Maxay tahay sababta Israa'iil ay u hubaynayso kumanaan dadkeeda ah

Qof ka mid ah dadka shacabka ah ee Israa'iil tababar qaadanay

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, qof ka mid ah dadka shacabka ah ee Israa'iil tababar qaadanay

Weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa'iil 7 Oktoobar ayaa sababay in qaar badan oo ka mid ah Shacabka Israa’iil ay safaf dhaadheer u galaan bakhaarada hubka, ayada oo dhawaqa rasaasta ay ridayaan dadka Rayidka ah ee tababarka qaadanayey xilli walba laga maqlayo gudaha Israa’iil si aan kala joogsi lahayn.

Waxaa ka mid ah dadka hubka hadda qaadanaya, Cumri oo ah nin rayid ah oo Israa’iili ah, kaasoo doonaya in uu hubka sifo sharci ah uu ku qaato, waxaa uu u sheegay Wariyaha BBC in habka is hubaynta Israa’iil ay noqtay mid ka fudud sidii hore, isla markaana ay tahay arrin lagama maarmaan ah , inkastoo ay jiraan waxyaabo badan oo aan wanaagsanayn oo ku saabsan qaadashada hubka.

Wasaaradda Amniga Qaranka Israa’iil ayaa fududaysay hannaanka helitaanka hubka ee dadka Rayidka ah, waxaana soo gaaray in ka badan 120,000 oo ah codsiyo dad raba in ay hub qaataan, tan iyo toddobadii bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

mid ka mid ah shacabka Israa'iil oo tabobar ku jira

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, mid ka mid ah shacabka Israa'iil oo tabobar ku jira
Suheyr Xamdouni oo Macalimada reer Falastiin
Qoraalka sawirka, Suheyr Xamdouni oo Macalimada reer Falastiin

"Waa maxay sababta deriskayga Israa'iiliga ah uu xaq u leeyahay inuu is hubeeyo anigana la iigu diidayo"

Suheyr Xamduuni oo ah Macallimad reer Falastiin ah , oo deggan magaalada isku dhafka ah ee Lod ee ku taal khadka cagaaran ayaa tiri “ xaquuqada difaacu Nafsiga waxaa aan u waynay aniga iyo carruurtayda in aan Carab nahay, waan dhiman karnaa oo kaliya” ayay u sheegtay wariye ka tirsann BBC.

Mar wax laga waydiiyay nolosheeda maalinlaha ah ee ku saabsan hubeeynta Israa’iil ee Shacabkeeda iyo muwaadiniinteeda si aar horey loo arag ayay walaac ka muujisay.

Qoyska Carabta ah ee ku nool xaafadaha Israa'iiliyiinta ee magaalada ay Israa'iiliyiintu ku badan yihiin, Suheyr iyo qoyskeedu waxay dareemayaan cabsi ay u qabaan carruurtooda.

"Maxaa deriskayga Israa'iiliyiinta ah xaq u siiyay inay is hubeeyaan, anigu xaq ma lihi miyaa?” ayay tiri Suheyr oo ka hadashay xaqiiqada dhabta ah ee haysta Carabta Falastiiniyiinta ee ku sugan Khadka Cagaaran.

Suheyr oo deggan guri ku yaala waddo weyn, dhanka midig waxaa ka xiga guryo Carbeed, dhanka kalena waxaa ku yaalla guryo ay leeyihiin qoysas Israa'iiliyiin ah oo u dhaw, waxaa ay tilmaantay in ay door biddo in ay masaafo dheer u socoto si ay u soo iiibsato alaabaha gurigeeda ay uga baahan tahay, halkii ay u doonan lahayd dhanka Jidadka Israa'iiliyiinta oo masaafo ahaan u dhaw balse ay ka baqayso in la dilo, sida ay sheegtay, sababo la xiriira shaki fudud oo laga qabo joogitaankeeda halkaas sababtoo ah waa Carab.

Xamduuni waxaa ay u sheegtay wariyayaal BBC ka tirsan in dadka la soo degay ay dhagxaan ku tuureen qoyskeeda iyo gurigeeda intii lagu guda jiray dhacdooyinkii 2021, markaas oo magaalooyinka Carabta ee Israa’iil maamusho ay ku biireen kacdoonka dadweynaha Falastiiniyiinta ee wakhtigaas.

Suheyr Xamdouni oo Macalimada reer Falastiin

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Suheyr Xamdouni oo Macalimada reer Falastiin

Sidee ayuu dagaalku u saameeyay xaaladda dadka Carabta ah ee gudaha Israa'iil dagan?

Dagaalka Israa'iil ay kula jirto Xamaas waxaa uu abuuray xaalad dhaqaale oo adag oo ay wajahayaan Carabta Falastiiniyiinta ee ku nool magaalooyinka Israa'iil.

Wariyayaal BBC ka tirsan ayaa booqday dhowr deegaan oo ay deggan yihiin dadka carabta ah, goobo ganacsina ay ku leeyihiin, balse waxaa ay soo arkeen, dukaamo iyo maqaayado xiran iyo kuwa kale oo aysan jirin wax macaamiil ah oo jooga.

maqaayado
Qoraalka sawirka, maqaayad

Abu Al-Amir oo ah Mulkiilaha mid ka mid ah Makhaayadaha halkaan ku yaal ayey wariyaashu kula kulmeen isaga oo taagan banaanka hore maqaaxidiisa aan lahayn Macaamiisha, isaga oo iska daawanaya waddo cidla ah.

Waxa uu sheegay in boqolkiiba 60 macaamiishiisu inay ahaayeen Israa'iiliyiin, oo aanay hadda iman, maadaama ay ka baqayaan inay yimaadaan deegaanada Carabta, halka Carabtuna aanay booqan goobaha Israa'iiliyiintu ku sugan yihiin, walaac iyo xiisad jirta awgeed.

Dhanka kale wariyaha BBC ayaa tagay magaalada Tira, si ay ula kulmo Dr. Cabdalla Samara, oo ah dhaqtarka wadnaha oo ka howalgali jiray mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada, balse dhawaan shaqada si ku meel gaar ah looga joojiyay ka dib qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Dr. Abdel Samara, oo ah dhaqtarka wadnaha
Qoraalka sawirka, Dr. Abdel Samara, oo ah dhaqtarka wadnaha

Dr Samara ayaa sheegay in si lama filaan ah loogu soo diray warqad rasmi ah oo maamulka isbitaalka uu shaqada uga joojiyay, ka dib markii looga “shakiyay kicin Dadweyne”.

Markii danbe ayuu tilmaamay in uu ogaaday in shaqada looga joojiyay qoraal iyo sawir uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga, taas oo ku saabsan "calan Islaam ah oo muujinaya nabadda" oo aan shaqo ku lahayn taageerada dhaqdhaqaaqa Xamaas ayuu yir Dr Samara.

Dhaqtarkan ayaa isbitaalka ka shaqeynayay muddo 16 sano ah, waxaana bukaanada uu daaweeyo ay badan yihiin Israa'iiliyiin, wuxuuna sheegay in uusan taageeri karin in la dilo dadkii uu badbaadinayay noloshood ee isugu jira Israa'iiliyiinta iyo Carabta.

Carabta Falastiiniyiinta ayaa boqolkiiba 20 ka ah shacabka Israa’iil, waxayna ku nool yihiin meelaha ay Is raa'iiliyiinta wada dagaan,qaarkood waxay sheegeen in xaaladda nololeed ay ku adkaatay wixii ka danbeeyay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.