana waa in ay mas'uuliyad iska saartaa. Caafimaadka waxa uu ka mid yahay waxa ugu weyn ee nolosha, hoteelada ugu casrisan ayaa ku yaal dalka, laaakiin qof hadii uu miirbeelo waa in diyaarad la saaraa".

Puntland oo kula dagaallameysa Buuraha Calmis-keed ee gobolka Bari kooxda Daacish oo halkaas fariismo ku leh ayaa sameysay markii uu dagaalka bilowday guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada hawlgalka lagula dagaallamayo kooxda Daacish. Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ayaa magacaabay guddigaas si ay wax uga qabtaan baahiyaha caafimaad iyo wixi kale ee taakulo ah ee ay u baahdaan ciidanka.
Adeegyada caafimaadka ee deegaanada Puntland ayaa sanadihii u dambeeyay tayadooda kor loo qaadayay. Barnaamijka hay'adda UNICEF ayaa taageeray xarumo caafimaad oo gaaraya 43 oo ku yaal gobolada Mudug iyo Nugaal oo dad ka badan 700,000 ay ka heleen adeegyo caafimaad.
Dowlada Jarmalka ayaa sidoo kale taageertay balaarinta iyo dib u dhiska isbitaalka guud ee Garowe iyadoo ku bixisay lacag ka badan 2 milyan oo Euro.













