Qoraaga Muslimiinta ka careysiiyay ee dhuumaaleysiga kasoo baxay

Xigashada Sawirka, PA Media
Muddo ka badan 50 sano uu ku jiray suugaanta, Salman Rushdi kuma cusbo in uu ka kulmo hanjabaado kadib shaqadiisa.
Qoraaga wuxuu ka mid ahaa qoraayaasha ugu caansan Britain, wuxuu sanadkii 1981 qoray buuggiisa Midnight's Children, ee uu abaalmarinta ku helay.
Sanadkii 1988-dii wuxuu soo bandhigay buuggiisii afaraad ‘The Satanic Verses’ oo micnaheedu yahay ‘Aayadaha Sheydaanka’ – buuggan ayaa dhaliyay muranka ugu badan, waxaa ka dhashay caro caalami ah oo aan horey loo arag.
Muslimiin badan ayaa ka carooday buugga Salmaan Rushdi, waxay sheegeen in buugga meel uga dhacay Rasuulka (N.N.K.H.H) iyo diinta Islaamka.
Salmaan waxaa loogu hanjabay dil, waxay hanjabaddaas ku khasabtay in uu galo dhuumaleysi, dowladda Britain ayaa si weyn u ilaalineysay ammaanka Salmaan.
Iran waxay xilliggaas xiriirka u jartay dowladda UK iyadoo ka careysneyd buugga Salmaan.
Hoggaamiyihii Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini, ayaa soo saaray Fatwo uu ku baaqay in la dilo Salmaan sanadkii 1989- sanad kadib markii buugga la daabacay.
Hase yeeshee, reer galbeedka, qoraayaasha iyo waxgaradka waxay dhalleeceeyeen halista ka imanaysa xorriyadda hadalka ee ka dhalatay falcelinta qallafsan ee buugga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Salmaan Rushdi wuxuu ku dhashay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya- labo sano ka hor xoriyadda Hindiya oo uu gumeysan jiray Ingiriiska.
Markii uu 14 jir ahaa wuxuu tegay Ingiriiska, wuxuu iskuul ka galay magaalada Rugby, markii dambe wuxuu shaahadada jaamacadda koowaad ee culuumta taariikhda ka qaatay jaamacadda Kings College ee ku taalla Cambridge.
Wuxuu helay dhalashada Britain, wuxuu ka baxay diinta Islaamka, wuxuu muddo kooban ahaa majaajileyste, markii dambena waxbuu xayeysiin jiray isagoo qoraa ah.
Salmaan muddo shan sano ah ayay ku qaadatay inuu qoro buuggiisii labaad ee la yiraahdo Midnight's Children sanadkii 1981, abaalmarin ayuu ku helay buuggan, waxaa uu iibiyay nus milyan nuqullada buugga.
September 1988-, wuxuu qoray buuggiisa (The Satanic Verses) ee ka careysiiyay Muslimiinta badan oo ay u arkeen in uu aflagaadeynay diinta Islaamka.
Hindiya ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee mamnuuca buuggaas, waxaana ku xigay Pakistaan iyo dalal Islaam ah iyo Koonfur Afrika.
Buuggan wuxuu helay aqoonsi balse waxaa sii xogeystay dibadbaxyada looga soo horjeeday qoraaga buugga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muslimiin badan aya buuggiisa u arkay aflagaado ka dhan ah diinta Islaamka.
Bishii January sanadkii 1989, Muslimiinta ku sugneyd magaalada Bradford ee dalka UK, waxay gubeen buugga halka wakaaladda wararka ee WHSmith ay joojisay inay soo bandhigto buugga.
Rushdi wuxuu diiday in wax aflagaado ah uu u geystay diinta Islaamka.
Magaaladii uu ku dhashay Salmaan, 12 qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo rabshado watay oo ka dhacay halkaas, waxaa dhagaxaan lagu weeraray safaaradda UK ee Iran, waxaana $3m oo doolar la dul dhigay madaxa Salmaan.
Xilliggaas Muslimiinta qaar ee UK waxay ku baaqeen in arrinta Salmaan ay dhexdhexaad ka noqdaan halka kuwa kalena ay taageereen hadalka hoggaamiyihii Iran Ayaatullah.
Waddamada Faransiisk, Mareykanka iyo dalalka oo reer galbeed waxay cambaareeyeen hanjabaadda dil ee ka dhanka aheyd Rushdi.
Tan iyo wixii xilliggaas ka dambeeyay Rushdi iyo xaaskiisa ayaa dhuumaaleysi ku jiray iyadoo si weyn loo ilaanayay amnigooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Salmaan Rushdi kaliya ma aheyn cidda dilka loogu hanjabay buuggiisa dartii.
Nin u dhashay Japan oo la yiraahdo Hitoshi Igarashi oo turjumay buugga ‘The Satanic Verses’ ayaa dhowr jeer toori la dhacay kaas uu ku dhintay afaafka hore ee jaamacadda Tsukuba bishii sanadkii 1991-dii, ilaa iyo hadda lama ogo cidda dishay ninkaas.
Isla bishaas, nin u dhashay Talyaaniga oo la oran jiray Ettore Capriolo, ayaa toori lagu weeraray xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaallay Milan inkasta uu weerarkaas ka badbaaday.
William Nygaard, oo isaga buugga ku turjumay luqadda Norwegian ayaa lagu toogtay gurigiisa oo ku yaalla Oslo- inkasta uusan ku dhiman weerarkaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Rushdii wuxuu qoray buuggaag dhowr ah oo ay kamid yihiin, Haroun and the Sea of Stories (1990) a book of essays, Imaginary Homelands (1991), iyo the novels East, West (1994), The Moor's Last Sigh (1995), The Ground Beneath Her Feet (1999), iyo Fury (2001).
Salmaan wuxuu guursaday afar xaas, wuxuu dhalay 2 carruur ah, haatan wuxuu ku noolyahay Mareykanka, waxaana sanadkii 2007 abaalmarin siisay boqoradda kadib guusha uu ka gaaray suugaanta.
Sannadkii 2012-kii, waxa uu daabacay buug xusuus ah oo noloshiisa ku saabsan ka dib murankii ka dhashay aayadaha Shaydaanka.
Hanjabadda dilka ah ee ka dhanka aheyd Rushdi waa mid mar kasta aheyd joogto oo aan ka harin, hoggaamiyaha Ruuxiga ee haatan ee Iran-













