Salmaan Rushdi: Qoraagii buugga 'Ayaadaha Sheydaanka' oo mindi lagu weeraray

Salman Rushdi

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraaga Salman Rushdie, oo sannado badan loogu hanjabay dil ka dib markii uu qoray Buug uu ciwaan uga dhigay Aayadaha Shaydaanka, kaas musliim badan u arkeen in lagu aflagaadeeyay Qur'aanka kariimka ah iyo nebiga ayaa lagu weeraray masrax ku yaal gobolka New York.

Ninkaan Ku guuleystayaasha abaalmarinta buugaagta, wuxuu ka hadlayay munaasabad ka dhacday Machadka Chautauqua waqtiga weerarku dhacayay.

Booliska gobolka New York ayaa sheegay in nin laga shakisan yahay uu ku soo orday masraxa oo uu weeraray Mr Rushdie iyo wariyihii wareysanayay.

"Rushdie waxa uu dhaawac muuqda ka soo gaaray qoorta," ayaa lagu yiri bayan ka oso baxay booliiska.

Qoraaga waxa lagu qaaday diyaarad helikobter ah oo la geeyey isbitaal deegaanka ah. Xaaladiisa ayaanna hadda la ogeyn sida ay tahay.

Wariye Henry Reese, oo ah wariyihii waraysanayay ayaa isna dhaawac fudud ka soo gaaray madaxa. Mr Reese waa aasaasaha hay'ad dowli ahayn.

Eedeysanaha ayaa isla markiiba xabsiga la dhigay, sida ay booliisku sheegeen.

Qoraagaan u dhashay dalka Hindiya wuxuu caan ku noqday buugga lagu magacaabo (Midnight Children ) oo uu qoray sanadkii 1981, kaasi oo hal milyan oo nuqul lagu iibiyay gudaha dalka Ingiriiska.

Balse Mr Rushdie buugiisii afaraad oo ciwaan uga dhigay Aayadaha Shaydaanka oo ka carreysiiyay musliim badan ayaa ku qasbay in muddo sagaal sano ah uu is qariyo.

Buuggaan markii uu faafay wuxuu carro ka dhaliyay dunida Muslimka iyadoo loo arkay in loogu gefay diinta Islaamka, waxaana laga mabnuucay qaar ka mid ah dalalka Islaamka.

Sanad kadib markii la daabacay buuggaan ayaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Cali Khumeyni wuxuu ku baaqay in la dilo Rushdi isla markaana waxaa uu ku yaboohay in ciddii howshaas fulisa la siinayo lacag dhan saddex milyan oo doolarka Mareykanka ah. Salman Rushdi waxa uu horey u sheegay in buugiisa mala-awaalka ah uu ka hadlayay nolosha dadka soo galootiga ah.

Tobanaan qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhashay kadib markii ay dibadbaxyo dhigeen musliim ka carreysan buugga.