Janaraalkii dhalashadiisa loogu baddalay haddiyad uu ku dhintay

Major Khenady Shastyakov ayaa ku dhintay shilkan halka wiilkiisa uu si xun u dhaawacmay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mid ka mid ah xubnaha ay isku dhawaayeen taliyaha guud ee ciidamada Ukraine Valery Zalogny ayaa lagu dilay qarax bambaano oo loo adeegsaday munaasabad dhalasho oo gaar ah.

Taliyaha ciidamada, Major Khenady Shastyakov, ayaa saaxiibadii ka helay hadiyado dhalasho, oo uu u sii qaatay gurigiisa. Sida ay wararku sheegayaan, waxa uu dhammaan hadiyadahaas isla fureen wiil uu dhalay oo 13 jir ah, markii uu bam gacmeedka oo ka mid ahaa haddiyadda ku qarxay.

Major Khenady Shastyakov ayaa ku dhintay shilkan halka wiilkiisa uu si xun u dhaawacmay.

Wasiirka arrimaha gudaha Ihor Klimenko ayaa sheegay in wiilka taliyaha uu gacanta ku qabtay afka bam gacmeedka, balse aabihii ayaa wiilka si dhaqsiya uga qaaday bamka sidaas ayuuna ku qarxay bam gacmeedka.

Ukraine ayaa qaraxa ku tilmaantay shil naxdin leh, waxaana wasiirka arrimaha gudaha uu ka codsaday dadka inay sugaan inta baaritaanka la soo gabagabeynayo.

Booliiska ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay gobolka Chayki ee caasimadda Ukraine ee Kyiv uuna ahaa "natiijadii hubka ee sida taxadar la'aanta ah loo maareeyey."

Laakiin markiiba waxaa soo baxday in shan bambaanooyin oo kale ay ku jiraan guriga. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in haddiyadaasi la siiyay saaxiibadiisa ciidamada.

Ka dib, laba bam gacmeed oo la mid ahayd tii qaraxday ah ayaa lala helay mid ka mid ah guriga saaxiibadiis, kaas oo la sheegay in uu darajada Kornayl ka ahaa ciidanka.

Sawirro laga soo qaaday goobta shilku ka dhacay ayaa muujinaya bam-gacmeedyo dhulka dadsaan oo ay la socdaan alaabo kale oo hadiyad ah. Major Khenady Shastyakov ayaa sida muuqata keenay bambaanooyinka guriga oo ay la socotay dhalo wiski ah oo ku jira boorso.

Ilo ka tirsan ciidamada ayaa u sheegay wargeys ka soo baxa dalkaasi in boorsada ay ku jireen muraayado u eg bam gacmeed oo ay ku jiraan dhalo, waxa qarxayna ay tahay boorsadii markii la furay. Wargeysyo kale ayaa sheegay in saaxiibkiis uu hadiyadda siiyay, isagoo leh ' way adag tahay inaad la yaabto sidaas darteed waxaan ku siinayaa bam gacmeed iyo dhalo wiski wanaagsan ah'.

Sawirro laga soo qaaday goobta shilku ka dhacay ayaa muujinaya bam-gacmeedyo dhulka dadsaan oo ay la socdaan alaabo kale oo hadiyad ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Ukraine Valery Zalozhny ayaa ka hadlay xanuunka iyo khasaaraha aan la soo koobi karin ee shilkaas ka soo gaaray ciidamada Ukraine iyo isaga xitaa isaga laftiisa. Marka laga hadlayo Major Khenady Shastyakov, wuxuu sheegay inuu ahaa 'qof la aamini karo' tan iyo bilowgii weerarka Ruushka bishii Febraayo 2022.

Dhimashadan ayaa loo arkaa dharbaaxadii labaad ee ugu weyneyd ee soo gaartay ciidamada Ukraine. Mar sii horreysay, 19 askari ayaa lagu dilay weerar uu Ruushka ka geystay xaflad sharafeed ka dhacaysay magaalada Zaporizhia. Munaasabadda ayaa lagu dhaliilay in lagu qabtay meel halis ah.

Mariana Bizelha, oo xubin ka ah golaha taageersan madaxweynaha, ayaa sheegtay in dhimashada Major Khenady Shastyakov ay sabab u tahay dayacaad. Bam-gacmeedyada waxaa soo saara (ciidanka), ee looma bixiyo hadiyad ahaan.'

Balse, kormeerayaasha ku sugan Ukraine ayaa su'aal ka keenaya sharraxaadda dowladda ee qaraxa. In yar oo iyaga ka mid ah ayaa isla dhex maraaya in uu ahaa weerar iyo in taliyaha guud ee ciidanka laftiisu uu dhab ahaan bartilmaameedku ahaa maadaama laga yaabo in loo malaynayay in uu ka qayb galayo xuska dhalashada saaxiibkiis.