Dalal muslim ah oo ay ka mid yihiin kuwa ku jira heshiiska Abraham oo ka hor yimid aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland

.

Xigashada Sawirka, Youtube

Qaar ka mid ah dawladaha khaliijka oo ay ku jiraan dalal xubin ka ah heshiiska Abraham Accord ee u dhaxeeya Israa'iil iyo dhowr dal oo muslim ah ayaa hadal wadajir ah ka soo saaray aqoonsiga ay Israa'iil aqoonsatay Somaliland 29 Disembar e sannadkii hore.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Urdun Masar, Aljeeriya, Bangladesh, Comoros, Djibouti, Gambia, Indonesia, Iran, Kuwait, Libya, Maldives, Nayjeriya, Cumaan, Qatar, Sacuudiga, Soomaaliya, Sudan (oo saxiixday inay ku biirtay heshiiska Abraham), Turkiga, Yemen, iyo ururka iskaashiga Islaamka ayaa si wadajir ah u soo saaray qoraalka.

Inkastoo ay siyaabo kala duwan dalalkaas hore uga hadleen mowqifkooda, misna qoraalkan oo shalay la shaaciyey ayey ku sheegeen inay "ku gacan sayreen" aqoonsiga Somaliland oo ay ku tilmaameen "gobol ka mid ah" Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya.

Waxay intaa ku dareen inay "cambaareynayaan booqashadii dhoweyd ee sharcidarrada ahayd ee sarkaal Israa'iili ah uu ku tegey gobolka 'Somaliland' ee jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya 6 Janaayo 2026".

Inkastoo ay ku celiyeen in ay taageerayaan booqashadaas oo ay u arkaan mid xadgudub ku ah sharafta iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya, waxay sheegeen in aan la ogolaan karin waxay ay ugu yeereen "ajendaha gooni u goosadka", ayagoo dhanka kalena sheegay inay taageerayaan talaabooyinka ay Soomaaliya qaadday ee isugu jira kuwo diblomaasiyadeed iyo kuwo sharci.

Dalalka ku Jira Abraham Accord

Heshiiska Abraham wuxuu hore uga dhaxeeyey 5 dal oo 4 ka mid ah ay yihiin dalal carbeed iyo Somaliland oo sheegtay inay mar dhow ku biirtay, wuxuuna dhigayaa in heshiiska ay la leeyihiin Israa'iil uu noqdo mid caadi ah.

Ilaa hadda dalalka Abraham Accord ku jira ee taageeray qorshaha Soomaliya ay ku diidday aqoonsiga Somaliland waxaa ka mid ah:

Iimaaraadka Carabta: Iimaaraadka iyo Midowga Afrika ayaa hadal wadajir ah oo ay soo saareen ku taageeray madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada dhuleed, amniga iyo xasilloonida.

Sudan: Suudaan waxay ka mid tahay dalalka mowqifka adag ka qaatay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland, waxayna saxiixeen ku biiritaankooda heshiiska Abraham bishii Janaayo 2021, ayadoo dawladdii KMG ahayd ee xilligaas jirtay ay saxiixday.

Waxay xilligaas aqbaleen inay caadi ka dhigaan xiriirka kala dhaxeeya Israa'iil, ayadoo taa beddelkeedana laga saarayo liiska dalalka taageera argagixisada, deymahana laga khafiifinayo, laguna siinayo gargaar.

Morocco: Dalka Morocco wuxuu ka mid yahay dalalka qaybta ka ah heshiiska Abraham Disembar 2020, ee saxiixay in caadi laga dhigo heshiiska kala dhaxeeya Israa'iil. Waa dalka 4aad ee carbeed ee xiriirka noocaas ah la leh marka laga yimaado Iimaaraadka, Sudan iyo baxrayn oo aan weli ka hadlin, taageero ama diidmo, aqoonsiga Israa'iil Somaliland.

Inkastoo Morocco aysan taageerin aqoonsiga, misna kama mid ah dalalka sida wadajirka ah u cambareeyey aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland.